Top Trade Show

Top Trade Show Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Top Trade Show, Marketing Agency, Hargeisa.

SHAACIN MAGACAABIS XILAL MAAMUL IYO MASUULIYIIN ========================================================================...
01/10/2024

SHAACIN MAGACAABIS XILAL MAAMUL IYO MASUULIYIIN
========================================
========================================

Maanta oo ay taariikhdu tahay 01/oct/2024 waxa ay shirkada Top Trade Show u dooratay madaxa shirkada Mudane: Abdirahman Waraabe Cade inuu ahaado Gudoomiyaha shirkada, Mudane: Mustafe Yasiin Haybe inuu ahaado madaxa fulinta hawlgalada shirkada, Marwo: Ayaan Xuseen Dugsiiye inay ahaato madaxa xidhiidhka bulshada, Mudane: Maxamed Xasan Maxamed inuu ahaado madaxa mashaariicda shirkada. Waxay leedahay shirkadu hambalyo marka h**e , marka xigtana xilalkaa allah ha idinku asturo. Hawlgudasho wacan.

Gudida Sare Ee Top Trade Show

21/09/2024

Ugu dambayn waxanu shirkad ahaan Top Trade Show xaqiijinay hirgelinta barnaamijka BASRI OO BADQAB BII'ADANA BADBAADI oo wacyi gelin degaan ah, kaas oo tan iyo maalintii hal-abuurkiisa qalinka shirkad ahaan anu u qaadanay laga jooga 9 bilood.

Olole dheer, tashi, iyo tusaalayn badan kadib, waxa daah-furmay barnaamij isku sidkaya degaanka, caafimaadka, waxbarashada.

Ujeedka barnaamijkan ayaa ah in si mugle loo dareemo loogana damqado dhibaatooyinka degaanka xadhkaha sii goosanaya in loo helo xal waara oo lagu xakameeyo xawliga waxyeelada degaanka ku soo kordhaysa.

Waxa barnaamijka daahfurkiisa qayb laxaadle ka qaatay, Dawladda hoose ee hargeisa (Degmada 26june), Wasaarada warfaafinta, Almis waste management, Qoraxmaal company , ururka YOOL-BEEG, Health Safety Program, oo aanu dhamaantood leenahay mahadsanidiin sida aad noola fuliseen barnaamijka.

Wasaaradda Warfaafinta JSL Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Health and Safety Program-HPS BBC News Somali Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

BASRI OO BADQAB  BII'ADANA BADBAADI===================================Muwaadin kasoo qaybgal daahfurka barnaamijka Darye...
19/09/2024

BASRI OO BADQAB BII'ADANA BADBAADI
===================================

Muwaadin kasoo qaybgal daahfurka barnaamijka Daryeelka Degaanka iyo Fayaqabka caafimaadka bulshada ee ka qabsoomi doona 20/09/2024 Jimcaha bacda maqrib, habeenka sabtidu soo galayso.
Goobta: Hoolka Shaqaalaha Dawladda ee Hargeisa

Hal-hayska iyo fariinta barnaamijka :

"BASRI OO BADQAB ,, BII'ADANA BADBAADI
QOYAANKA ISKA DHAWR ,, QASHINKAAGANA WEELEE
BACDIYO CAAGANA DHASBIINKA LA BEEGSO"

Dhinacyada barnaamijka:....

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL
Wasaaradda Warfaafinta

Health and Safety Program-HPS
Top Trade Show

22/06/2024
Kaga adeego hab Online ah carwada ganacsi ee ciida iyo xarunta dhaqanka ee Hargeisa.Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Top Tra...
03/04/2024

Kaga adeego hab Online ah carwada ganacsi ee ciida iyo xarunta dhaqanka ee Hargeisa.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa
Top Trade Show
Everyone

IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNETKA ( ONLINE SELLING AND MARKETING)---------------------------------------------------------...
01/04/2024

IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNETKA ( ONLINE SELLING AND MARKETING)
--------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------

Bandhig shirkada Top Trade Show ay ku daahfuraysay barnaamij ganacsiyeed loogu magac baxshay IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNETKA ayaa shirkadu kusoo bandhigtay Beder Hotel Hargeisa. Barnaamijka waxa qayb ka ahaa shirkadaha Dalbo Food .com iyo Royal Jet . Kuwaas oo dhamaantood uga qayb qaatay barnaamijka sidii IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNET-KU horumar heer sare ah ugu sii talaabsan lahaa bulshaduna kalsooni dheeriya ugu sii qabi lahayd wax ku kala iibsiga online-ka.

