Mahad haaji Maxamed

Mahad haaji Maxamed iigu imaaw design qurux badan OO Tayo sare leh
Soo dalbo design aan kuu hagaajiyee

25/09/2025

Trump, ayaa isagoo Aqalka Cad warbaahinta kula hadlaya wuxuu dhaleeceeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo muddo xileedkiisa labaad uu soo celiyay dhaleeceynteeda, wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay haddii uu Ilhaan Cumar, ka ka-xakeyn karo Mareykanka oo Soomaaliya dib loogu celin karo, isagoo hadalkan sheegaya wuxuu yiri; “ Waxaan la kulmay madaxa Soomaaliya, (dabcan Madaxweyne Xasan) waxaan usoo jeediyay surtagalnimada in Ilhaan Cumar uu ka xakeyn karo halkan, wuu diiday oo wuxuu igu jawaabay inuusan rabin.”

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro oo khudbad ka jeediyey Qaramada Midoobay , wuxuu yiri ; “Dunidda waxaa looga baahan...
24/09/2025

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro oo khudbad ka jeediyey Qaramada Midoobay , wuxuu yiri ; “Dunidda waxaa looga baahanyahay inay caddeyso haddii ay taageerrayaan ama ay diidanyihiin ilaalinta shacabka aan hubaysnayn ee lagu xasuuqayo Qasa…. taariikhda waxay qori doontaa codadka taageerray xasuuqa iyo kuwa ficilka u sameynaya si loo joojiyo.”

Hadal miisaan leh kim jong un " Markaan go'aansanay samaynta hub nukleer ah arrinku ma ahan doorasho ama iska samayso , ...
23/09/2025

Hadal miisaan leh kim jong un " Markaan go'aansanay samaynta hub nukleer ah arrinku ma ahan doorasho ama iska samayso , waxaa na horyaallay helitaanka hub nukleer ah oo ka dhigan umadeena in ay sii jirto iyo in aanan samaysanin oo aan ku waabariisano duqaynta maraykanka , waxaan ku noolnahay caalam hadaadan awood lahayn madaxa lagaaga istaagaayo maanta umadeena cid ku dhiirran karto malahn "

Miya laga damiyay Erdogan makarafoonka? Madaxweynaha Turkiga , Erdogan iyo madaxweynaha dalka Indonesia,Prabowo Subianto...
22/09/2025

Miya laga damiyay Erdogan makarafoonka?

Madaxweynaha Turkiga , Erdogan iyo
madaxweynaha dalka Indonesia,Prabowo Subianto ayaa laga damiyay makarafoonka inta ay ku jireen hadal jeedintooda shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, taa oo markiiba loo qaatay faragelin ama inay Israa|l jebisay nidaamka cod baahiyaha xarunata Qaramada Midoobay oo inta badan hoggaamiyeyaasha ay dalbanayeen in la joojiyo dagaalka Qasa.

Balse, faahfaahin uu soo bandhigay xafiiska warbaahinta madaxweynaha Turkiga , ayaa lagu xaqiijiyay inaysan dhicin wax faragelin ah ama cilad, balse khudbada Erdogan iyo Subianto, labadaba waxay qaadatay waqtiga ka badan muddada loo qoondeeyay oo ahayd 5 daqiiqo, taa oo keentay si loo xasuusiyo waqtigooda inuu dhammaaday in laga damiyo makarafoonka oo dib loo furay si ay khudbada u gabagabeeyaan.

Xarunta golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa ka jira sharci ah dalalka waa weyn oo Turkiga iyo Indonesia ay ku jiraan , waxaa loo oggolanyahay inay khudbadooda ku soo koobaan muddo shan daqiiqo ah , wax loogu darayana ma jirto halka dalalka kale hoggaamiyeyaashooda ay khudbada jeedinayaan kaliya saddex daqiiqo, haddii ay intaa ka badsadaan waxaa la damiyaa makarafoonka sida caawa dhacday!

Garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Denmark ee ku yaalla Copenhagen , ayaa la joojiyay duulimaadyadii imaan lahaa iyo ku...
22/09/2025

Garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Denmark ee ku yaalla Copenhagen , ayaa la joojiyay duulimaadyadii imaan lahaa iyo kuwa ka kacaya, kaddib markii la arkay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ku duulaysa hawada garoonka , taa oo dhalisay feejignaan amni.

Iiraan ayaa markii u horreysay Ruushka ka iibisay matoorada casriga ah ee ku shaqeeya gaaska , kuwaasoo loo adeegsado di...
22/09/2025

Iiraan ayaa markii u horreysay Ruushka ka iibisay matoorada casriga ah ee ku shaqeeya gaaska , kuwaasoo loo adeegsado diyaaradaha , maraakiibta dagaalka iyo warshadaha , tallaabadan oo la sheegay inay dhabar jebinayso suuqa balaayiinta dollar ee shirkadaha reer galbeedka ee Siemens iyo Rolls Royce ay ku soo saari jireen matooradan. Dalalka bariga ayaa ku dhib qabay cunaqabateynta ay kala kulmi jireen matooradan, balse soo saarista Iiraan ayaa faa’iido u leh , waxayna helayaan iyagoon aan la kulmeyn wax cunaqabateyn ah.

Taariikhda alle ha u naxariistee Generaal Salaad Gabayre kadiye. Salaad Gabayre waxa uu ku dhashay Degmada Xarardheere s...
16/09/2025

Taariikhda alle ha u naxariistee Generaal Salaad Gabayre kadiye.

Salaad Gabayre waxa uu ku dhashay Degmada Xarardheere sanadkii 1933 .

Salaad Gabayre Kadiye waxa uu ahaa Soomaali ka tirsanaan jiray Militarigii waddankiisa intii u dhaxeysay 1950-nadii ilaa 1970-nadii.

Waxa uu ahaa xirfadle aad loogu tababaray ciidannimo, gaar ahaan xeeladaha militariga.
Frunze Academy oo ahaa dugsi ciidan oo ku yaala magaalada Mosco dalka Ruushka ayuu Salaad Gabeyre kusoo qaatay tababar ciidan. 14 sarkaal oo ugu h**eeyay oo tababar Militari loogu qaado Taliyaaniga ayuu ka mid ahaa 1950-aadkii. Bilado aqoonsiya oo uu xirfad wanaagiisa ciidanimo ku qaatay ayuu ka helay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA).

Afgambigii Militari ee uu Soomaaliya uga noqday madaxweyne Generaal Maxamed Siyaad Barre ayuu ahaa ninka abaabulay qorshaha afgambiga.
Waana tan keenta in loogu yeero Aabihii Kacaanka 21-ka October, kaasoo markii dambe ay dad badan u qaateen inuu ahaa Maxamed Siyaad Barre ninka saxda ah ee ahaa Aabihii Kacaanka 21-ka October ee sanadkii 1969-kii.

Generaal Salaad Gabayre Kediye waxa uu ka mid noqday koox uu Madaxweynihii Militariga ahaa, Maxamed Siyaad Barre, ku eedeeyay “Isku Day Afgambi” 2 sano waxaan ka badneen kadib la wareegitaankiisii hogaanka Soomaaliya.

Taas waxa ay keentay In Salaad Gabeyre Kediye la xiro, laguna xakumo dil toogasho ah isaga iyo rag kale oo iyana lagu eedeeyay in wax kala maleegayeen afgambigaas.
Waxbarashada

1954-kii ayuu tababar ciidan kusoo qaatay dalka Taliyaaniga, halkaas oo loola qaaday 14 sarkaal oo kale, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Generaal Jaamac aw Muuse samatar .

