NajmaHodan

NajmaHodan 💫 Najma Hodan — Motivational & Public Speaker | Soft Skills Coach. Empowering voices, inspiring confidence.

Najma inspires people to build confidence, improve communication, and reach their true potential.

“Xasuus Dhiigeysa” Hargeysa habeenkaa waxay ahayd magaalo mugdiga u raacsan yahay sanqadh yari  ... balse qalbigaygu muu...
21/05/2026

“Xasuus Dhiigeysa”
Hargeysa habeenkaa waxay ahayd magaalo mugdiga u raacsan yahay sanqadh yari ... balse qalbigaygu muu xasiloonayn. Daruurihii cirka isku shareeray waxay u ekaayeen murugada gudahayga deggenayd. Roob khafiif ah ayaa dabayshuu wato muraayada daaqadda ku garaacayay si tartiib ah, aniguna waxaan kursiga geeska qolka yaalay ku fadhiistay anigoo eegaya telefoon bilaa fariima... telefoon aan ka sugayay fariin aanan waligay heleyn.
Waxaan ahay Kaaha Cumar. Gabadh mar jacayl u rumaysatay sidii qof Ilaahay u balan qaadey jano aduunyo. Waxaan ahaa qof qalbigeeda oo dhan siisey nin la oran jiray Kaariye... Nin codkiisu qalbigayga dejin jiray, indhihiisuna ii ahaayeen hoy aan kaga nabad helo dunida. Laakiin mar un baan ogaaday in dadka qaar aysan qalbigaaga u soo gelin inay ku jeclaadaan... ee ay u soo galaan inay ku burburiyaan.
Maalintii ugu horraysay ee aan Kaariye arkay, waxaan u xasuustaa sidii shalay oo kale. Jaamacadda dhexdeeda ayuu dhex taagnaa, isagoo dhoolacadeen deggan leh, dadkuna hareerihiisa ayay ku urursanaayeen. Laakiin aniga... aniga wuxuu ii ahaa qofka keliya ee iiga muuqdey sida qorrax arooryaad.
"Kaaha, dadka qaar markaad aragto waxaad mooddaa inaad horay u taqaanay..." Hadalkiisaas fudud wuxuu qalbigayga ka galay meel aan cidina waligeed gaadhin. Wuxuu ahaa nin hadalka yaqaan. Nin erayadiisu aysan dhegaha ku joogin ee gudaha kuu sii dhaadhacaya.
Habeen kasta wuxuu ii sheegi jiray: "Adiga la'aantaa noloshaydu waa sida mugdiga kuu muuqda markaad indhaha isku haysid kaahay." Aniguna waan rumaysan jiray. Waxaan u huray waqtigaygii, dareenkaygii, ducadaydii... xitaa riyooyinkaygii. Waxaan noqday gabadh nolosheeda guddoonsisey jacayl keliya. Laakiin jacaylku wuu indho tirey... mararka qaar wuxuu kaa qariyaa dhaawaca saan-saantiisa.
Muddo laba sano ah ayaan wada soconnay. Dadku waxay nagu tilmaami jireen lammaanaha ugu isfahamka badan. Markaan la socdo waxaan dareemi jiray inaan dunida inteeda kale ka duwanahay.
Habeen kasta telefoon ayuu igu seexin jiray. Codkiisa ayaan ku hurdi jiray. "Kaaha... waligay kaa tagi maayo." Eraygaas wuxuu ii ahaa ballanta waraabinaysa jaceyl siyaadaya. Hooyaday mar bay ii digtay. Waxay tiri: "kaahay hooyo... dadka hadalka macaan qalbigoodu mar walba ma noqdo daacad, ee hoy joog." Laakiin jacaylku xataa wuu idhago tirey. Waxaan moodayay in hooyo aysan fahmayn waxa aan dareemayo. Waxaan aaminsanaa in Kaariye ka duwan yahay ragga kale. Ilaa maalintii aan arkay fariintii idishay anigoo nool.
Waxay ahayd habeen aan telefoonkiisa si k**a' ah u eegay. Waxaan arkay sawir gabadh kale oo uu u diray isagoo leh: "Adiga ayaan dhab kuu jeclahay." Markii aan akhriyey... gacmahaygu way gariireen. Wadnahaygu wuxuu u garaacmay si aan caadi ahayn. Waxaan dareemay sidii qof dhulka hoostiisa laga jiiday. Dhulkii ayaa igu wareegay. Waxaan is iri: "Malaha waa qalad..." Laakiin khiyaanadu mar walba waxay leedahay raad saan-saantisu cadaan tahay. Markii aan sii akhriyey farriimaha... waxaan ogaaday inaan ahaa gabadh uu waqtiga isku dhaafin jiray oo keliya. Jacaylkii aan u hayay wuxuu hal ilbidhiqsi isku beddelay mindi qalbigayga dhex taagan oo hollac iyo dhiiq-bax burqanaayo.
Waxa si fiican u fahmaaya heestii BK ee dhihi jirtey