Waxay shirkadu uga mahad celinaysaa shikadahaa kor ku xusan, sidii milgaha sare lahayd ee ay fikirkaa fulintiisa qaybta libaaxa leh uga qaateen.

Everyone
Content Marketing Institute
BBC News Somali
Universal Somali TV

IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNET-KA===============================----------------------------------------- Daahfurka barna...
18/03/2024

IIBKA IYO IIB-GAYNTA INTERNET-KA
===============================
-----------------------------------------

Daahfurka barnaamijka ganacsi ee iibka iyo iib-ganta internet-ka (online marketing-ka) caawa iyo Beder Hotel Hargeisa.
Top Trade Show

Dhamaan umada Muslimiinta meel walba oo ay joogan waxaanu ugu Hanbalyaynayaa Bisha Barakaysan eeRamadaan, Alle khayrkeed...
13/03/2024

Dhamaan umada Muslimiinta meel walba oo ay joogan waxaanu ugu Hanbalyaynayaa Bisha Barakaysan ee
Ramadaan, Alle khayrkeeda hayna waafajiyo Dhamaanteen.
Ramadaan mubarak. Farxad, caafimaad iyo cibaado suuban ku
sooma.
رمضان مبارك كل عام وانتم بخير اللهم اهل علينا با لامن والايمان والسلامة والاسلاام والتوفيق لما تحبه وترضى ربنا وربكم الله.

01/03/2024

Hindise hawl-fudaydin hal-abuur heer sare ah
------------------------------------------------
Kani waa baabuur loo farsameeyey inuu adeeg alwaax jeex-jeexid ah fuliyo , aff-soomaali waxa loogu yeedhi karaa ( faarada wareegta), kaas oo ka hawlgala magaalada hargeisa oo ay isticmaasho shirkad dhisme.

Marka science-ka la joogo waa khaafiyad hawl fududaynaysa. Ganacsigana khaafiyaduhu waa u halbawle horumarintiisa. Tiknoolojiga ayaa ah midka kaliya ee ilbaxnimada iyo koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga meerahan dhulka ka dhigay mid hawada sarena satalaaydo fududeeya xidhiidhka dunida ay ka hana qaadaan, badaha guntoodana laga qodo shidaalka dunidu tamarta ka dhashato.

Barashada iyo casriyeynta sayniska ayaa u horseeda horumarka intaa leeg dunida ee su'ashu waxay tahay, muxuu noqonkaraa qorshaha soomaalidu ka leedahay sidii ay uga bixilahayd ku tiirsanaanta sayniska iyo tiknoolojiga shisheeyaha? Sidee se' lagu samayn karayaa xarumo saynis iyo tiknoolojiyadeed oo soomaalida sahay uga noqda safarkan tartan ee umaduhu hayaanka kuwada yihiin?

Top Trade Show
Everyone
BBC News Somali
Universal Somali TV

"...An absolute joy on many levels .... I recommend it highly to Everyone , not only actors or those involved in theatre...
12/02/2024

"...An absolute joy on many levels .... I recommend it highly to Everyone , not only actors or those involved in theatre and film-- everyone."

Participating first time in somaliland international  campaign hour of code about teaching more than 10 million students...
10/02/2024

Participating first time in somaliland international campaign hour of code about teaching more than 10 million students of 180 countries around the world IMPLEMENTED BY UUNTEK AND ORGANIZED BY Top Trade Show VILLAGE HOTEL ROYAL PALACE.

10/02/2024

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Top Trade Show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Top Trade Show:

Share