22/07/2023
Waa 1976.
inta aan dagaalkii itoobiya lagelin ciidanka xooga dalka Somaliyeed; iya dowlada qeybeheedu waxaay markaa maraayeen heerarki eey ugu xooga badnaayeen, diyaarad yar oo dalxiis ah oo dalalka yurub laga leeyahay ayaa sifasax la'aan ah u soogashay hawada somaliya dhanka jabuuti xiga.
Diyaaradu waxa aay ahay nuuca dadka lacagta lahi eey kireystaan; waxaana soo kireystay gabar rer yurub ah iyo ninkeeda laba malxiis oo lasocda duuliyaha iya kaaliyihiisa lixdaa qof oo kaliya ayaa diyaarada saarnaa.
Dadku sida lasheegay waa dad maalqabeenaa oo lacag leh dalxiis aroos oo bishoodii ugu h**eysay ku jiro waxayna u dhasheen dalalka iskaataneefiyaanka, dalal badan ayeey soomareen jabuuti ayuuna safarki lasoo gaaray waxay gabadhii arooska ahaayd xiisayneysay jasiirado kuyaal bariga afrika sida Tansaaniya iya meelaha udhaw waana isku afgarteen hadii taala go'aansaday waa in hawada Soomaaliya oo geeska afrika k taala lamaraa, waxaa ogolaashi fasax loo sooqortay waaxda maamulka hawada Soomaaliya taasoo codsigii diiday markii eeyku qanciwayday sababihii eey soo qorteen.
Marlabaad ayey codsigi dib usoo celiyeen jawaabtisa diidma ayey noqotay waayo xiligaasi shakiyo ayaa jiray waxayna dowladu kashakisay basaasayal ineey noqon karaan ama jawaasiis cadeyma wax qanciyana makeenin oo duul isla wayn ayey ahaayeen.
Maba eeysan islahayn dowlad yar oo afrika ah ayaa hadal idinkuso celikarta, waa sida uu waa h**e Ismaaciil Mire kusheegay Allaha unaxariistee rejaad kofil kibirkiisa markuu sawiraayay.
,,Kaskiisaba magelin wiil yarbaa keebka kuuqabane
ragow kibirka waalagu kufaa kaa hala ogaado,,
Gabadhii aroosada ahayd waxaa lagu yiri meeshii aan iska dayno oo aan meela kale u badalano hadii kale safar wareeg ah oo dheer ayeynagu qaadaneysaa fasaxyadu iney daahaana waydhici kareysaa; hayeeshee gabadhii waa is ooyisay waxay tiri inan xeebahaas badwaynta hindiya soo arka mooyaane lagama yaabo inan yurub kunoqdo.
Duuliyaha iya diyaaradu lacag badan ayey qaateen oo hadal masooceli karaan duuliyihii ayaa laba goor daymooday dibnihii ayuu ilkaha kuqabtay qaniinay gabadhi ayuu idhaha kor ugutaagay wuxuu yiri haye waan baxaynaa hawada Soomaliya ayaana mareynaa diyaarada aan wadano waa casri wayna dheereysaa aad ayeyna udheereysaa waana kadhex duseynaa.
Asxaabtiisii ayaa kuyiri Soomalidu waa kuwa fasaxa moo diiday hadeynu marno soownama arkikaraan?
Wuxuu ugu jawaabay muda yar oo afartan iyo shan daqiiqa ah ayeeynu hawadooda uga dhex baxaynaa waa dowlad yar oo afrikaan ah mafilaayo iney qalab casri ah haystaan oo eey na arki karaayan hadii aayna arkaana inta eey iskaarsiinaayaan ama xariirku socdo ayaan kadhex baxaynaa diyaar garooba beri subax eyeynu dhaqaajineynaa,.
Subixii intuu furaha ku wareejiyay jabuuti ayuu kasoo kacay daqiiqado kadibna hawada Soomaliya ayuu soogalay markiba raadaarka Berbera ayaa diirada kuqabtay waalala hadlay maxaad tihiin hawa qaldan ayaad soogasheen dib unoqda; hayeeshee duuliyihii majawaabin dhowr goor hadii lahadlay ee uusana wax jawaab ah bixin soona dhaafay arligaasi waxaa markale diirada saaray raadeerka Buulaburde oo asne mid casri ahaa waxaa asne arkay raadeerka garoonka ciidamada cirka ee Balidoogle intaasne duuliyuhu majawaabin oo qorshihiisi ahaa inteey is warsanayaan ayaan duseynaa ayuu kusocdaa.
Wararka inta laysku celcelinaayo diyaarada sooxad'gudubtay Berbera Buulaburde iyo Balidoogle iya waaxyihii shaqada kulahaa hawada iya difaaca waxay ahaayeen waxay ahaayeen daqiidado tirsan markii la'arkay duuliyuhu inuu kas udhegeysanaayo waxne maagan yahay ayaa amar labixiyay; isla markiiba labo diyaaradod oo kuwa dagaalka ah nuuca miiga looyaqaan ayaa garoonka Balidoogle ka kacay labadii diyaaradood daqiiqado yar gudohoo waxay hareeraha kamareen diyaaradii ajnabiga ahayd, waxaan diyaaradahaas duuliyaal ka ahaa saraakiil Soomaali ah mid waa kabtan sadax xidig garbaha ku wata midne waa laba xidigle inteey lasinmeen ayey amar siiyeen waxay ku dheheen nasooraac halka aan kuu tilmqano kudag hadii kale waalagu tooganayaa adiga iyo waxaad sididba cawaaqib xumadeedane adigaa ka masuula.