• Kaligey caashaqaan qabiyo
• Kurbadii laga goo wadnaha
• Kolkuu kaalintaadii waaye
• Kootada naftaan kugu xidhey
• Kaaftoon qalbigaad rabtay
• Kal h**e adigaan kasbane
• Kakac kuma samo luladuye
• Goobtaan hurdo lagu gamine
Maalintaas kadib noloshaydu way is beddeshay. Waxaan noqday qof aan farxin. Habeenkii waan ooyi jiray ilaa indhahaygu bararaan. Dadku waxay i waydiin jireen: "Kaaha maxaa dhacay?" Laakiin sidee baan ugu sheegi karaa in qalbigaygii la aasay anigoo nool? Kaariye wuxuu isku dayay inuu ii cudurdaarto. "Waa qalad yar... adiga ayaan dhab kuu jeclahay." Qalad? Sidee khiyaanadu qalad u noqon kartaa iyadoo ay dishay qofka ku aaminay?
Waxaan xasuustaa habeen aan bannaanka u baxay anigoo kaligay ah. Magaalada oo dhan way hurudday. Waxaan istaagay waddo cidlaa, dabayshuna timahayga ayay qaada dhigeysey oo maradaa iga dhacdey. Waxaan is weydiiyey: "Maxaan haleeyey ilaa qof aan wax walba siiyey uu sidan ii dhaawaco?" Qofka qalbigaaga jebiya ma burburiyo keliya jacaylka... wuxuu kaa qaadaa kalsoonidii aad dadka ku qabtay. Waxaan ka baqi jiray inaan mar kale qof aamino. Waxaan noqday qof gudaha ka madhan. Markaan muraayadda hor istaago, gabadhii qosli jirtay ma arki jirin. Waxaan arkayay qof daallan... indho murugo buuxisay... iyo qalbi ka quustay jacaylka. Waxaa iigu xanuun badnayd inaan weli jeclaa.
Haa... inkastoo uu i khiyaamay, qalbigaygu weli isaga ayuu u ooyi jiray. Taasi waa waxa jacaylka dhabta ahi yahay; wuxuu ku dhaawacaa adigoo weli qofkaas xiisaynaya. Habeen walba waxaan akhrin jiray farriimihiisii h**e. Waxaan maqalkiisa ka dhex raadin jiray telefoonka. Laakiin dadka qaar waxay ku baraan casharro xanuun badan... iyagoo aan waligood kuu damqan.
Maalin dambe ayaan arkay isaga oo gabadhii kale gacanta haya. Waxay taagnaayeen meel shaah laga cabo. Wuu qoslayay... isla qosolkii uu aniga ii qosli jiray. Markaas ayaan ogaaday xaqiiqda ugu murugada badan: In qof kuu ahaa adduunka oo dhan... aad adiga u ahayd waqti yar oo uu noloshiisa soo dhaafay. Lugahaygu way gariireen. Waxaan dareemay neefta oo igu dhegtay. Qalbiga ayaa i xanuunay si jir ahaana ii dhaawacday. Waxaan doonayay inaan qayliyo. Waxaan doonayay inaan weydiiyo sababta. Laakiin waxaan fahmay in dadka qaar aysan waligood sharaxaad ku siin doonin dhaawaca ay kuu geysteen. Waxaan ka tagay goobtaas anigoo ooyaya. Roob ayaa da'ayay habeenkaas. Dadku waxay ka cararayeen biyaha... laakiin aniga waxaan rabay roobku inuu qariyo ilmada iga socota. Markii aan guriga galay, waxaan isku duubay sariirta anigoo gariiraya. Waxaan dareemay quus aan erayo lagu sheegi karin. Waxaan is iri: "Jacayl dambe qalbigayga ma soo geli doono."
Muddo dheer kadib ayaan bartay xaqiiqo murugo leh: Qofka ku khiyaama ma jebiyo oo keliya qalbigaaga... wuxuu beddelaa qofkii aad ahayd. Ka hor Kaariye waxaan ahaa gabadh rumaysan jacaylka. Gabadh qalbigeedu nadiif yahay. Gabadh si fudud u qosli jirtay. Laakiin maanta... Waxaan noqday qof ka cabsada inuu dareenkiisa bixiyo. Qof dhoolla-caddayntiisa gadaasheeda ku qariya murugo aan dhammaanayn. Mararka qaar habeenkii waxaan wali maqlaa codkiisii maskaxdayda dhex wareegaya: "Waligay kaa tagi maayo..." Markaas ayaan qosol murugo leh iska sii daayaa. Sababtoo ah dadka qaar ballanqaadyadoodu ma aha erayo qalbiga ka yimid... waa hadallo ay ku seexiyaan dadka daacadda ah. Aniguna waxaan ahaa gabadh qalbigeeda oo dhan bixisay... balse gacmaheeda kusoo haray dhawac iyo xusuus aan weligeed ka bixi doonin. Haddii aad maanta i aragto anigoo aamusan, ogow aamuskaygu ma aha deggenaansho... Waa qaylo qalbi jabtay oo gudaha ku xanniban.

