27/04/2026
๐จ๐ก๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ก๐ฎ๐พ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐๐ป๐๐ฎ ๐๐ฑ๐ฑ๐๐๐ป๐ธ๐ฎ (๐ช๐ผ๐ฟ๐น๐ฑ ๐๐ฒ๐๐ถ๐ด๐ป ๐๐ฎ๐)
Maanta oo kale, 27-ka Abriil, dunidu waxay u dabaaldegtaa Maalinta Naqshadeynta Adduunka. Naqshadeyntu waxay door weyn ka qaadataa horumarinta nolosha, xalinta dhibaatooyinka, iyo gudbinta fikrado hal-abuur leh. Waxay isku xirtaa fikir, qurux iyo shaqeyn si loo abuuro wax macno leh.
Naqshadeyntu waa laf-dhabarta hal-abuurka iyo horumarka. Waxay ka caawisaa ganacsiyada inay helaan xalal wax ku ool ah, isla markaana abuuraan fikrado cusub oo wax tar leh. Sidoo kale, waxay muhiim u tahay isgaarsiinta, suuq-geynta, iyo horumarinta adeegyada casriga ah.
Deero Advert, waxaan aaminsanahay in design-ku yahay furaha isku xira fikradaha, riyooyinka iyo xaqiiqada. Waxaan diyaar u nahay inaan aragtidaada u beddelno naqshad macno leh oo saameyn leh. Waxaan bixinaa adeegyo naqshadeed iyo kuwo dijitaal ah sida creative, marketing, web, iyo video. Waxaan aaminsanahay in design-ku yahay isha kobcisa aragtiyo cusub oo miro-dhal ah.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa waxdeenna naqshadeynta iyo hal-abuurka dadaalkooda joogtada ah, iyo sida ay bulshadeenna ugu haqabtirayaan baahiyahooda. Markale, ๐๐จ hambalyo dhammaan naqshadeeyayaasha Soomaaliyeed.