Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net "WAXAANU IDIINKASOO TABIN Doonnaa, WARAR Iyo Barnaamij-yo" MAAMULKA QUMMAN MEDIA TV Awrka Qoodhaa Iyo Qaalmahaa Si'dda.

Maahmaah Soomaaliyeed, Ayaa Hore U Tidhi Hashii Qumman Quruxddeedii Meel Lamay Qaban. Waa Hawl Ku Dhig U Gaar Ah Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net

"Ninka Jubbaland jooga ma aqoonsanin, Madaxweyne uma aqoonsanin" Xasan Sheekh Maxamuud.Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumanne...
12/06/2026

"Ninka Jubbaland jooga ma aqoonsanin, Madaxweyne uma aqoonsanin" Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net.

12/06/2026

Maalinta Lagu Odhan Doonno, Akhri Kitaabkaaga.

Sii Faafi Oo Ka Qayb-qaaddo Khayrka Alle.

Dadka reer Awdal waxay muddo dheer muujiyeen Samir, bisayl siyaasadeed iyo sida ay uga go’an Tahay ilaalinta midnimada i...
12/06/2026

Dadka reer Awdal waxay muddo dheer muujiyeen Samir, bisayl siyaasadeed iyo sida ay uga go’an Tahay ilaalinta midnimada iyo jiritaanka qaranka. Taariikh ahaan waxay door muuqda ka qaateen Nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la Fahmo in samirka iyo dulqaadku aysan ka Dhignayn in la aqbalo dareen kasta oo takoor ah
Xaqiraad ama dulmi loo arko inuu ka dhan yahay Bulshada.

Hadalka uu walaalkay xil Maxamed Abiib jeediyay wuxuu ka tarjumayaa dareen ay dad badan Wadaagaan, kuwaas oo aaminsan in haddii la Doonayo wanaagga qaranka, xasilloonidiisa iyo Horumarkiisa, ay lagama maarmaan tahay in Dhammaan bulshada si siman loo tixgeliyo loona Dhowro xuquuqdooda.

Reer Awdal mar walba waxay garab taagnaayeen Danta guud ee qaranka, balse garab istaaga Qaranka ay u hayeen waxaa loo arkay nacsinimo, balse dadka reer awdal way ka fal celin doonaan qadarin la'aant, ixtiraam darada, hadii la qadarin Waayo wanaagooga, walaahi qadhaadhkooda lama mahadin doon, runa waa taa

Xil Khadar Sh Cali Jawhar.

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net

Ninka dunida ugu taajirsan Elon Musk ayaa hantidiisu kor udhaaftay 1 Trillion, wuxuu noqday Bini'aadamkii ugu horreeyey ...
12/06/2026

Ninka dunida ugu taajirsan Elon Musk ayaa hantidiisu kor udhaaftay 1 Trillion, wuxuu noqday Bini'aadamkii ugu horreeyey ee hantidiisu 1 Trillion gaadho

Milyaneer iyo Bilyaneer waa la isla dhaafay haatan waa Tiriliniyeer.

1 Trillion qaabkan ayaa loo qoraa 1,000,000,000,000.

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net.

12/06/2026

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Oo Si Weyn Uga Soo Hor-jeestay Aqoonsiga Israa’iil Siisay JSL.

Sawirku waa kulankii u horreeyay ee Barlamankii Itoobiya sannadkii 1995-tii. Dr Cabdi Majid, oo dharka dhaqanka Soomalid...
12/06/2026

Sawirku waa kulankii u horreeyay ee Barlamankii Itoobiya sannadkii 1995-tii. Dr Cabdi Majid, oo dharka dhaqanka Soomalida xidhan ayaa ka soo muuqday. Waxaa la sheegay in uu ugu jawaabayay xildhiban sheegay in iyagu Soomalida barreen sida Surwaalka loo xidho- isaguna muujinayay in dharka dhaqanka ku faannan.

Dr Dolal Halhali, oo ah dadka yar ee taarikhda Deeganka xasuusta(Qaamuska) ayaan arrintan wax ka waydiinay. Wuxuu noo sheegay in xiligii Xayle Selase nin General ahaa, oo Barlamanka markii denbe ka mid noqday uu dhahay hadal u dhignaa siddan hoose: "Soomalidii aan AdisAbaba keennay ee aan sidda Surwaalka loo xidho iyo sida Canjerada loo cuno aan barnay ayaa maanta nagu qaylinaya." Xiligii Xayleselase, ayaan wax barnay Soomalida ayuu lahaa ninku.
Wuxuuna hadalkas ku dhaliilayay Dr Cabdimajid iyo Cali Cabdi Ciise, oo kamid ah xubno Soomalida ah doodda keeni jiray Masraxyadda.

Dr Dolal Halhali ayaa yidhi; "Waxaan xasuusta hadalkii Melez uu xiligaas dhahay. Wuxuu ku dhahay; Soomalidii iyagoo dhaqankoda haysta oo Caanaha iyo hilibka cuna aad ka soo kaxayseen ee aad Canjeerada ku gubteen calooshoda ayaa layska rabaa halkaad geyseen."

Isku soo duubo Dr Cabdi Majid, waxaa lagu xasuusta inuu ahaa dadkii bud-dhigga u ahaa Deeganka. Waxaana loogu magac darray Kuliyada Macaliminta ee Jigjiga.

