Dhaxal reeb

Dhaxal reeb xayeysiin iyo xikmado

Waxaa jirtey shirkad caan ku ahayd samaynta iyo sii iibinta khamriga, sharikada waxaa ushaqayn jirey nin khamiriga ka dh...
26/01/2025

Waxaa jirtey shirkad caan ku ahayd samaynta iyo sii iibinta khamriga, sharikada waxaa ushaqayn jirey nin khamiriga ka dhadhamiya marka la sameeyo inta aan suuqa la gayn, ninki dhadhamiyaha ahaa wuu dhintay, shirkadina waxa ay baahisey in ay sharikada ka banaantahay shaqo ah dhadhamiyaha khamriga oo ay doonayso "dhadhamiye khamri".

Nimanka shaqadan usoo dhibtey CV-ga waxa kamid aha Nin ahaa Khamriya cab soo jabay oo in badan soo cabaayey oo xidhanaa dhar aad ufool xun, agaasimihi shirkada aya isku deyey ninka sidan u eg sidii uu tartanka shaqada uga reebi laha iyo in uu ku adkeeyo imtixaanka.

Agaasimihi waxa uu u keenay ninkii Glass khamri ah si uu u dhadhamiyo, ka dibna uga waramo taarikhadii la sameeyey iyo waxa uu ka kooban yahay, markii uu dhadhamiyey ayaa waxa uu yidhi kani waa khamriga Cabernet Franc oo kasamaysan brown berries oo la huuriyey 150 maalmood oo haddana lagu u dgooniyey ubaxa qoronfalka nisbada Alcohol ee ku jirtaana waa 13%.

Agaasimihii aya inta uu yaabay amar ku bixiyey in loo keeno Glass kale oo ka duwan kii h**e si uu udhadhamiyo inta uu dhadhamiyey ayuu yidhi kani waa Muscat Ottonel oo dhadhan looga dhigay apricot oo la huuriyey 140 maalmood nisbada Alcohol ee ku jirtaana waa 11.5%.

Agaasimihi inta uu yaabay ayuu u il jebiyey xog hayihiisii ama sekerteradiisi oo ag fadhidey isaga oo leh wuxun samee, inta ay kacday ayay keentay Glass kale oo ay kuso shubtay kaadideeda

Inta uu dhadhamiyey ayuu yidhi tani waa inan aad uqurux badan oo aa weli aan la guursan da'dana jirta 25 sanno waxa ay leedahay uur sadex bilood ah, waxa ay sida labo mataano ah haddii aan shaqadaa la isiina waxa aan sheegi doona aabaha mataanaha dhalay.
😂😂

23/01/2025

Dhibaatoyinka laga dhaxlo Dagaalada Sokeeye Ee ka socda meelo badan oo dhulka soomalida kamida 😌

23/01/2025

WiiL Hoog 🤯

18/01/2025

Bisha Ramadaan zxpkaaga sidan sameeya u yeedh kuna dheh khayr ku camir insha allah

16/01/2025

maxaad ku tilmaami lahayd kanoo kale

mid ka mida sababaha ay Ragu uga dhimasho badanyihiin Dumarka😂
16/01/2025

mid ka mida sababaha ay Ragu uga dhimasho badanyihiin Dumarka😂

15/01/2025

khabiib oo ficilo wanagsan uu sameeyey ay soo jiiteen dad badan oo aan muslim ahay

15/01/2025

Qamar suugani oo wax laga waydiiyey xidhiidhka isaga oyo xaaskisii h**e ugbaad

07/12/2024

mixnadan yar eega

Sheekadan u sheeg kuwa ku weyddiiya waxa ay daacadnimadu tahay.Hadda ayuu jaamacad bilaabay.Dhaqaaluhiisu ma wanaagsanay...
21/02/2024

Sheekadan u sheeg kuwa ku weyddiiya waxa ay daacadnimadu tahay.

Hadda ayuu jaamacad bilaabay.
Dhaqaaluhiisu ma wanaagsanayn.
Qoyskiisu ma awoodin inay u soo diraan lacag ku filan, Waxa uu baranayey injineernimada.

Maqaayad bacadlaha ku dhex taala ayuu galay;
- "Miyaan heli karaa wax yar oo roodhi qalalan ah?" ayuu yidhi.
- Milkiilaha makhaayaddu wuu fahmay.
Saxan qallalan aa?,
Bariis buu u keenay.
Ardaygu wuxuu dhihi jiray "wax yar" maalin kasta; milkiilaha makhaayadduna wax
aad u badan ayuu siin jiray.

