23/09/2024
Noqo qof garta dantiisiyo
dabcigiisu wacan yahay.
dad lasocod yaqaana
deeqsiyoo bashaasha.
dedaal iyo hawl kara
derejo iyo hanaan u leh
danahiisa wadan kara
dagantii haweenkana
daalacanaya aragtida
marka Uu dakeeyana
damaciisa qiran kara
duntana ku xidhan kara
diyaar uu la ah
damyadadena aragana
uu ku doogsanaayo
darbi dhexanta celiyo iyo
darbabi adagnka dhigan
kara diintana ku dhaqi kara
ubad diinle iyo duunyo dhaqan kara
dusheenada dahab sushi kara
W/Q hal-abuur Kader Eid