12/05/2026
MAXAA KA SOO BIXI DOONO SHIRKA BARI UGA FURMI DOONO DOWLADA IYO MUCAARADKA?👇🏾
Mucaaradka ayaa ilaa hadda u muuqda kuwo aan weli isku raacsaneyn nooca doorasho ee ay doonayaan, arrintaas oo la filayo inay wiiqdo doodooda marka ay wada-hadal la galaan dowladda.
Kala aragti duwanaanta ugu weyn ayaa u dhexeysa qeybaha mucaaradka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo la sheegay inay doorbidayaan hannaan ay saameyn ku yeelan karaan cidda kasoo baxaysa, halka xubnaha kale ee mucaaradka ay doonayaan nidaam ka duwan kuwii h**e balse aan sidoo kale noqon doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale, beesha caalamka ayaa laga yaabaa inay su’aal geliso sababta loo diidan yahay doorasho qof iyo cod ah, maadaama h**e loogu tijaabiyey meelo ay kamid yihiin Banaadir, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa adkaan karta in miiska wada-hadallada lagu diido nidaamka qof iyo cod iyadoo aan la bixin sabab adag, maadaama taasi abuuri karto tuhun la xiriira hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
Waxaa jira saadaal sheegaysa in dowladda loogu daro muddo dheeri ah, isla markaana dib loo habeeyo guddiga doorashooyinka si loo helo guddi cusub oo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin, loona diyaariyo doorasho qof iyo cod ah muddo sanad gudihiis ah.
Adiga maxay kula tahay comments ka noogu reeb👇🏾