21/05/2026
âXasuus Dhiigeysaâ
Hargeysa habeenkaa waxay ahayd magaalo mugdiga u raacsan yahay sanqadh yari ... balse qalbigaygu muu xasiloonayn. Daruurihii cirka isku shareeray waxay u ekaayeen murugada gudahayga deggenayd. Roob khafiif ah ayaa dabayshuu wato muraayada daaqadda ku garaacayay si tartiib ah, aniguna waxaan kursiga geeska qolka yaalay ku fadhiistay anigoo eegaya telefoon bilaa fariima... telefoon aan ka sugayay fariin aanan waligay heleyn.
Waxaan ahay Kaaha Cumar. Gabadh mar jacayl u rumaysatay sidii qof Ilaahay u balan qaadey jano aduunyo. Waxaan ahaa qof qalbigeeda oo dhan siisey nin la oran jiray Kaariye... Nin codkiisu qalbigayga dejin jiray, indhihiisuna ii ahaayeen hoy aan kaga nabad helo dunida. Laakiin mar un baan ogaaday in dadka qaar aysan qalbigaaga u soo gelin inay ku jeclaadaan... ee ay u soo galaan inay ku burburiyaan.
Maalintii ugu horraysay ee aan Kaariye arkay, waxaan u xasuustaa sidii shalay oo kale. Jaamacadda dhexdeeda ayuu dhex taagnaa, isagoo dhoolacadeen deggan leh, dadkuna hareerihiisa ayay ku urursanaayeen. Laakiin aniga... aniga wuxuu ii ahaa qofka keliya ee iiga muuqdey sida qorrax arooryaad.
"Kaaha, dadka qaar markaad aragto waxaad mooddaa inaad horay u taqaanay..." Hadalkiisaas fudud wuxuu qalbigayga ka galay meel aan cidina waligeed gaadhin. Wuxuu ahaa nin hadalka yaqaan. Nin erayadiisu aysan dhegaha ku joogin ee gudaha kuu sii dhaadhacaya.
Habeen kasta wuxuu ii sheegi jiray: "Adiga la'aantaa noloshaydu waa sida mugdiga kuu muuqda markaad indhaha isku haysid kaahay." Aniguna waan rumaysan jiray. Waxaan u huray waqtigaygii, dareenkaygii, ducadaydii... xitaa riyooyinkaygii. Waxaan noqday gabadh nolosheeda guddoonsisey jacayl keliya. Laakiin jacaylku wuu indho tirey... mararka qaar wuxuu kaa qariyaa dhaawaca saan-saantiisa.
Muddo laba sano ah ayaan wada soconnay. Dadku waxay nagu tilmaami jireen lammaanaha ugu isfahamka badan. Markaan la socdo waxaan dareemi jiray inaan dunida inteeda kale ka duwanahay.
Habeen kasta telefoon ayuu igu seexin jiray. Codkiisa ayaan ku hurdi jiray. "Kaaha... waligay kaa tagi maayo." Eraygaas wuxuu ii ahaa ballanta waraabinaysa jaceyl siyaadaya. Hooyaday mar bay ii digtay. Waxay tiri: "kaahay hooyo... dadka hadalka macaan qalbigoodu mar walba ma noqdo daacad, ee hoy joog." Laakiin jacaylku xataa wuu idhago tirey. Waxaan moodayay in hooyo aysan fahmayn waxa aan dareemayo. Waxaan aaminsanaa in Kaariye ka duwan yahay ragga kale. Ilaa maalintii aan arkay fariintii idishay anigoo nool.
Waxay ahayd habeen aan telefoonkiisa si k**a' ah u eegay. Waxaan arkay sawir gabadh kale oo uu u diray isagoo leh: "Adiga ayaan dhab kuu jeclahay." Markii aan akhriyey... gacmahaygu way gariireen. Wadnahaygu wuxuu u garaacmay si aan caadi ahayn. Waxaan dareemay sidii qof dhulka hoostiisa laga jiiday. Dhulkii ayaa igu wareegay. Waxaan is iri: "Malaha waa qalad..." Laakiin khiyaanadu mar walba waxay leedahay raad saan-saantisu cadaan tahay. Markii aan sii akhriyey farriimaha... waxaan ogaaday inaan ahaa gabadh uu waqtiga isku dhaafin jiray oo keliya. Jacaylkii aan u hayay wuxuu hal ilbidhiqsi isku beddelay mindi qalbigayga dhex taagan oo hollac iyo dhiiq-bax burqanaayo.
Waxa si fiican u fahmaaya heestii BK ee dhihi jirtey
⢠Kaligey caashaqaan qabiyo
⢠Kurbadii laga goo wadnaha
⢠Kolkuu kaalintaadii waaye
⢠Kootada naftaan kugu xidhey
⢠Kaaftoon qalbigaad rabtay
⢠Kal h**e adigaan kasbane
⢠Kakac kuma samo luladuye
⢠Goobtaan hurdo lagu gamine
Maalintaas kadib noloshaydu way is beddeshay. Waxaan noqday qof aan farxin. Habeenkii waan ooyi jiray ilaa indhahaygu bararaan. Dadku waxay i waydiin jireen: "Kaaha maxaa dhacay?" Laakiin sidee baan ugu sheegi karaa in qalbigaygii la aasay anigoo nool? Kaariye wuxuu isku dayay inuu ii cudurdaarto. "Waa qalad yar... adiga ayaan dhab kuu jeclahay." Qalad? Sidee khiyaanadu qalad u noqon kartaa iyadoo ay dishay qofka ku aaminay?
