25/04/2022
Sheeko iyo badh
Bal nala akhri
Tuulo ku taalla Galbeedka waddanka Ukraine ayaa laga helay qabriga ninkan iyo gabadhan la aasay ayagoo laabta isu haya 3000 oo sanno ka hor!!
Sida ay xaqiijiyeen khubaro baadhitaan ku samaysay, waxa ay sheegeen in aan habka gabadhu u taallaa ahayn mid loo dhigay ayadoo mayd ah, bal se ay noolayd kolkii la aasay, ayadoo doonisteeda ku dooratay in ninkeeda ka hor dhintay lala aaso, si ay caalamka kale ugu raacdo sida dadkaas rumaysnaayeen oo aanu Xagaa naag kale ugu aroosin iyadoo Markaa ifka kaga maqan
Sababta ay sidan u samaysayna waxay ku cabbireen khubarada xogta ka bixisay inay tahay in gabadhani ay Jacayl weyn u Haysay Ninkeeda oo ay u arkaysay in aanay meel ku kala hadhi karin Xitaa haday tahay qabriga
Haddii tacbiirkani sax yahay ma la odhan karaa haweenka Meel halisa ayuu kaga yaala Hinaasaha dhanka guurku raguna Waxay u haystaan Ciyaar ciyaar oo haday sida u fahansan yihiin lama aysan guursadeen Xasaskooda ilaa qabri madaw u galaya si aan naag kale uga dambayn Xaajigeeda
Fadlan share