Qofka qalbigaaga jebiya mar walba kuma dilo erayo adag... mararka qaar wuxuu ku dilaa ballanqaadyo qurux badan oo been noqda. Waxaan bartay in jacaylka ugu xanuunka badan uusan ahayn mid kaa taga... ee uu yahay mid ku tusay janno yar, kadibna cadaabaha kaa waraabiya oo murugada kugu reeba. Waxaa jira dhaawacyo aan dhiig lahayn... balse habeen kasta gudaha kaa guba.
Khiyaanadu ma burburiso xidhiidh jaceyl oo keliya, waxay dishaa kalsoonidii, rajadii iyo qayb kamid ah qofkii aad ahayd. Mararka qaar dadka ugu badan ee aad u ducaysay... waa kuwa ugu daran ee ilmadaada sabab u noqda. Qalbiga daacadda ahna mar walba wuxuu dagaalka ku guuldarystaa isaga oo weli jacayl rumaysan.

Day 3/15_Hargeisa storytelling Challenge“Dhulkaa miinada ibaray” Maalinta siraadaysa qalbiyada ciroole iyo carruurba... ...
19/05/2026

Day 3/15_Hargeisa storytelling Challenge
“Dhulkaa miinada ibaray”

Maalinta siraadaysa qalbiyada ciroole iyo carruurba... madax iyo shacab, sheekh iyo shariif, jaahil iyo aqoon-yahan, darbi-jiif iyo hantiile... waa xuska 18 May. Maalin aan ku iman hees iyo damaashaad ciyaar. Maalin aan ku iman nasiib ama dhaxal lagu kala hadhay.
Waa summada guusha iyo midnimada Somaliland,waa maalin lagu soo dhacsadey dhimasho, qax, gaajo ,omanaan, burbur iyo dhiig sidii daad u maraya waddooyinka halbowlaha u ahaa Hargeysa , qalfoof bani-aadam oo fidsanaa buuraha ilaa magaalada dhexdeeda. Waa maalin ay carruur agoomoobeen, hooyooyin haraad iyo gaajo awgeed la suuxeen, dhallinyaro riyooyinkoodii ku aaseen godad aan magac lahayn laakiin mugdi ahaa, odayaal ku naafoobay hoobiyihi lala beegsanaayey guryaha, hoy burburey amase gubtay oo maatidii ku jirtay dhaxantu duurka ku heshay, dad dhaawacyo halisa oo laga kici Karin gaadheen oo waayey cid gargaar caafimaad u fididsa, kuwo jeelasha ku qudhmay oo la diley, tacadi loo geysanaayey haweenka saqiir ilaa kabiir …si aan nabad uhelno iyo gobanimo
Waxaan ahay Najma Hodan. Gabar ku dhalatay Somaliland nabad ah... balse aan waligeed si dhab ah u fahmin sababta dadka waaweyni u ilmeeyaan si tiraanyeysan xuska 18 May , indhahooduna uga muuqataa qisooyin aan wali la sawiran Karin in ay dhaceen . Aniga ahaan, 18 May waxay ii ahayd maalin dabaal-deg oo keliya.
Maalin waddooyinka lagu xardho calanka Somaliland iyo sawirada Taariikhiga wadooyinka waaweyn, carruurtu farxad ku tamashleynayaan “sanka taag adaa soo dhacsadey waanad sidataaye”waa heesta ay badi ku luuqeeyane , magaalooyinkuna isu beddelaan bad cagaar, caddaan iyo casaan ah oo dhibic madow cadaanka u dhextaashay. Laakiin maan sawiran kareen in midabbadaas quruxda badan ay hoostooda ku duugan yihiin xanuun aan wali ka dhammaan qalbiyada shacabka somaliland.
Carruurnimadaydii, mar kasta oo la gaadho bisha May, gurigayaga jawi gaar ah ayaa u bilan jiray. Hooyaday waxay si taxaddar leh u soo saari jirtay calan cusub oo ay birta dheer ee calanka ka bedeli jirtey kii h**e. Walaalahay waxay ku mashquuli jireen diyaarinta dharka munaasabadda. Magaalada Hargeysa habeenkii lama seexan jirin oo waa la dabaal degi jirey, heesaha waddaniguna waxa laga daari jirey magaalada oo dhan . Aniguna waxaan ka mid ahaa dadka ugu farxadda badan. Waxaan u haystay in xorriyaddu tahay wax caadi ah. Wax aan waligeed luminayn. Wax qof walba si fudud ku helo. Mana jirin cid ii sheegtay in magaaladan aan maanta dhex socdo iyadoo ammaan ahi ay ahayd meel uu geeridu maalin kasta dad ka gurto. Mana aanan fahmin sababta awoowgay mararka qaar u qiiroon jiray marka lasoo hadal qaado "somaliland." Ilaa habeen aan go'aansaday inaan su'aal weydiiyo.

Awoowgey waa cilmi…sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka ee militaryga,nasiib wanaag wuxuu ahaa taliye SNM (Somali national movement) ka tirsanaa. SNM waa xididka iyo jirida jiritaanka Somaliland ,waa ururkii soo dhiciyay waxkasta Somaliland xaquuq iyo gobonimo oo maqnaa.
Waxaan ag fadhiistay awoowgay. Laydh macaan ayaa nagu dhaceysey oo hargeisa caan ku tahay,cirkuna wuxuu u ahaa saafi ku xardhan xiddigo dhalaalaya. Indhihiisa duqoobay waxay xambaarsanaayeen murugo aan ereyo lagu qiyaasi karin. Waxaan ku iri: "Awowe... maxay dadka qaar u ooyaan marka 18 May la xuso?" Daqiiqado ayuu aamusey. Aamusnaantaasi waxay ahayd mid ka culus hadal kasta. Dabadeed wuu neef tuurey,isagoo cod hoose ku yiri: "Najmay... dadku maalintan uma ooyaan farxad keliya. Waxay u ooyaan dadkii aan maanta nala joogin."Naxdin yaabkeeda wadata ayaa isoo foodsaartay.
Wuxuu ii sheegay habeenadii Hargeysa gubanaysay. Guryihii ololku liqayey . Hooyooyin carruurtooda dhabarka ku sida iyagoo rasaas ka cararaya. Dhalinyaro aan xataa fursad u helin inay noloshooda dhistaan oo naftooda u huray si dadkoodu u noolaadaan. "Waxaan aragnay meydad waddooyinka yaalla," ayuu yiri isagoo codkiisu murugo la daciifayo. "Mararka qaar dhiigga ayaa ka badnaa biyaha roobka."
Indhahayga ilmadu way xejisan kari waayeen. Waxaan markii ugu horraysay fahmay in taariikhdu aanay ahayn sadar buug ku qoran... balse ay tahay dhaawac wali ku nool qalbiyada dad badan. Awoowgay hadalkiisii ayuu sii watay: "Najmaay... Somaliland maanta maaha hadiyad naloo keenay. Waa qaran ay dad u dhinteen. Nin walba oo maanta si xor ah u hadlaya, waxaa jira qof dhiiggiisa ku bixiyey xorriyaddaas." Erayadaasi waxay qalbigayga uga dheceen sidii hillaac habeen mugdi ah jeexaya. Waxaan dib u eegay noloshayda. Waxaan shaqada aadaa anigoo ammaan ah. Habeenkii waxaan si xor ah ugu socdaa waddooyinka Hargeysa. Waxaan qorsheeyaa mustaqbalkeyga anigoon ka baqayn in guri la iigu dumiyo ama rasaas meel un ka soo dhacdo. Markaas ayaan fahmay xaqiiq aan waligay si dhab ah u arag: Nabadda aan maanta ku noolnahay waa riyo ay dad kale naftooda ku waayeen.
Awoowgay si tartiib ah ayuu u istaagay. Wuxuu farta ku fiiqay calanka bannaanka guriga ka babanaayey. "Ma aragtaa calankaas?" ayuu yiri. "Haa," ayaan ugu jawaabay. "Dadka badankiisu waxay arkaan saddex midab oo qurux badan. Laakiin anigu markaan arko... waxaan xusuustaa wejiyo aan dib dambe u arki doonin." Codkiisii wuu sii daciifay si murugo leh. "Calankani maro keliya maaha, Najmaay. Waa ballan lagu qoray dhiig." Halkaas ayaan ku aamusey.
Waxaan eegay calankii dabayshu babineysa. Habeenkaas wuxuu ila muuqday mid ka culus kana saamayn badan. Waxaan dareemay inuu xambaarsan yahay qaylo, geesinimo, duco iyo nafihii loo huray jiritaankiisa. Waxaan garowsaday in qof aan aqoon taariikhda dalkiisu uu yahay qof aan garanayn qiimaha waxa uu maanta haysto.