Waala soo jiireysiiyay waxaa lagu soohagay inuu kudego garoonka diyaaradaha Muqdisho duuliyaha miiga koobaad wado ayaa ka h**eeyo waxaana uu usheegay inuu dhulka taabanaayo kadibna kasiikacaayo asigune uu meesha kudego waayoo ciidamo kalaa dhulka ugu diyaarsanaa oo sugaayay miigii labaadna waa uu ka dabbeeyaa duuliyihii Soomaaliga ahaa inuu baalasha raariciyay oo dhulka sifudud kutaabtay ayuu kasiii kacay ilbiriqsiyo isku dhaw ayey labadii miig garoonka dhanka afisyoone isku dhaafeen ayagoo labada dhinac bada iyo barinka ukala baxay welina isha kuhaaya diyaaradii lasoo qabtay iney sinabad ah u dagtay, hasa yeeshee waxaad moodaa duuliyaha diyaarada yar wadaahi inaanu wali isdhiibin waxaane ka guuxeysa maankiisa sidee adigoo nin rer yurub ah dowlad yaroo afrikaan ahi kuu celin kartaa, asagune intuu cagta dhigay ayuu isla markiiba kor u kacay oo dhanka bada u xawaareeyay isagoo malaha isleh xaga bada ayaad xaduudooda dhaqsi uga bixi kartaa laakiinsa waa hubanti inuu xisaab qaldan isku dhifsaday.
Soomaaliya warkeedu waa uu kuyaraa markiiba labadii miig ayaa kusoo jiireeyay iyadoo eey u cataaday diyaaradaan iya duuliyeheeduba ineey cashir fiican oo kii h**e ka culus u baahan yiyiin duuliyaasha Soomalidu way tira yaraayen xiligaas laakiin waxay ahaayeen kuwa lahubo oo shaqadooda ka adag duuliyihii miiga koobaad weday ayaa diyaaradii lasoo sinmay oo dhineceeda inta uu kusoo dhawaaday asigoon lahadlin ayuu halgentaal kusiidaayay oo qaarka h**e korkiisa ah meel waxyar u jirta juuqna umadhihin oo lama hadlin mahadal baajira diraadi inteey ruxantay ayay xitaa saacadeheedi isku dhexyaaceen gaaladii saarneeydna mantag iyo qeylo ayey kuwaasheen markaas ayuu duuliyohoodi miirsaday dagdag ayan u dagaynaa ayuu ku hadaaqay markiiba garoonka ayuu halhaleel kusoo noqday oo si edebsan uga soodagay.
Halkaas ayey ciidamadii ku sugaayay diyaarada kasoo dajiyeen dhamaantoodne xabsiga lootaxaabay wakiil Soomaliya ah oo dowladaha howlohooda uqaban jiray maadama aaysan safaarad lahayn ayaa ugu yimid meesha lagu xiray ciidamadii nabad galyada ayaa wareysiya lasameeyay waxaa loosoosaaray codsiyadii eey soo gudbiyen iya jawaabihii lagabixiyay digniinti eey siiyeen raadaarada Berbera Buulaburde dhamaan marqaatiyadii hoowl wadeenadii kadibne maxkamad degdeg ah ayaa loo gudbiyay maba eeysan inkirin waxuu duuliyihii qirtay inuu ubareeray inuu hawada soogalo mana aanan islahayn ayuu yiri dowladan yarta ah ee afrikaanka ah ayaa qalab haysata casri ah ama idinsoo qabankarta laakiin aad iyo aad ayaan ugu sooqaldanay Somaliya sidaasna ma aanan moodeyn.
Maxkamadu waxay ku xakuntay xarig iya ganaax duuliyaha iya shirkatiisaba iya qarashkii diyaaradihii miigaga ahaa eeyku keceen ayna ku howl galeen qiimaha gentaalki laguriday iya qarashaadki kale iyo iney meeshey kayimideen ku noqdaan ayaa lagu xakumay xabsigana iney gadankaraan ayaa markii dabe loogu badalay lacag aad u farabadan waana laga qaaday.
Marka aad aragto sida maanta naloogu jeesjeeso tusaalane naloogu soo qaato marka umad lagu cabsigelinaayo dhibaatada eeyleedahay burbur iyo nadaam la'aanta iyo markaad dib u milicsatid dhacdooyinka nuucaan oo kale ah awooda iyo haybada eey leedahay dowalu.
Waxaad garawsaneysaa aqristow ineynu laf cad toobin ku hayno arinka layaabka leh ayaa ah iney weli jiraan dad eey maskaxdoda iya maankoodaba eey ka guuxayaan qabiil iya qabyaalad oo eey tahay qaran iyo sharaf.
W/Q. Zakariye