Waxaan xasuustaa habeen aan bannaanka u baxay anigoo kaligay ah. Magaalada oo dhan way hurudday. Waxaan istaagay waddo cidlaa, dabayshuna timahayga ayay qaada dhigeysey oo maradaa iga dhacdey. Waxaan is weydiiyey: "Maxaan haleeyey ilaa qof aan wax walba siiyey uu sidan ii dhaawaco?" Qofka qalbigaaga jebiya ma burburiyo keliya jacaylka... wuxuu kaa qaadaa kalsoonidii aad dadka ku qabtay. Waxaan ka baqi jiray inaan mar kale qof aamino. Waxaan noqday qof gudaha ka madhan. Markaan muraayadda hor istaago, gabadhii qosli jirtay ma arki jirin. Waxaan arkayay qof daallan... indho murugo buuxisay... iyo qalbi ka quustay jacaylka. Waxaa iigu xanuun badnayd inaan weli jeclaa.
Haa... inkastoo uu i khiyaamay, qalbigaygu weli isaga ayuu u ooyi jiray. Taasi waa waxa jacaylka dhabta ahi yahay; wuxuu ku dhaawacaa adigoo weli qofkaas xiisaynaya. Habeen walba waxaan akhrin jiray farriimihiisii h**e. Waxaan maqalkiisa ka dhex raadin jiray telefoonka. Laakiin dadka qaar waxay ku baraan casharro xanuun badan... iyagoo aan waligood kuu damqan.
Maalin dambe ayaan arkay isaga oo gabadhii kale gacanta haya. Waxay taagnaayeen meel shaah laga cabo. Wuu qoslayay... isla qosolkii uu aniga ii qosli jiray. Markaas ayaan ogaaday xaqiiqda ugu murugada badan: In qof kuu ahaa adduunka oo dhan... aad adiga u ahayd waqti yar oo uu noloshiisa soo dhaafay. Lugahaygu way gariireen. Waxaan dareemay neefta oo igu dhegtay. Qalbiga ayaa i xanuunay si jir ahaana ii dhaawacday. Waxaan doonayay inaan qayliyo. Waxaan doonayay inaan weydiiyo sababta. Laakiin waxaan fahmay in dadka qaar aysan waligood sharaxaad ku siin doonin dhaawaca ay kuu geysteen. Waxaan ka tagay goobtaas anigoo ooyaya. Roob ayaa da'ayay habeenkaas. Dadku waxay ka cararayeen biyaha... laakiin aniga waxaan rabay roobku inuu qariyo ilmada iga socota. Markii aan guriga galay, waxaan isku duubay sariirta anigoo gariiraya. Waxaan dareemay quus aan erayo lagu sheegi karin. Waxaan is iri: "Jacayl dambe qalbigayga ma soo geli doono."
Muddo dheer kadib ayaan bartay xaqiiqo murugo leh: Qofka ku khiyaama ma jebiyo oo keliya qalbigaaga... wuxuu beddelaa qofkii aad ahayd. Ka hor Kaariye waxaan ahaa gabadh rumaysan jacaylka. Gabadh qalbigeedu nadiif yahay. Gabadh si fudud u qosli jirtay. Laakiin maanta... Waxaan noqday qof ka cabsada inuu dareenkiisa bixiyo. Qof dhoolla-caddayntiisa gadaasheeda ku qariya murugo aan dhammaanayn. Mararka qaar habeenkii waxaan wali maqlaa codkiisii maskaxdayda dhex wareegaya: "Waligay kaa tagi maayo..." Markaas ayaan qosol murugo leh iska sii daayaa. Sababtoo ah dadka qaar ballanqaadyadoodu ma aha erayo qalbiga ka yimid... waa hadallo ay ku seexiyaan dadka daacadda ah. Aniguna waxaan ahaa gabadh qalbigeeda oo dhan bixisay... balse gacmaheeda kusoo haray dhawac iyo xusuus aan weligeed ka bixi doonin. Haddii aad maanta i aragto anigoo aamusan, ogow aamuskaygu ma aha deggenaansho... Waa qaylo qalbi jabtay oo gudaha ku xanniban.
Qofka qalbigaaga jebiya mar walba kuma dilo erayo adag... mararka qaar wuxuu ku dilaa ballanqaadyo qurux badan oo been noqda. Waxaan bartay in jacaylka ugu xanuunka badan uusan ahayn mid kaa taga... ee uu yahay mid ku tusay janno yar, kadibna cadaabaha kaa waraabiya oo murugada kugu reeba. Waxaa jira dhaawacyo aan dhiig lahayn... balse habeen kasta gudaha kaa guba.
Khiyaanadu ma burburiso xidhiidh jaceyl oo keliya, waxay dishaa kalsoonidii, rajadii iyo qayb kamid ah qofkii aad ahayd. Mararka qaar dadka ugu badan ee aad u ducaysay... waa kuwa ugu daran ee ilmadaada sabab u noqda. Qalbiga daacadda ahna mar walba wuxuu dagaalka ku guuldarystaa isaga oo weli jacayl rumaysan.