Mukhtar Carab

Mukhtar Carab Advertisement , marketing Page

Carab Car Rent shirkada kireyta baabuurta
08/11/2024

Carab Car Rent shirkada kireyta baabuurta

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ
12/04/2023

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ

Waxaan u hambalyeynayaa ardeyda ka qalin jabisey kulliyaddaha kala duwan  ee Jaamacadda Burao   University  .Waxaan idii...
19/10/2020

Waxaan u hambalyeynayaa ardeyda ka qalin jabisey kulliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Burao University .

Waxaan idiin rajaynaya hiraaal wacan.

Hambalyo Sultan Sakariye Saleban ."Waxaan U Hambalyaynaya Dhiinka shareecada Burao University . Waxaan Ilahay Uga Rajayn...
11/08/2020

Hambalyo Sultan Sakariye Saleban .

"Waxaan U Hambalyaynaya Dhiinka shareecada Burao University . Waxaan Ilahay Uga Rajaynaya inuu ufudaydiyo xilka uu qabtay Manta".

LABISKa Qurxoon !"Cilmi baaris lagu daabacay bogga Inc.com ayaa sheegaysa in haddii labiskaagu qurxoonyahay ay saamayn k...
06/08/2020

LABISKa Qurxoon !

"Cilmi baaris lagu daabacay bogga Inc.com ayaa sheegaysa in haddii labiskaagu qurxoonyahay ay saamayn ku yeelanayso maskaxdaada iyo qaab fikirkaaga.

Sidoo kale, Haddii Style-kaagu u habaysan yahay qaab qof xirfadle ah iney ka qayb qaadanayso go'aan qaadashadaada, kalsoonidaada nafta, halabuurkaaga iyo inaad saamayn degdeg ah ku yeelan karto qof kasta oo aad la kulanto"

Hambalyo TelesomDanta bulshadu wax ku jirta  ( Competition)Hadal oo Hadal Bisha oo dhan Kaafiye + Aroos Wacan
28/07/2020

Hambalyo Telesom

Danta bulshadu wax ku jirta ( Competition)

Hadal oo Hadal
Bisha oo dhan
Kaafiye + Aroos Wacan

Lixdan sano oo uu Ingineer ka ahaa shirkad dhismo kadib ayuu go'aansaday in uu shaqada ka tago, wuxuuna shirkadda u gudb...
27/07/2020

Lixdan sano oo uu Ingineer ka ahaa shirkad dhismo kadib ayuu go'aansaday in uu shaqada ka tago, wuxuuna shirkadda u gudbiyay warqad shaqo-ka-tegis ah. Maamulaha shirkadda oo Injineerka ka aqbalay shaqo-ka-tegista ayaa ka codsaday in uu shirkadda u dhiso gurigii ugu dambeeyay, inta uusan shaqada ka tegin, wuuna ka aqbalay isagoo dhibsanaya in uu maalmo kale shaqadaan sii joogo.

Si uu shaqada isaga fududeeyo ayuu shaqaalihii faray in ay dhismaha boobsiiyaan, taasina waxay meesha ka saartay tayada iyo quruxdii guriga. Markii dhismuhu dhammeeyay ayuu maamulaha ku wareejiyay furihii guriga. Maamulaha ayaa ku yiri: Injineere annagoo ka xun in aad shaqada ka tagto, waxaan kaaga mahadcelineynaa waayihii dahabiga ahaa ee aad nala soo qaadatay. Markii ay warqaddaada Ruqsadu na soo gaartay ayaan ka tashannay arinkaada waxaana go'aansannay in aan guri abaalmarin ahaan kuu siinno, waana gurigaan aad hadda adigu gacantaada ku dhistay.

Maalinkaas ayuu Ingineerkii ka shallaayay in uu fududeystay dhismaha gurigaan, maadaama uusan u dhisin si fiican, uuna u noqon doono guriga uu ku dhammeysan doono noloshiisa.

Sidaas oo kale waxaa ah cibaadada oo laga yaabo in aad iska fududeysato. Marka adigoo cibaadeysanaya ay naf iyo sheydaan ku faraan in aad boobsiiso oo aad meel ka daaheyso, xusuuso in waxa aad u degdegeyso iyo waxa aad ka cabsaneyso in ay ku seegaan ay Rabbi gacanta ugu jiraan. Cibaadada aad gudaneyso adiga ayaa leh ajirkeeda iyo abaalkeeda, adiga ayaana maanta ah Injineerka ka shaqeynaya dhismaha Aakhiradaada, ee u hagarbax Allena u kaasho dhisidda mustaqbalkaada Aakhiro.

Xigasho

26/07/2020

Raysal Wasaarihii h**e ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Like Page

"Nimanki Guddidii Corona Virus Malaayinki lacagta ahaa ee dadka loogu dhiibay waxaan Anigu odhan lahaa: Waar Ciidi ayaa ...
22/07/2020

"Nimanki Guddidii Corona Virus Malaayinki lacagta ahaa ee dadka loogu dhiibay waxaan Anigu odhan lahaa: Waar Ciidi ayaa soo galayse, lacagtaas Cisbitaalada dhimirka ee goboladda dalka, Cisbitaalada TB ee goboladda dalka, Goobaha Agoomaha lagu hayo, Xaafadaha danyarta ee dalka oo dhan, u qeybiya badhka kale ee soo hadhana Xannaanooyin iyo Iskuulo ugu dhisa tuulooyinka dayacan ee dalka.

Haddii ay lacagti idinku baxdayna dadka u sheeg oo cafis waydiista kadibna Maxkamadda taga oo is xidha". Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa yidhi.

Xaalka Afgooye ee maanta "Intee qoys  bay Awoododu dhigtey bannaan cidlo ah oo dhaxan iyo qaboow caawa hoy la'aan ah"Alx...
22/07/2020

Xaalka Afgooye ee maanta

"Intee qoys bay Awoododu dhigtey bannaan cidlo ah oo dhaxan iyo qaboow caawa hoy la'aan ah"

Alxamdulillah dheh haddii rabbigaa kuugu nimceeyey hoy iyo gabbood San.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634454059

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mukhtar Carab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mukhtar Carab:

Share