Waxaan xasuustay heestii si fiican U sharaxeysey hadalka awoowgey oo aanan markii h**e fahansaneen… heestu waxay leedahay :
o Kuwii dhimashada hantiyey
o Dhadhaabtiyo iilka galay
o Si aad udhaxashaan xornimo
o Ayaamihii dhibta sidey
o Dhimbiluhu qiiqayeen
o Maalimihii dhagax tuurka iyo
o Kuwii dhiigooda hurey
o Miyaa dhayal loo arkaa
o Dhulkaa miinada ibaray
o Xusuusbaa tidhi dhugo
o Dhadhami waayihii daraad
o Wixii dhacay dib ugu noqo
18 May markaas ka dib way iska beddeshay aragtidii aan ka qabay. Waa maalin xusuusinaysa in Somaliland aanay ku iman dhaxal ama nasiib... balse ay tahay natiijada dad naftooda huray si jiilasha dambe u noolaadaan. Waana sababta ay waajib u tahay in qof kasta barto taariikhda saxda ah ee dalkiisa. Sababtoo ah qaran aan la baran wixii loo soo maray... lama ilaalin karo jiritaankiisa jiil ka jiil iyo khayraadka ay maanta haysato

Day 2/15_Hargeisa storytelling ChallengeNajma  Khadar   museDate:17/May/26015_NKM_HSC2026“Calanka Nool” Magaalada hargei...
18/05/2026

Day 2/15_Hargeisa storytelling Challenge
Najma Khadar muse
Date:17/May/26
015_NKM_HSC2026

“Calanka Nool”

