Abdifatah A Mohamed

Abdifatah A Mohamed Digital Business & Marketing Consultant | Founder @ Bastami Agency | Helping Startups Build Profitable Digital Businesses

Fatuux.com is an online resource founded in February 2021 by Abdifatah Mohamed, aimed at providing comprehensive guidance in digital marketing and online business. The website offers quality tutorials, tips, courses, tools, and resources based on real case studies and deep research, designed to help users master digital marketing and effectively manage online operations. The primary objective is to empower individuals with the knowledge to work online and succeed in digital marketing arenas

Kadib markaan dib u eegay poster kii aan uga hadlaayay LinkedIn Optimization Series,  waxaan arkay in dhallinyaro badan ...
23/08/2026

Kadib markaan dib u eegay poster kii aan uga hadlaayay LinkedIn Optimization Series, waxaan arkay in dhallinyaro badan ay dhaheen dhanka substack-ga nagula wadaag series ka.

Hoos ๐Ÿ‘‡ waxaan idiin soo dhigay Substack kayga link-giisa, subscribe dheh kadibna iga sug series ka by email ahaan isnha Allah.

Waxaan bilaabi doonaa Sabtiga soo socdo hadduu Alle idmo, kahor waqtigaas dhallinyarada ayaan sugeynaa insha Allah. Subscribe Now ๐Ÿ‘‡
https://substack.com/

Dadkeena Soomaaliyeed waxaa ka buuxo rag/dumar uu Allah ku maneystay aqoon, xikmad iyo caqli. Dr Hamza Habiib wuxuu kami...
22/08/2026

Dadkeena Soomaaliyeed waxaa ka buuxo rag/dumar uu Allah ku maneystay aqoon, xikmad iyo caqli. Dr Hamza Habiib wuxuu kamid yahay runtii dadka fara kutiriska ah aan ixtiraamo.

Qof kasta waalid, wiil ama gabar waxaan kula talin lahaa inaad soo daawato muuqaalkaan uu uga hadlayo Dr-ka "Sidee loo dhisi karaa qof?".

Waa inaan umadeena usoo gudbino wixii anfacaya aduunkoda iyo aakhiradooda. Thank you guys.

Ma rabtaa inaad horumariso awooddaada maskaxeed iyo hab-fikirkaaga ...

Ganacsi kasta oo guulaystay waxaa ka dambeeyay hal-abuure ku dhiirraday inuu ka dhabeeyo riyadiisa. Maanta waxaan u dabb...
21/08/2026

Ganacsi kasta oo guulaystay waxaa ka dambeeyay hal-abuure ku dhiirraday inuu ka dhabeeyo riyadiisa. Maanta waxaan u dabbaaldegaynaa maalinta hal-abuurayaasha dunida.

Dhallinyaradeena, Waalidiinteena iyo Guud Ahaan Dadkeena waa kuwo leh maskax wax soo-saareysa isla markaana ganacsiga ku dhiiran iney bilaabaan. Waa sumadda aan uga duwanahay qowmiyado badan oo African ah.

Guuleysta meel-kasta aad dunida ka joogtaan, sii wada inaad ka dhabeysaan riyooyinkiina. Ugu danbeyn, talaabo kasta aad qaadeyso Alle SWC talo saaro kadibna ku dhaqaaq.

Keebaa Saxan๐Ÿค”? Comment ga noogu reeb๐Ÿ‘‡
21/08/2026

Keebaa Saxan๐Ÿค”? Comment ga noogu reeb๐Ÿ‘‡

Waxaan soo wadaa taxane aan ugu magac daray "Haddii aan maanta bilaabi lahaa Isticmaalka LinkedIn ka, Sida-tan Baan Same...
20/08/2026

Waxaan soo wadaa taxane aan ugu magac daray "Haddii aan maanta bilaabi lahaa Isticmaalka LinkedIn ka, Sida-tan Baan Sameyn Lahaa". Hadda talo isiiya idinka. Ma waxaa soo galiyaa LinkedIn kaliya, Substack kaliya ama Premium Content ๐Ÿ’ฒ๐Ÿ’ฒ aan ka dhigaa ๐Ÿคฃ. Taladaada waa ii muhim libaax. ๐Ÿ‘‡

 Horay waxaan usoo dhigay halkaan inuu dhintay SEO ga uuna badalay GEO. Arinkaas waa run walow ay jiraan dhallinyaro igu...
19/08/2026


Horay waxaan usoo dhigay halkaan inuu dhintay SEO ga uuna badalay GEO. Arinkaas waa run walow ay jiraan dhallinyaro igu khilaafsan.

