04/06/2025
:
Waxaan halkan bogaadin gaar ah uga dirayaa Fahamka, Dadaalka, iyo Siyaasadda Qunyar-socodka ah ee uu Agaasimaha Guud ku maamulayo iyo .
Waa markii ugu horreysay ee Agaasime Guud muddo 30 maalmood oo xidhiidh ah, si joogto ah, u yimaado xafiiska saacadaha shaqada oo dhan (7:30 subaxnimo ilaa 2:30 galabnimo). Tani waxay muujinaysaa sida uu ugu heelan yahay shaqada iyo sida uu u fahansan yahay muhiimadda ay wasaaraddu u leedahay horumarka qaranka.
Waxaa kale oo muuqata dadaalka uu ku bixinayo:
●Jahaynta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha,
●: Dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee wasaaradda,
●: Iyo hormarinta qorshayaasha maalgashiga ee ay wasaaraddu u xilsaaran tahay.
Agaasimaha Guud waxa uu dhiirrigeliyay:
■Diyaarinta siyaasad iyo jawi maalgashi oo hufan ( ),
■Fududeynta helitaanka ruqsadaha ( ) ee maalgashadayaasha,
■Iyo isfahamsiinta bulshada deegaanka iyo maalgashadayaasha.
Intaa waxaa dheer, waxa uu curiyey fikradda ah in macdan-qotayaasha maxalliga ah la siiyo tababbarro la xiriira badbaadada naftooda iyo ilaalinta deegaanka ( ).
Arrimaha xusidda mudan waxaa ka mid ah cadaalad ku qaybinta mashaariicda ballaadhinta tamarta, gaar ahaan:
ka hawlgala gobollada Awdal, Saaxil, iyo Maroodi-jeex.