Xigasho Voss

Hargeisa (QMN)- Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaarad...
12/06/2026

Hargeisa (QMN)- Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha ayaa caawa yeeshay kulan lagaga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Guddida iyo wasaarada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha miisaaniyadda Qaranka, kor u qaadista dakhliga dawladda, isla xisaabtanka maaliyadeed iyo horumarinta wada shaqaynta hay’adaha Xeer-dejinta iyo fulinta.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada shaqaynta iyo is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah ee la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda Qaranka.

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net.

“Berbera waxa ka miisaaniyad badan oo kaliya degmada Hargaysa, shanta degmo ee kale iyadaa ugu miisaaniyad badan, budget...
12/06/2026

“Berbera waxa ka miisaaniyad badan oo kaliya degmada Hargaysa, shanta degmo ee kale iyadaa ugu miisaaniyad badan, budgetkeedu waa 15milion sanadkii, marka la
eego dhanka tirrada dadka waa ta ugu yar marka loo eego magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Burco, iyo Gabiley. Haddan waa bilaa biyo, waa bilaa laydh, waa bilaa caafimaad, waa bilaa waxbarasho, dhankasta oo aad eegto waa dambaska waxa hadba is weydiin mudan maamulka degmadda ee maamula lacagta intaa leeg halkay galiyeen? Waxa kale oo su'aal maayarka 14sanno meesha haystay muxuu qabtay ?
12%ka kabka maxaa laga faa'iday?

Bal inta aan la caadifadoon ma xisaabtanaa.

Waxa Qoray Nuuradiin Diini

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net.

Aflagaadada Trump iyo Cabsida Xasan Shekh. Trump, isagoo madaxwaynaha Maraykan ah markasta Soomaliya wuxuu ku sifeeya da...
12/06/2026

Aflagaadada Trump iyo Cabsida Xasan Shekh.

Trump, isagoo madaxwaynaha Maraykan ah markasta Soomaliya wuxuu ku sifeeya dal aan Dowlad lahayn, oo aan Ciiddan lahayn, dadkuna is wadda dilayo. Madaxwaynaha Soomaliya mudada intaas le'eg ee magaca Soomaliya warbaahinta lagu suurro xumeynayo hal maalina k**a jawaabin.

Waraysi shalay laga qaaday ayaa la waydiiyay: 40 Jeer ka badan ayuu Trump Soomalida ceebeya, ee maxaad ugu jawaabaysaa. Wuxuu madaxwaynuhu sheegay in aysan caddeyn cidda Trump weeraro. Wuxuuna hadalkii kaga baxay; "Siyaasadda iyagaa u madax-bannaan. Waa siyaasad guda ah. Soomalida Maraykanka iyo kuweena cidduu u jeedo halla soo waydiiyo."

Xasan Sheekh,ayaa siddoo kale Maraykanka u mahad celiyay oo sheegay in xidhiid wacan kala dhaxeeyo, taagera dhaqaallena ka hellaan.

Dhanka kale; Madaxwaynaha meelna toos ugama hadal qadiyada Garsoore Cartan, in uu ka xun yahay ma sheegin intii maalmahan hawshu socotay, marka laga yimaado warqad xafiiska Arrimaha dibada ka soo baxday. Waxaana xusid muddan in Madaxwaynaha Kenya, uu si cad u sheegay in tallaabada Maraykanku Garsooraha kula kacay ay qalad ahayd- si toosa ayuu mawqifkiisa ugu caddeeyay in garsooraha la dulmiyay. Wuxuuna u hadlay siddii looga baahna madaxwayne Soomaliyed.
Madaxwayne Xasan, wuxuu u qiil dayay xayiraada Maraykanku Soomaliya saarray. Wuxuuna tilmaamay in Soomalida kaliya aysan ku koobneyn, balse xayiraad la saarray todobo dal.

Madaxwaynaha xitaa qaab diblomasi ma uusan awoodin in uu ku jawaabo oo uu sheego in Soomaliya Dowlad iyo Ciiddan- leedahay.

Maxaa keenaya Cabsida iyo aamuska?.

Voss.

‎_____Qaranimadeennu waa lama taabtaan__‎‎Iska Hadlaw Ina......,..‎‎{{{{&_____Somaliland Tallo kaagama baahna ee Talo Wa...
12/06/2026

‎_____Qaranimadeennu waa lama taabtaan__

‎Iska Hadlaw Ina......,..

‎{{{{&_____Somaliland Tallo kaagama baahna ee Talo Waxa Kaaga Baahan shacabkaad Kudul ciyaareysiin xabalo laqoto, Doorashada(filada Soo dhaaf_______}}}}}

‎✓✓✓_______Jamhuuriyada Somaliland ma aha hadal iyo dood furan—
‎Waa xaqiiqo taagan oo ku dhisan halgan, nabad iyo doorashooyin xor ah.

‎Shacabkeedu way tashadeen,
‎ go’aankooduna waa mid cad oo aan dib looga laaban karin.

‎Cid kasta oo isku dayda inay shaki geliso jiritaanka Somaliland, waxaan leenahay:______

‎ Waqtigu wuu dhaafay halkii la isku qancin lahaa hadal madhan.

‎Somaliland waxay dooratay jidkeeda, mana aqbali doonto wax dib u celinaya horumarka ay gaadhay.


Middeeye.

Address

Ga'an Libah District
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net:

Share