Shirkadda google sida aan ognahay waxey leedahay dhowr platform ama tool oo la isticmaalo. Tools ka kor u qaadi karo website kaaga bariggii h**e waxaa kamid ahaa Google Search Console.

Tool kaan kaliya markii h**e waxaa loo isticmaali jiray in website kaaga aad soo galiso baarista google ka sidoo kalena uu keydiyo xogta ku jirto website kaaga asagoo Indexing ku sameenayo.

Hadda maxaa is badalay?
Shirkadda Google waxey kusoo dartay Console keeda inaad ku xiri karto dhamaan Social Media Accounts kaaga, si xogta ku jirto Barahaaga Bulshada ay usoo gasho baarista google ka.

Maxaa faa'ido ugu jirto ganacsatada iney isticmaalaan?
Ganacsato badan ayaa ka dhiidhin jiray ineysan u baahnen website. Maanta ganacsatadaas awood waxey u leeyihiin xogtooda in lagu soo daabaco baarista google ka.

Dhallinyarada maxey uga faa'ideysan karaan?
Sidoo kale waxaa jirto dhallinyaro badan oo laheyn website qaas u ah, maanta waxey awoodaan iney maqaalo dhaadheer ay kusoo qoraan bartooda baraha bulshada, si ay uga soo muuqdaan baarista google ka.

Muhiimadda Update kaan muxuu yahay?
Shirkadda google markii h**e aad wax ka raadiso waxey kusiin jirtay website links, balse hadda waxey kusiineysaa Ai Overview. Ai-gaan macluumaad waxuu kasoo xiganayaa websites ka jiro dunida sidoo kalena baraha bulshada.

Baraha Bulshada ugu wanaagsan ay Dhallinyarada isticmaali karaan waa midkee?
Maadama Ai ga maanta uu xoggo badan uu kasoo xiganayo websites iyo social media accounts waxaa ugu wanaagsan LinkedIn Account inaad sameysato aadna wax kusoo qorto, maadama Ai ga uu kasoo aqrinayo xogaha barta LinkedIn ka.

Why LinkedIn?
Aaladda LinkedIn waxey gashay kaalinta 2aad ee meelaha Ai ga xogaha uu kasoo raadiyo, halka kaalinta koowaad ay gashay Reddit.

Guul ayaan idiin dhaafay. Wixii su'aalo kusaabsan arinkaan qeybta comments ka iigu reeb anigaa kuusoo jawaabi doono. Sidoo kale share garee poster ka sxb. Mahadsanid โค๏ธ.

Ai cidna ma badali doonto balse qofkii isticmaalkeeda yaqaano ayaa badali doono dadka kale.
13/08/2026

Ai cidna ma badali doonto balse qofkii isticmaalkeeda yaqaano ayaa badali doono dadka kale.

๐Ÿšจ ๐‡๐€ ๐๐ˆ๐‹๐€๐€๐๐ˆ๐ ๐†๐€๐๐€๐‚๐’๐ˆ ๐—๐ˆ๐‹๐ˆ๐†๐€ ๐‡๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‹๐€ ๐‰๐Ž๐Ž๐†๐Ž!!Maanta waxaan dhihi karaa waa xilligii ugu xumaa oo lasoo maray muddooyinki...
11/08/2026

๐Ÿšจ ๐‡๐€ ๐๐ˆ๐‹๐€๐€๐๐ˆ๐ ๐†๐€๐๐€๐‚๐’๐ˆ ๐—๐ˆ๐‹๐ˆ๐†๐€ ๐‡๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‹๐€ ๐‰๐Ž๐Ž๐†๐Ž!!

Maanta waxaan dhihi karaa waa xilligii ugu xumaa oo lasoo maray muddooyinkii dambe. Anigoo caqli leh, wax fahamsan, sidoo kalena wacyiga la socda, weli ma aanan arkin xilli aan ka xun in la bilaabo ganacsi.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐š๐›๐š๐›๐š๐ฒ?

1๏ธโƒฃ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ง๐ข๐๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐œ๐ฌ๐š๐ง ๐Ÿ’ฅ

* Dunida waxaa ka socda dagaallo aad u culus oo saameeyay dhaqaalaha adduunka. Sidoo kale loolanka dhaqaalaha ee u dhexeeya ๐‚๐ก๐ข๐ง๐š & ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ค๐š๐ง๐ค๐š ayaa sii xoogeysanaya.