Sannado ayaa ka soo wareegay, dugsigii wuu dhammaaday.
Ardaygii wuxuu noqday injineer qani ah.
Waxay ahayd "wax yar oo qallalan wixii aan rabay" ayaa ku soo dhacday maskaxdiisa. Intaas kaddib wuu booday,
Magaalada ayuu galay.
Waxa uu aaday halka ay maqaaxidii kaga taalay suuqa.
Waxa uu ogaaday in aanay jirin makhaayad.
Isla markiiba wuxuu weyddiiyey ganacsatadii kale..
- "Aaway makhaayaddii halkan ku taalay iyo mulkiilihii?"
Ganactadii waxay ku tidhi, ,
- Maqaayadii way xidhan tahay, odaygiina gurigiisa ayuu fadhiyaa.
Ugu dambayna way u tilmaameen.

Wiilkii wuu tagtay oo gurigii buu helay.
Albaabka ayuu garaacay.
Odaygii ayaa albaabkii furay.
- Adeer, halkan ayaan wax ku bartay sannado ka hor.
Mar walba waxaan rabay wax kayar, adiguna
wax badan ayaad bixinaysay.
Odaygii wuu ku guul daraystay inuu xasuusto ardaygan, waayo arday
walba sidaas ayuu u sameyn jiray.

-
Ardaygii ayaq yidhi , dhib ma leh, adeer, guriga ma adigaa leh?" "
Odaygii,
- "Maya, kiro ayaannu ugu jirnaa, aniga iyo xaaskayga waanu iibsan doonaa. ayuu yidhi.
Ardaygii
- Hagaag buu yidhi. Wuu Tagay oo wuxuu helay ninkii lahaa guriga
Gurigii ayuu iibsaday oo Odaygii siiyay. Waxa kale oo uu kaga tagay baakidh lacag ah oo aad u badan.
Odaygii,
- Alla ugu Adeer maxaad waxaas oo dhan u samaysay? ayuu yidhi
Ardaygii;
- Adeer, haddaadan I siin lahayn bariiskii yaraa
Gaajo ayaan seexan lahaa, gaajana waan toosi lahaa.
Malaha xataa ma dhamayn kari lahayn dugsiga
Haddase aad baan hodan u ahay!
I rumayso, waxa aan ku siiyay waxaa ka qiimo badan waxaad i siisay.

Ugu damayn :

Way isku duubmeen oo ooyeen.
Ah dadnimada.

Asalaamu calaykum

Maalin barako leh❤️

19/11/2022

𝐍𝐚𝐱𝐝𝐢𝐧 𝐫𝐚𝐠!!
Fooqyada waawayn ee nimanka leh cusbitaaladu dhisteen, naxdin rag ayaa laga dhistay.

Xanuunka lalama ballamee qof ayaa kaa xanuunsan, markaas ula carari cusbitaal adiga oo xaaladahu kaa jeexjeexanyihiin waa halkii ninkiiye, markaas ayay iyaguna kusii jeexjeexi.

Imisa nin oo iska faro madhan ayaa ula orday xaaskii oo ka foolatay, oo iyagii kala kulmay xanuun kii fooshaba ka daran markii lagu yidhi waa la qalayaaye hadda shub lacag gaadhaysa $600.
Hadda laga yaabaa taxiilihii soo qaadayba inuu moobilkiisii dhiibay.

Midbaa soo helay lacagtii qalliinka iyo tii dawadaba, waxa se laga diiday in lacagtaa laga qabto hawshiisana la gallo illaa inta uu shubayo kirada qolka ay afarta cisho jiifayso xaaskiisu marka la qalo.

Isaga oo ciil, warwar iyo cabsi wax aad ukala garanwaayayso oo is huwan dareemaya, shucuurtiisana ay ka muuqato habrashada laga arko dambiile askari jiidayaa kusii wado xabsiga ayuu yidhi
“inaadeer markaad qashaan lacag mahayee gurigaygii ayaan u qaadanayaa”, waase laga diiday.

Waa qolal halkii habeen lagu seexdo $40.

Saacad ka dib, islaantii oo fool ahina meel u fadhido, waxa uu soo helay 2 habeen qolka kiradiisii, Waase laga diiday illaa uu afarta habeenba lacagtooda soo shubayo.

Ogow hudheelada lagu raaxaysto 25 dollar ayaa lagu seexdaaye.

Torture.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634195657

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhaxal reeb posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhaxal reeb:

Share