Magaalada hargeisa waxaa ka muuqday samada calankii Somaliland oo dabayshu si tartiib ah u lulayso. balse qalbigayga gudihiisa waxaa ka socday dagaal ka culus dagaal kasta, suaalo is-diidans... Dadku waxay aaminsan yihiin waddaniyaddu inay tahay hees la heeso, calan la qaato ama hal-ku-dheg lagu qayliyo. Anigu sidaas ma aaminsanayn. Waddaniyaddu waa marka aad gaajo dareemayso, haddana aad diiddo inaad dalkaaga sirihiisa iibiso.
Magacaygu waa Najma Hodan. Waxaan ahay gabadh dhalinyaro ah oo ku barbaartay xaafadaha Hargeisa, meel ay dhalinyaradu laba waddo kala doortaan badanka : Inay quustaan oo tahriiban Ama inay noqdaan haldoor waddankooda u hadha. Waxaan ahaa qofka labaad. Laakiin qofna ma oga qiimaha ay leeyahay haldoor noqoshadu. Hooyaday waxay ahayd haweenay nolosha halgamaysa . Aabbahayna wuxuu ku geeriyooday shil gaadhi anigoo 10 jir ah.
Maalintaas ka dib…gurigayagu wuxuu noqday hoy murugadu hadheysey. Korontadu marar badan way maqnaan jirtay. Mararka qaar saddexda waqti ee gasiinka maanan wada heli jirin. Laakiin hal shay ayaa nagu weynaa, waana Jacaylka Somaliland. Hooyo habeen kasta waxay nagu odhan jirtay: "Dal aan lagu jeclayn dhibtiisa... laguma faano barwaaqadiisa." Anigu markaas si fiican uma fahmi jirin. Laakiin sanadihii dambe... Erayadaas waxay noqdeen halbawlaha noloshayda iyo dhiiga dhex qulqula wadaniyadeyda.
Waxaan jaamacadda kula kulmay saddex qof oo nolosheyda beddelay. Cabdimaalik. Sahra. Iyo Hamse. Cabdimaalik wuxuu ahaa wiil caqli badan, laakiin niyad-jabsan. Wuxuu aaminsanaa inaan Somaliland mustaqbal lahayn. "Najma," ayuu igu yidhi maalin, "Dhalinyaradu way wada tahriibeen. Inta hadhayna in ay mar uun baxaan ayay ku fikirayaa." Indhihiisa waxaan ka arkayay in uu is dhiibay . Ma uusan necbayn dalkiisa. Wuxuu ka daalay hammigan ka dhex guuxaya ee sugaaya rumayntiisa. Sahra iyadu waxay ahayd gabadh firfircoon oo content creator ahayd. Maalin kasta waxay TikTok-ga soo galin jirtay muuqaallo dadka ka qosliya. Laakiin gudaha qalbigeedu ma aheen mid xasiloon. Hamse-na... Wuxuu ahaa wiil aamusan oo walaalkii ku waayay mudaharaad sanadihii h**e. Mar walba markuu calanka arko, wejigiisa waxaa ka muuqan jiray xanuun iyo adkeysi isku dhex jira. Annaga afartayadu waxaan noqonnay koox aan caadi ahayn.
Laakiin habeenkii wax walba is bedeleen… waxaan wada fadhinay maqaaxi yar oo ku taal badhtamaha Hargeisa. TV-ga maqaaxida waxaa laga daawanayay dood ku saabsan dhalinyarada Somaliland. Qof ka mid ah dadka doodaya ayaa yidhi: "Dhalinyarada maanta dalkooda waxba uma hayaan. Qof walba dano gaar ah ayuu wata." Maqaaxidii aamus baa qabsaday. Cabdimaalik qosol gariir ayuu qosley. "Run buu sheegay," ayuu yidhi. "Qof walba naftiisa ayuu badbaadinayaa." Waxaan eegay isaga. Kadib waxaan eegay dadka kale ee maqaaxida joogay. Wiilal shaqo la'aan fadhiya. Gabdho hammi weyn leh. Odayaal wali calanka si sharaf leh ugu xidhan gacanta. Waxaan markaas dareemay wax gudahayga ka holcaaya . Waxaan istaagay.
“ Waar Waad Qalad baad tihiin," ayaan si xanaaq leh u idhi. Dadkii oo dhan way i eegeen yagoo yaaban “ Waar inanta maxaa qaatay ayey dhaheen”.
Hadalkeygaan sii watee "Dhalinyarada Somaliland may dhiman. Waxay waayeen un qof xusuusiya qiimahooda, kaalintooda siiya ,ku aamina shaqooyinka ." Qaraaca wadnayga ayaa si xoogan oo dareemi karo u qaraactamay. Laakiin waan sii hadlay. "Waddaniyaddu maaha inaad internet-ka ku buuqdo . Waa inaad waddankaaga wax u qabato adigoo dhaawacan. Adigoo daallan. Adigoo bilaa rajo ah... haddana aan quusan."Dadkii maqaaxida mar kale way aamustay. Hamse ayaa si tartiib ah madaxa u ruxay. Sahra indhaheedu way ilmeeyeen. Cabdimaalik se... waxba muu odhan. Maalintii xigtay waxaan go'aansannay inaan bilowno olole yar. Magaciisa waxaan u bixinnay: "Codka Dhalinyarada Somaliland." Waxaan duubi jirnay muuqaallo. Waxaan booqan jirnay dhalinyarada shaqooyinka yaryar gacanta ku haya. Waxaan dadka xusuusin jirnay in waddanku aanu ku dhismin dawlad keliya... ee uu ku dhismo dadkiisa. Bilowgii dadku way nagu qosleen. "Views ayaad rabtaan." "Waxba ma beddeli kartaan." "Dhalinyaro waalan." Laakiin Sahra maalin walba camerada may nasin jirin.
Hamse dadka ayuu abaabuli jiray. Aniguna waan hadli jiray. Cabdimaalik keliya wali qalbigiisu noomu furin. Ilaa habeen... Habeenkaas roob culus ayaa da'ayay. Waxaan ku sugneyn xarun yar oo aanu ku qabanaynay kulan dhalinyaro. Korontadii way tagtay. Dadkii qaar baa baxay. Mid ka mid ah wiilasha meesha joogay ayaa yidhi: "Wax walba way fashilmeen."
Waxaan arkay Cabdimaalik oo daaqadda ka eegaya dhibcaha xoogan ee roobka. Kadib si lama filaan ah ayuu noogu soo jeestay. "Waxaa laga yaabaa inaan khaldamay najmay," ayuu yidhi. Qof walba wuu aamusey. "Waxaan moodayay waddaniyaddu inay tahay inaad waddanka difaacdo marka uu fiican yahay. Laakiin hadda waxaan fahmay... in jacaylka dhabta ahi uu bilaabmo marka waddankaagu uu ku jiro maalmaha ay adagtahay xaajadu." Erayadiisa waxay qalbigayga u galeen sidii leebka. Markaas ayaan ogaaday... in qofka ugu niyad jabka badani mararka qaar noqdo qofka ugu waddanisan.
Toddobaadyadii xigay ololihii wuu faafay. Dhalinyaro badan ayaa nagu soo biiray. Qaar waxay nadiifinayeen waddooyinka. Qaar waxay bilaabeen ganacsiyo yaryar. Qaar waxay joojiyeen inay Somaliland ka hadlaan si rajo-dhig ah. Laakiin guusha maanan ku gaadhin si fudud.
Maalin ayaa baraha bulshada nalaga soo weeraray. Dad ayaa nagu sheegay: "Riyo been ah ayaad iibinaysaan." Sahra habeenkaas way ooyday. "Najma... haddii ay run-sheegayaal yihiin?" ayay cod gariiraya igu tidhi. Waxaan eegay calankii oo daraada ka muuqday. Kadib waxaan iri: "Haddii waddankeennu laheen fursado iyo mustaqbal ... yaa dhisaaya oo abuuraya fursado haddii aynu ka cararno?" Sahra jawaab ma bixin. Laakiin subaxdii xigtay... camera-dii ayay haddana muuqaalo ku duubtay.
18-ka May ayaa timid. Magaaladu waxay ahayd bad calamo ah iyo mawjado dad ah. Carruur yar yar ayaa waddooyinka ku ordayay waliba yagoo shaxshax ka muuqato. Hooyooyin ayaa heeso qaadayay. Odayaal ayaa indhahoodu ilin ku taagneed.
Anigu waxaan istaagay buur yar oo Hargeisa si fiican uga muuqato. Dabaysha ayaa wajigayga iyo cabaayadeyda oo furan garaacaysay. Hooyo ayaa dhinacayga timid. Waxay gacanta iga saartay garabka. "Waxaad ugu dambayn fahantay erayadaydii," ayay tidhi. "Waa kuwee?" Iyadoo calanka ay wadatay eegaysa ayay tidhi: "Dal jacaylkiisu maaha hadal. Waa adkaysi." Waxaan eegay magaalada. Waxaan xusuustay gaajadii. Mugdigii. Dhalinyaradii quusatay. Iyo habeenadii aan niyad jabnay. Laakiin haddana... Waxaan arkayay dad aan wali is dhiibin. Waxaan arkayay Somaliland nool. Qalbiga ayaa ii deggay. Markaas ayaan si dhab ah u fahmay: Waddan marna kuma dhismo dadka aan u jabin ,una halgamin... Wuxuu ku dhismaa dadka uu ku weynyahay jacaylka dalkooda.



