Sayruuq News

Sayruuq News the latest news from horn of Africa. Sayruuq.com kala soco wararka Somaliland, gayiga Soomaalida Geeska Afrika & guud ahaan caalamka.
(1)

warar xaqiiq ah, warbixino taabanaya arrimaha dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika. fadlan ku xidhnow markasta iyo meel kasta.

10/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay hub iyo Tiknoolajiyadda casri ah oo ay ku xoojiso awooddeeda ciidan iyo Milateri.

Madaxweyne Cirro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay leedahay ciidan iyo awood ciidan oo ku filan inay is-difaacdo, balse ay u baahan tahay hub casri ah iyo tiknoolajiyad horumarsan si ay u xoojiso awooddeeda difaaca.

Fadlan, Ka Qeyb Qaado Qaadhaanka Loo Ururinayo Agoonta Dar Nawaaf ee ay ka Gubteen Wax Kasta oo ay Haysteen; Dhismahii, ...
10/09/2026

Fadlan, Ka Qeyb Qaado Qaadhaanka Loo Ururinayo Agoonta Dar Nawaaf ee ay ka Gubteen Wax Kasta oo ay Haysteen; Dhismahii, Agabkii Waxbarasho iyo Hoygii ay Seexanayeen.

09/09/2026

Biyaha Muqdisho ee Qasabada Ama Tuunbada Oo Laga Dayriyay!

09/09/2026

Waa Maxay Ujeedada Barmaamijka ee xisbiga Khamiis kasta qabto?

Degmada Shabeelay Sentarka Daadhi Danab ku dhacay ayaa sababay in ku Le'daan Xoolo Soddo badan. Xoolahan ayaa Adhi u bad...
09/09/2026

Degmada Shabeelay Sentarka Daadhi Danab ku dhacay ayaa sababay in ku Le'daan Xoolo Soddo badan. Xoolahan ayaa Adhi u badnaa.

Tanoo Kale Wali Ma Kugu Dhacaday?!Saaka midbaa foofka iga jiidhay, xaafad ka mid ah xaafadaha hargeysa anigoo dhex maray...
09/09/2026

Tanoo Kale Wali Ma Kugu Dhacaday?!

Saaka midbaa foofka iga jiidhay, xaafad ka mid ah xaafadaha hargeysa anigoo dhex maraya nin labisan oo bac sitaa igu yidhi "ma shaqanaysaa saaxiib" haa baan ku idhi, lambar buu ii yeedhiyay waan galiyay dhaweeyihii masalaha ina gee buu yidhi markaan cawaysyada ku dhow nahay baan ka shakiyay saan ku idhi xagee u baydhnaa saaxiib ?

"Kulahaa bartaaba ii joog oo iska noqo magaaladii baan dib ugu soo lugaynayaa oo dharag baan iska saarayaaye" waayee lacagta dir waa boqol kune baan ku idhi,

Kulahaa waar lacag ma haysto! waanu is af dhaafnay dagaal bay naga gaadhay anagoo naftu isaga kaaya baxdaybaa rag wadada soo maray na arkeen say na kala qabteen lambarka aad dhaweye galisay garaac waa hooyee buu iyidhi saan wacay,

Ileen ninkaniba waa nin waalan oo cilaaj loo diyaariyay oo xaafada ka baxsanayay oo mikrifoono iyo baabuur lagu raadinayayba, waar ninka noo qabta anagaa lacagta idin siine bay yidhaahdeen aniga labadii nin ee kale ee na kala qabtay baa isku qabanay oo xadhig ku xidhnay halkii bay noogu yimaadeen lacagtiina iigu direen..๐Ÿ˜‚

Baraha Bulshada Carabta Arrin Naxdin Leh Qabsaday Muuqaalka Jaddo Jabaara Yusuf, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo u dhashay ...
09/09/2026

Baraha Bulshada Carabta Arrin Naxdin Leh Qabsaday

Muuqaalka Jaddo Jabaara Yusuf, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Suudaan, ayaa tan iyo shalay si weyn u qabsaday baraha bulshada Carabta.

Jaddo ayaa muuqaalka duubay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, xilli uu ku sugnaa saxaraha Liibiya, isaga oo tahriib ku jiray, isla markaana harraad daran uu la ildarnaa. Waxa uu dareemayay in xaaladda uu ku jiray ay naftiisa khatar gelin karto.

Jaddo ayaa kamaradda taleefankiisa furay, isaga oo saaxiibkiis u diraya farriin sagootin ah oo uu ku leeyahay: โ€œNabadgelyo. Tani ma aha nabadgelyadii caadiga ahayd ee aan h**e kuugu odhan jiray. Xaalka duniduna waa iska sidaas; adigu waxaad tahay tusaale wanaagsan. Tani waa adduunyo, tanina waa geeri. Salaan ayaan u dirayaa qoyskayaga iyo qof kasta.โ€

Muuqaalkiisa oo uu ku muujinayay deganaan iyo samir, inkastoo uu ku jiray xaalad aad u adag, ayaa si qoto dheer u taabtay dad badan, kuwaas oo ku tilmaamay qof lahaa iimaan adag iyo adkaysi nafsiyeed.

08/09/2026

Shirkadaha ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—ป ๐—ฃ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜‚๐—บ iyo ๐—ฉ๐—œ๐—ฉ๐—ข ๐—˜๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ด๐˜†, oo ah shirkadda masuulka ka ah saliidaha Shell ee loogu talagalay gaadiidka iyo wershadaha ganacsiga, ayaa maanta magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo dhex maray labada shirkadood.

Shirkadaha ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—ป ๐—ฃ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜‚๐—บ iyo ๐—ฉ๐—œ๐—ฉ๐—ข ๐—˜๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ด๐˜†, oo ah shirkadda masuulka ka ah saliidaha Shell ee loogu talagalay gaadiidka i...
08/09/2026

Shirkadaha ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—ป ๐—ฃ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—ฒ๐˜‚๐—บ iyo ๐—ฉ๐—œ๐—ฉ๐—ข ๐—˜๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ด๐˜†, oo ah shirkadda masuulka ka ah saliidaha Shell ee loogu talagalay gaadiidka iyo wershadaha ganacsiga, ayaa maanta magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo dhex maray labada shirkadood.

Heshiiska ayaa Lagu shaaciyey in Horn Petroleum noqotay wakiilka rasmiga ah ee Saliidaha shell, waxaana munaasabadda lagu kala saxeexday heshiiskan oo ka dhacday Dubai, qalinka ku duugay Maamulaha Shirkadda Horn Petroleum ๐— ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ ๐—”๐—น๐—ถ iyo Madaxwayne ku xigeenka Shirkadda VIVO Energy ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—บ ๐—ž๐—ฒ๐—ฟ๐—บ๐—ฒ๐—ป,

Heshiiskan ayaa xoojinaya iskaashiga labada dhinac, iyadoo Horn Petroleum oo ka tirsan Dahabshiil Group ay sii balaadhinaysa doorkeeda ku aaddan bixinta adeegyo iyo badeecooyin tayo leh oo la xidhiidha tamarta iyo shidaalka.

Waar Hooy Darajadda Ciyaarta Halaga Daayo!
08/09/2026

Waar Hooy Darajadda Ciyaarta Halaga Daayo!

Address

Gaariye Street
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sayruuq News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sayruuq News:

Shortcuts

Share