Heraale TV

Heraale TV Halka Aad ka heleyso Xogta saxda ah

02/01/2026

Godoomiyaha Dagmada Xeraale oo ka hadlay arinta somaliland.

28/12/2025

Khudbad miyaa gudboon mise Qirasho?

Haddii in yar oo damiir wax tar leh ku jiri lahaa duqa ama maskaxdiisu shaqayn lahayd, istaqaaladiisa ayuu geyn lahaa golaha, siduu 2008 yeelay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, kaddib markuu qiimeeyay caqabadaha ku horgo’an.

Midnimo waxay u baahantahay geed ay hargasho, Madaxweyne Xasan-na ma ahan ninkii geedkaas waabi laaha.

Markii uu soo yeeray falaadkii Maamulka dhul boobka ah, waxaa qaar ka mid ah madaxda dowladda laga soo wariyay erayo aan la jaan qaadi karin marxaladda iyo mas’alada taagan!

Erayadaas waxaa ka mid ahaa “Nin gobol jooga maxaan uga baahanahay?” “Hadday ciin daaqday” “Olyada ayay daadisay” “Ku haaay” iyo qaar kale oo ka dhadhan xun.

Tan waa tusaale noogu filan sida falsafaddii dowladnimo looga guuray, looguna badalay nidaamka garab rarata iyo gabraaratada, kuna dhamaanaysa maalin goosi.

Muddo seddax sano ka badan ayaan lahayn “war ka daa! war way ku kala tagaysaa!” wuxuuse si cad dhagaha uga furaystay tala kasta oo xal noqon kartay.

Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aysan jirin madax u maqan, waxaana ugu baaqayaa in loo istaago ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadkeena.

Xigasho Dr Kofi Adam

Alex Jones oo ah wariye Maraykan ah, kana tirsan taageerayaasha Trump (MAGA), ayaa sheegay in Soomaalidu aysan la mid ah...
15/12/2025

Alex Jones oo ah wariye Maraykan ah, kana tirsan taageerayaasha Trump (MAGA), ayaa sheegay in Soomaalidu aysan la mid ahayn dadka kale ee Afrika ee la adoonsaday. Wuxuu ku dooday in Soomaalidu ay ahaayeen dad awood lahaa, isla markaana ay iyagu qayb ka ahaayeen gumaysi iyo xukun dad kale.
Wuxu intaas ku daray in xilligii Ingirlisku
gumaysanayay dhulka Soomaalida, kaliya 20% dadka ay aqbaleen gumaysiga, halka inta kale ay diideen.
Sida uu sheegay, dadkaas aqbalay gumaysiga illaa maanta looma oggola inay qabtaan xilal sare.
Sidoo kale, Alex Jones wuxuu yiri Soomaalidu qarniyo badan ka hor (qiyaastii 1,400 sano) ayay ku lug lahaayeen ganacsiga addoonta, oo ay dad kala libin jireen. Wuxuu sheegay in ganacsigaas uu ku xirnaa
suuqii addoonsiga ee Maraykanka, isaga oo tilmaamay
in Soomaalidu qayb ka ahaayeen silsiladdaas.
Intaa kadib, wuxu sheegay in Soomaalidu aysan wada ahayn Afrikaan asal ahaan, balse ay jiraan qabillo uu ku tilmaamay kuwo Afrikaan ahayn, kuwaas oo sida uu yiri ka horreeya ama ka guuleysta meel kasta.
Ugu dambayn, wuxuu tusaale u soo qaatay Ilhan Omar,
oo ah xildhibaanad Maraykan ah oo Soomaali ah, isaga oo ku xidhay guusheed aragtidiisa ku saabsan asal iyo
kala sarreyn qabiil.
lagendkaan maalma kahor ayuu dacwo noo heystay maantana waxa uu soo riixay foosto kale .

 -kii u danbeeyey Khasaaraha dagaalkii maanta.Dagaal saaka abaare 8:30 bilowday ayaa goor dhaw soo idlaaday.Dagaalku wax...
12/12/2025

-kii u danbeeyey Khasaaraha dagaalkii maanta.

Dagaal saaka abaare 8:30 bilowday ayaa goor dhaw soo idlaaday.

Dagaalku waxa uu u dhexeeyey laba maleeshiyo Beelood oo kasoo kala jeeda Caabudwaaq iyo Xeraale.



Dagaalku waxa uu ka dhacay 3saddex aag oo kala ah aaga isgooyska, Miir-cali-dhuku iyo qodadka.

dagaalka
Mareexaan waxaa ka dhimatay 15 nin iyo 1 naag oo kala ah

8 Reer siyaad Xuseen
6 Reer dalal
1 Reer nuur
1 Ree maxamud guled
Dhaawacuna waa tiro beel.

Halka Beesha Surre uu ka dhintay 1 wiil kana dhaawacmeen 2 kale

Allh kala qaboojiyo beelaha walaalaha ah aamiin

MahadcelinMarka here Waxaan umahad celinayaa illahay (SW).Marka xiga waxaan umahad celinayaa Gudoomiyaha dagmada Xeraale...
04/12/2025

Mahadcelin

Marka here Waxaan umahad celinayaa illahay (SW).