Najma hodan

Day 1/15_Hargeisa storytelling ChallengeNajma  Khadar   muse015_NKM_HSC2026“Tallaabadii geerida” Qabowga habeenkaas wuxu...
16/05/2026

Day 1/15_Hargeisa storytelling Challenge
Najma Khadar muse
015_NKM_HSC2026

“Tallaabadii geerida”

Qabowga habeenkaas wuxuu lafahayga u galay si ka daran rasaastii aan h**e ugu dhawaacmey. Waxaan istaagay xadka dalkayga anigoo qoriga labada gacmood ku haya, dabayshuna si tartiib ah ayay ciidda wejigayga ugu soo dhirbaaxeysey. Habeenku bilaa saxmad buu ahaa laakiin qalbigaygu ma aheen mid degen.

Habeenkan oo kale , waxaan xusuustaa weedhii hooyaday igu odhan jirtay. "Curadeydiiyey, dalku dad ayuu ku tiirsan yahay." Waqtigaas waan yaraa oo hadalkaas qosol ayaan dhaafi jiray.
Maanta se, waxaan garwaaqsaday in dadka qaar noloshooda loo doortay inay ilaaliyaan kuwa hurda. Waxaan eegay cirka madow ee xadka dul fidsanaa. Xiddigo yar yar dhalaal daciif ah ka muuqday.
Meel fog waxa ka dhawaaqayey ey ciyaya. Inta kale bilaa sawaxan ayey aheed ,Laakiin askarigu degenaanta ayuu ka baqaa. Waayo mar kasta oo xadku degenyahay, wax baa soo socda!. Neef dheer ayaan sii daayay, anigoo gacanta ku soo saaraya sawir yar oo jeebkayga ku jiray. Waxay ahayd walaashay Nagaad. Markii iigu dambeysay ee aan arko, waxay ahayd maalin roob da'ayay. "Walaal," ayay igu tidhi iyadoo qosleysa, "markaad soo noqoto, ha ilaawin inaad ii keento shukulaato." Waxaan ugu jawaabay: "Waa haddii aan soo noqdo." Way iga xanaaqday. May jeclaysan jirin marka aan dhimashada soo hadal qaado. Laakiin askari kasta dhimashada ma illoobo. Wuxuu la seexdaa habeen kasta. Wax yar kadib, cod aan caadi ahayn ayaan maqlay. Quruuruxa dhagaxa ayaa xataa dhaqaaqaya. Wadnahaygu si xoog ah ayuu u garaacay. Waxaan si dhakhso ah u qabtay qorigayga, indhahayguna mugdiga ayay ku dhex lumeen. Dabayl qabow oo xoogan ayaa soo dhacday. Markaas ayaan arkay dad isoo dhaw, Laba nin,Waxay si hoose ugu soo socdaan dhinaca xadka. Waxaan dareemay gacmahayga oo dhididkii qooyey . Cabsi ayaa jirkeyga ku soo laba-kacleysey sidii dab qarxa. Dadku waxay moodaan in geesinimadu tahay cabsi la'aan.
Maya. Geesinimadu waa inaad baqaysohaddana wajaheyso. Waxaan cod dheer ku idhi: "Joogsada! Waaryaa" Labadii nin way yara hakadeen. Midkood ayaa dhaqaaqay si degdeg ah ,Hal ilbiriqsi gudaheed, rasaas ayaa cirka kala jeexday. Dhawaqaasi weligay ma ilaawo. Waxaan isku tuuray ciidda, rasaastuna dhagaha ayay iga qarxisay. Wadnahaygu wuxuu u garaacayay si aan kala joogsi lahayn oo xoogan. Waxaan maqlayay neeftuurkeyga. Daqiiqadaha qaar waxay u ekaayeen saacado. Markii rasaastu yara joogsatay, waxaan arkay askari kale oo ila joogay - Cabdi. Cabdi wuxuu ahaa qofka iigu dhaw ee ciidanka kuu jirey ,abaal badan iigalay. Nin qosol badan. Nin mar kasta iguleh: "Najma hadii aan dhimano ugu yaraan qabowgan waan ka nasan doona." Laakiin habeenkaas ma sahlaneen oo wuxuu ahaa habeen wacdarihiisa wata. Wuxuu gacanta ku hayay garabkiisa oo dhiig ka socdo. "Cabdi!" ayaan ku qayliyay. Wuu i eegay isagoo neef qoto-dheer qaadanaya. "Ha ii soo bixin najmay" ayuu igu yidhii. "Adiga ayay ku sugayaan." Waxaan dareemay culeys igu habsadey niyad ahaan. Lugahaygu way gariireen. Waxaan rabay inaan u cararo. Waxaan rabay inaan ka soo jiido halkaas. Laakiin rasaastu waa sidii falaasho dab ah oo hawadii kala xidhay.
Cabsi iyo waajib ayaa igu dhex dagaallamayey. Ilbiriqsi kasta waxaan maqlayay codka gudahayga oo igu leh: "Haddii aad dhaqaaqdo, waad dhimanaysaa." Laakiin cod kale ayaa igu yidhi: "Haddii aad ka tagto,waligaa naftaada ma cafin doontid." Ugu dambeyn waxaan qaatay go'aan. Anigoo rasaasta dhex maraya ayaan u orday Cabdi. Boodhkii qariyey hawada ayaa indhaha ayay igaga dhacaysay, waxa iftiin ii noqotay xabada dhaceysa. Dhagahaygu waxay la qarxi gaadheen rasaas dhinacyadayda ka dhacayso. Geeri ayaa hal tallaabo ii jirtay. Laakiin waqtigaas waxaan ka fikirayay hal shay oo keliya: Inaanan cabdi halkaas uga tagin. Markii aan gaadhay, waxaan qabtay gacantiisa aan dhawacneen. Wuxuu isku dayay inuu qoslo. "Waxaan moodayay inaad iga carari doonto," ayuu yidhi isagoo si xanuun leh u neefsanaya. Waxaan ku yidhi: "Xadka waan ilaalin karaa, laakiin cabdi ma dayici karo." Si dhib badan ayaan u jiiday anigoo gabbood raadinaya. Daqiiqado kadib, ciidamo kale ayaa noo yimid. Habeenkaas waan siganay.