2๏ธโƒฃ ๐‡๐š๐ ๐š๐š๐ ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ฒ๐š๐๐š โœˆ๏ธ & ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐›๐ญ๐š โ›ต๏ธ

* Maadaama ay socdaan dagaallo dunida ah, waxaa hagad weyn galay isku socodka diyaaradaha & maraakiibta ganacsi, taasoo sababtay in kor u kacaan qiimaha ๐œ๐š๐ซ๐ ๐จ-๐ ๐š & ๐ฌ๐ก๐จ๐ฉ๐ฉ๐ข๐ง๐ -๐ค๐š.

3๏ธโƒฃ ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐  ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐ž๐ž๐ง๐š ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

* Dalkeena Soomaaliya wuxuu isku diyaarinayaa inuu galo doorasho. Waxaa hoos u dhac ku imaanaya qiimaha dhulalka, qiimaha macdanta la dhoofiyo iwm. Sidoo kale ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š aad ayay u dhiban yihiin, maadaama dhaqaale xumo ay ka jirto gudaha dalkeena bilihii dambe.

Sidaas darteeda, ๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐๐š๐ ๐๐š๐ ๐ข๐ง inaad bilowdo mashruuc ganacsi ama maalgelinta dhulalka.

Waxaa loo baahan yahay inaad ๐ฌ๐š๐›๐š๐ซ๐ญ๐จ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐๐ข ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฌ๐จ intii laga baxaayo xaaladda jahwareerka taagan.

Mahadsanidiin โค๏ธ

๐Ÿ“– Qiso Yar...Maalin inagoo sheekesaneeno nin aan saaxiibo nahay ayaa igu dhahay:"Sxbow Fatuux! Waxaan rabaa inaan ganacs...
08/08/2026

๐Ÿ“– Qiso Yar...
Maalin inagoo sheekesaneeno nin aan saaxiibo nahay ayaa igu dhahay:
"Sxbow Fatuux! Waxaan rabaa inaan ganacsi bilaabo, laakiin lacag badan ma hayo. Maxaa sameeyaa?"
Waxaan weydiiyay hal su'aal:
"Dhib malahan sxbow ee ma bilaabi kartaa inaad xog(content) samayso?"
Inuu igu qoslay, ayuu i dhahay "Content? Ma lacag baa laga sameeyaa?"

Maanta, dad badan oo isticmaalo social media waxay ku xiran yihiin dad kale oo soo gudbiya xoggo nuxur leh, taasna ayaa dhista kalsoonida. Markii ay dhisanto kalsoonida, dadka ku daawada wixii aad usoo gudbiso oo badeeco ah ama adeeg ah dhaqso ayee dalbanayaan.

Ganacsiyada maanta ugu kobaca badan ma aha kuwa xayeysiiska ugu badan sameeyo, balse waa kuwa dadka wax bara, dhiirrigeliya, sidoo kalena soo muuqdo maalin kasta.

Sawirka aan soo raaciyay poster kaan waxaad arki kartaa poster h**e aan soo galiyay barteyda FB ga, wuxuuna gaaray in ka badan 102 kun oo qof, waxaa like saartay in ka badan 400 oo qof, waxaa Share gareesay in ka badan 50 qofood, waxaa save gareestay in ka badan 25 qof, sidoo kalena waxaa iga soo raacday oo isoo follow gareesay in ka badan 60 asxaab.

Awoodda ay leedahay xog curinta waad aragtaa. Marqaati ayaad ka tahay. Sidoo kalena ADIGA WAAD AWOODAA INAAD NOQOTO CONTENT CREATOR.

Waxaa laga yaabaa in muuqaalkaaga ugu horreeya uusan noqon mid aanan sidaas u qurux badneyn. Waxaa laga yaabaa in post-kaaga ugu horreeya aysan dad badan arkin.

Laakiin hal maalin... Qof ayaa kuu soo diri doona fariin leh:
"Waxaan kuu doortay inaad adeegaan ii qabato sababtoo ah waxaan muddo dheer la socday content-kaaga." โค๏ธ

Ha sugin qalab qaali ah. Ha sugin wakhti "ku habboon". Ha sugin inaad noqoto qof caan ah.
Bilow maanta. Hal sawir. Hal muuqaal. Hal qoraal.

Sababtoo ah content-ka aad maanta abuureyso ayaa noqon kara albaabka kuu fura fursadda berri. Qof aanan talaabo qaadin asaga iyo guul kala fog.

โœจ Xasuusnow: Haddii aan lagu arkin internet-ka, dad badan ma ogaan doonaan qiimaha aad leedahay. Adeegga aad bixiso, Badeecadda aad gado ama Tayada Xogtaada.

Adiga maxaa ku hortaagan inaad bilowdo content creation? Iiga soo jawaab qeybta comments-ka. Aan isla wada falanqeeno sxb. ๐Ÿ‘‡

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah A Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdifatah A Mohamed:

Shortcuts

Share