Marka xiga waxaan umahad celinayaa Gudoomiyaha dagmada Xeraale Faysal Cabdilahi (Khayre) juhdigii iyo dadaalkii uu ku bixiyey in hay,ada Nira ay ka hawl gasho Xeraale System kana lagu daro dagmada, waxaaan leenahay waad mahadsantahay Gudoomiye, waana wixii laguu doortayba.

Marka ugu danbaysa waxaan umahad celinayaa bulsho weynta Xeraale sida ay uga midaysan yihiin masiirka dagmada.

Xildhibaan kayagii nama talaayay ayaa dagmooyinka iyo deegaanada dariska nala ah booqanaya asagoon imaan dagmadii uu mat...
13/11/2025

Xildhibaan kayagii nama talaayay ayaa dagmooyinka iyo deegaanada dariska nala ah booqanaya asagoon imaan dagmadii uu matalaayay kacararka bulshada uu matalo 6bilod kadib muxu lahor imaandona dadka deegaanka

10/11/2025

Gabaygaan wuxuu si dhab ah uga hadlayaa xaalada beesha surre.
Markii ay is xasdeen, markii ay kala tageen, markii ay midoobi, oo ay isku tiirsanaan waayeen waataa noqday ducufo aan cidina hadalkooda dhagaysan hadii mar ay ahaayeen awooda (super power) ka gobolkaan hada waaka maskiin aan goobaha waaweyn imaanin.

09/11/2025
07/11/2025

Ey iyo Dofar bey isku direen 🤣😂

30/10/2025

Qabiilka Dir Madaxweyne Ma noqdaan Oo
Raizul Wazaare Ma noqdaan Oo
Gudoomiye baarlamaan Ma noqdaan
Soo lama dhihi karo waa qayb kamid ah 0.5 ka Somalia

Aragtidaa✍️

Midnimo Maya kala Goyn Haa!Waa halku dhiga uu isticmaalo Xildhibaan Mursal Abdirahman, waa su,aale, maxaa uga yaraanaya ...
29/10/2025

Midnimo Maya kala Goyn Haa!
Waa halku dhiga uu isticmaalo Xildhibaan Mursal Abdirahman,

waa su,aale, maxaa uga yaraanaya hadii dadku midoobaan, isku soo dhawaadaan ?

Maxaase ugu badanaya kala fogeynta, eexda, kala qoqobka, cadaalad darrada, iyo iska horkeenida dadka walaalaha ah aan kala maarmin ?

Xildhibaanku wuxuu xilka ku matalaa dhamaan bulshada dagta, Xeraale, Huurshe, Miirjiicleey, Lajiide, Baqdaad, iyo kuwo badan aan soo koobi waayey. Maxaa xildhibaanka laga rabay loona doortay?

Waxaa loo doortay isku haynta dadka uu xilkooda ku fadhiyo u cadaalad sameeyo, usoo dhiciyo xuquuqda ay dawlada kula haayeen, hadii taa laga waayey, tolow maxaa ugu wacan dibin daabyada uu deegaanka ku wado muxuu ka faa'iidaa?
waa su,aalo dad badan is weydiiyaan aana jeclaan lahaa in xildhibaanku ka jawaabo.
Ugu danbayntii dadka deegaanadaan daggan (surre) waa dad walaal ah wada dhashay waxaana ka dhexeeya Wax Aan Birina Goyn karin Biyana Mayri Karin, cidii ka shaqaynaysa kala tagooda waxaan leeyahay haku kaarama seegina iska daaya ka waantooba midaas. Bulshada waxaan kula talin lahaa walaalayaal wax dhib ah nama dhexyaalaan aan midowno gacmaha aan is qabsano majiraan wax noo diidaya inaan wadajirno.
waanu guuleeysanaynaa inshaa allah.

Adaa isku dir iyo Fidno ka shaqeynaya Adaana Wacdinaya Alaabtaan Magac u Bixiyey bal 😂Hussein Ali Hussein
29/10/2025

Adaa isku dir iyo Fidno ka shaqeynaya Adaana Wacdinaya
Alaabtaan Magac u Bixiyey bal 😂

Hussein Ali Hussein

Markii laga tago is riix riixa iyo siyaasi hebel Baa saxan" oo xaqiiqda la wajaho"

degaanka Aan joogno iyo xaalkisu wuxuu ubaahan yahay" In la helo" siyaasad mideeysan oo meel wax uwada dooni karta" Maamul Degmo ila Heer,Federal" ayadaana lama huraan ah" ugu dambeyntii"

Address

Mogadisho

Telephone

+252614441423

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heraale TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Heraale TV:

Share