Subaxdii markii qorraxdu soo baxaysay, waxaan istaagay halkii aan habeenkii taagnaa. Cirku wuxuu lahaa midab oranji khafiif ah. Dabayshii qabowbeed waxay noqotay mid kulul oo ku hafineysay. Waxaan eegay calanka dalkayga oo hawada si tartiib ah ugu lulmaya. Markaas ayaan fahmay sababta askari u joogo xadka. Ma aha inuu geesi iska dhigo. Ma aha inuu dadka tuso awood shaadh askari.
Wuxuu u taagan yahay si carruurta huruddaa ay subaxa nabad ah ugu toosaan. Si hooyo aysan u maqlin rasaas albaabkeeda agtiisa ka dhacaysa. Si qof dalkiisa ugu noolaado isagoo xor ah. Waxaan gacanta saaray wadnahayga. Wali cabsi waan dareemayaa. Wali dhimashada waan ka fikiraa. Laakiin haddii mar kale la ii sheego inaan xadka istaago.Waan istaagi lahaa. Waayo dadka qaar waxay noloshooda ku dhisaan riyooyinkooda. Anagase, Waxaan nolosheenna ku ilaalinnaa riyooyinka dadka kale.

16/05/2026

https://chat.whatsapp.com/K2M3ngZ1G3a95LOgN2CLCL

Ku soo biir “Sheeko iyo Shaah with Najma Hodan” ☕📖

Habeen kasta waxaad heli doontaan qisooyin xiiso leh, sheekooyin qalbiga taabanaya, iyo caweysin maskaxda dejinaya.

Haddii aad jeceshahay jaalle sheekooyinka dareen leh iyo madadaalada habeenkii — community-gan adigaa loogu talagalay. 🤍

Ku soo biir maanta oo qayb ka noqo dadka sheekooyinkeyga la socda safarkeygana igu weheliy

https://chat.whatsapp.com/K2M3ngZ1G3a95LOgN2CLCLKu soo biir “Sheeko iyo Shaah with Najma Hodan” ☕📖Habeen kasta waxaad he...
16/05/2026

https://chat.whatsapp.com/K2M3ngZ1G3a95LOgN2CLCL

Ku soo biir “Sheeko iyo Shaah with Najma Hodan” ☕📖

Habeen kasta waxaad heli doontaan qisooyin xiiso leh, sheekooyin qalbiga taabanaya, iyo caweysin maskaxda dejinaya.

Haddii aad jeceshahay jaalle sheekooyinka dareen leh iyo madadaalada habeenkii — community-gan adigaa loogu talagalay. 🤍

Ku soo biir maanta oo qayb ka noqo dadka sheekooyinkeyga la socda safarkeygana igu weheliya

*~Guushaan Adiga leh hooyo*  Roob yar oo qabow ayaa ka da'ayay magaalada Hargeisa subaxnimadii. Dadka suuqa marayay qaar...
13/05/2026

*~Guushaan Adiga leh hooyo*

Roob yar oo qabow ayaa ka da'ayay magaalada Hargeisa subaxnimadii. Dadka suuqa marayay qaar waxay ku degdegayeen shaqooyinkooda, qaarna waxay iska ilaalinayeen dhoobada waddooyinka.

Geed yar hoostiis waxaa fadhiday hooyo la oran jiray Xaliimo. Hortooda waxaa u saarnaa yaanyo, basal iyo caleen yar oo ay iibinaysay. Gacmaheedu way qallafsanaayeen, dharkeeduna ma ahayn mid cusub, balse indhaheeda waxaa ka muuqday hal riyo oo keliya:
*"Inuu wiilkaygu wax-barto."*
Maalin kasta waxay suuqa iman jirtay aroortii h**e. Mararka qaar waxba ma iibin jirin. Mararka qaarna dadka ayaa qiimaha ku gorgortami jiray ilaa ay ka ilmeyso gudaha qalbigeeda.

"Hooyo, tamaandhadu waa qaali," ayuu nin macaamiil ahi yiri isagoo qosol yar ku dheehan yahay.
Xaliimo si deggan ayay u tiri: " *Walaal, maanta lacagtaas waxaan ku bixinayaa buugga wiilkayga."*

Ninkii wuu aamusay.
Laakiin dadka oo dhan ma fahmi jirin. Qaar waxay ku yiraahdeen: "Waxbarasho waxba ma tarayso." "Wiilkaaga shaqo ma helayo." "Intaad suuqa ku dhibtoon lahayd, ha shaqeeyo." Iyadu haddana hal eray ayay ku noolayd:

*"Maalin un ayuu iftiimi doonaa sida dayaxa oo la iftiinsan* ."

Wiilkaas waxaa la oran jiray Cabdiraxmaan. Wuxuu ahaa arday aad u dadaal badan, balse gudaha qalbigiisa dagaal ayaa ka socday oo ma deganeen.

Markuu jaamacadda tagayo, wuxuu arki jirey arday kale oo baabuur wata, dhar qurux badan xiran, lacag haysta oo bun ku cabbaya. Isaguse mararka qaar xitaa lacag bas-raac ma haysan jirin. Maalin ayuu saaxiibkiis Faysal ku yiri: " *Walaal, sidee baad weli u sii wadaysaa? Nolol adag ayaad ku jirtaa."* Cabdiraxmaan indhaha ayuu hoos u dhigay. " *Hooyadey ayaa iga weyn daalka aan dareemayo saaxiib."*
Habeenkii markuu guriga yimid ayuu arkay hooyadii oo lugaha duugaysa. Daalka wejigeeda ka muuqday wuxuu ahaa mid ka culus hadal kasta. "Hooyo, suuqa maanta sidee ahaa?" Waxay isku dayday inay qosol sameyso.
*"Mid wanaagsan ayuu ahaa wiilkeygiiyow."* Laakiin dhab ahaantii maalintaas wax badan ma aysan iibin. Waxaa jiray haweeney kale oo deris la ahayd oo la oran jiray Sahra. Mar kasta waxay Xaliimo siin jirtay dhiirigelin. " *Adiga Ilaahay kuma dayacayo,"* ayay ku oran jirtay. Dhanka kale, waxaa jiray nin ganacsade ah oo suuqa joogay oo dadka hortooda ku qosli jiray Xaliimo.
"Miyaad moodaysaa wiilkaagu inuu wasiir noqonayo?" ayuu mar ku yiri.

Dadkii qaar baa qoslay. Xaliimo iyaduna si deggan ayay u tiri: " *Uma baahni inuu wasiir noqdo , waxaan rabaa oo keliya inuusan maalin dadka baryin."* Ereygaas wuxuu taabtay qof kasta oo meesha joogay. Sanadihii way socdeen. Cabdiraxmaan mar ayuu ku sigtay inuu jaamacadda ka haro markii lacagtii semester-ka la waayay. Maalintaas hooyadiis waxay iibisay dahab yar oo ahaa xusuustii keliya ee uga haray aabbihii geeriyooday. Cabdiraxmaan markii uu ogaaday wuu ooyay. " *Hooyo, maxaad sidaas iigu hurtay wax walba?"* Xaliimo gacanta ayay madaxa ka saartay. *"Maalin un aan adiga ku arko adigoo dadka caawinaya taas ayaa iga qiimo badan dahab kasta."* Hadalkaas wuxuu noqday tamartii uu ku noolaa.
Wuxuu bilaabay inuu habeenkii shaqeeyo, maalintiina wax barto. Mararka qaar gaajo ayuu ku seexan jiray, laakiin waligiis hooyadii uma sheegi jirin. Macallin jaamacadda ka dhigayay oo la oran jiray Maxamed ayaa maalin arkay dadaalkiisa.
*"Adiga waxbaa kugu dugan cabdiraxman,"*
ayuu yiri. Wuxuu ka caawiyay buugaag iyo fursado waxbarasho. Cabdiraxmaan markii ugu horreysay wuxuu dareemay in adduunku aanu wada mugdi ahayn ee dad wanaagsan jiro.

Waxaa timid maalintii qalin-jabinta. Hoolka waxaa ka buuxay waalidiin faraxsan oo dhoolaha cadeenaya, sawirro iyo sacab is gaadhay.

Xaliimo gadaal ayay fadhiisatay. Ma aysan haysan dhar qaali ah, mana aysan rabin inay dadka ka dhex muuqato. Laakiin qalbigeeda waxaa ka socday u qaadan Wa' kale:
" *Ma dhab baa maanta?wiilkeyga miyaa qalinjabinaya"* Magaca Cabdiraxmaan markii lagu dhawaaqay, hoolkii sacab ayuu la dhacay. Wuxuu ahaa ardaygii ugu sarreeyay kulliyaddiisa iyo guud ahaan jamacadda. Markuu masraxa fuulay, wuxuu qaatay shahaadadii. balse halkii uu si degdeg ah uga degi lahaa, wuxuu codsaday makarafoonka.
Dadkii way aamuseen. Cabdiraxmaan indhihiisa waxay raadiyeen hooyadiis.
Markuu arkay ayuu yiri:

"Dad badan waxay leeyihiin maanta adigaa guuleysatey". Hoolkii oo dhan wuu aamusay. "Laakiin runtu waxa guushaan iska leh waa hooyadey macaan,kasha deeqa ,idhiiriya." Indhaha Xaliimo ilmo ayaa ka qubatay. Cabdiraxmaan hadalkii ayuu sii watay: "Markii dadka qaar hurdayeen, iyadu suuqa ayay fadhiday." "Markii aan quustay, iyadaa ii rumeysneed in aan samayn karo." "Markii aan lacag waayay, iyadaa xoogeeda iyo riyadeeda iibin jirtay." Dadkii qaar baa ilmeynayay. Kadib wuxuu yiri: "Hooyo, maanta shahaadadan aniga ma lihi. Adigaa leh." Hoolkii oo dhan ayaa istaagay. Sacabkii meesha ka dhacay wuxuu ka cuslaa sanadihii xanuunka lahaa.

Maalmo kadib, isla suuqaas ay Xaliimo wax ku iibin jirtay ayaa dadku si kale ugu hadlayeen. Dadkii ku qosli jiray maanta waxay ku odhanayeen: "Waxaad ahayd hooyo geesi ah." Laakiin Xaliimo weli sidii ayay ahayd. Weli dadka si deggan ayay ula hadlaysay. Farqiga keliya wuxuu ahaa. Maalintii dambe, Cabdiraxmaan wuxuu suuqa yimid isagoo hooyadii gacanta haya. "Hooyo, maanta shaqo ma aadan u iman." Xaliimo: "Ee maxaan u imi?" "Waxaan kugu imi inaan kuu sheego in daalkii dhammaaday oo manta wixii ka dambeeya aad nasan doonto ." Xaliimo qosol iyo ilmo isku dhex jira ayay la aamustay. Sababtoo ah mararka qaar Hooyooyinka ma sugaan inay adduunku u sacbiyo. Waxay sugaan oo keliya maalinta ubadkoodu ka dhex muuqanayo Dadka isagoo kasoo baxay kaalintay ka rabeen.

📅 13/5/2026
Najma hodan

Address

Hargeisa
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NajmaHodan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share