1956-kii waxa uu tabar kale oo ciidan u tagay dalka Ruushka, halkaasoo markii uu kasoo noqday kadibna la dalacsiiyay yacni Waaya-aragnimada iyo Shaqada .

1954-kii waxa uu tababar ciidan kusoo qaatay dalka Taliyaaniga, halkaasoo markii uu kasoo laabtay uu door firfircoon ka qaatay shaqadii Militariga Soomaaliya.

1964-kii waxa uu hogaamiyay dagaal Militariga Ethiopia looga saaray Tog Wajaale, oo ay qabsadeen.

1969-kii Waxa uu hogaamiyay Afgambigii Militari ee uu ciidanku ku qabsaday Soomaaliya 21-kii October ee sanadkaas.

Dhimashadii Gabeyre
Salaad Gabayre Kediye July 1972-kii ayuu Taliskii Militariga ahaa ee Soomaaliya toogtay, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu wax ka maleegayay Afgambi ay dowladdii xiligaas sheegtay in looga maroogsan rabay xukunka. Taas waxa ay keentay in Generaal Salaad Gabayre Kediye halkaasna lagu soo afjaray noloshiisii oo dhan. Markii la dilay Salaad Gabayre waxaa la xiray xubno badan oo reerkiisa ka tirsan, hanti ay reer Gabayre lahaayeena qaasatan Guri uu lahaa dowladda ayaa la wareegtay kadibna Salaad Gabayre waxaa lagu Toogtay Fagaaraha Iskul Buluzia .
Salaad Gabayre Dilkiisa ayay dad badan qabaan in ay u sahashay inuu Maxamed Siyaad Barre 19 sano oo kale sii maamulo Soomaaliya, oo laga si weyn looga baqo.

Taariikh nololeedkii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax Xussein Kulmiye Afrax waxuu ku dhashay Degmada Ceeldheer Gobolka Galgu...
12/09/2025

Taariikh nololeedkii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax

Xussein Kulmiye Afrax waxuu ku dhashay Degmada Ceeldheer Gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1920kii, wuxuuna ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah. Intii uusan agaarin da'da 10 jir ayay labadiisii waalid dhinteen, hooyadiisna waxaa lagu magacaabi jiray Cawrala Calasow Max'ed.

Sanadkii1938kii ayey aheyd markii uu dhammeystay waxbarashadii ugu heer sarreysay ee loo oggolaa dadka Soomaalida waqtigaas. Bishii August sanadkii 1943 ayuu ku biiray ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee berigaasi jiray, wuxuuna markiiba galay tababat ku saabsan afka Ingiriiska dugisgii tababarka ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1944kiiwuxuu ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee tababar dibedda ah loo qaado, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi, wuxuuna markii uu ku soo noqday Muqdisho uu noqay macallin tababar ka bixiya dugsiga boliiska u qaabilsanaa boliiska, halkaas oo uu ka shaqeynayay illaa sanadkii 1946dii, kuna gaaray derajada kormeere 1aad.

Sanadihii 1947dii–1948dii waxaa uu taliye ka ahaa saldhigga boliiska ee degmada Afrgooye, halkaas oo uu ku qaatay derajada kormeere 2aad. Sanadkii 1951diiwuxuu u dallacay derajada kormeere 3aad.



Sanadihii1952dii–1953dii waxaa uu tababar salkaalnimo ku qaatay dalka Talyaaniga Xussein Kulmiye Afrax waxaa uu intii uu hayay shaqada boliiska ku qornaa xisbigii gabannimadoonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii tababarrada qarsoodiga ahaa siin jiray xubnaha naadigaasi

Sanadkii 1954kii,ka dib markii uu soo dhammeystay tababarkii uu ku soo qaatay dalka Talyaaniga waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliyihii ciidanka boliiska ee magaalada Baledweyne halkaas oo uu taliye ka ahaa illaa Sanadkii 1956kii.

Sanadihii 1956dii–1960kii wuxuu jagooyin kala geddisan ka soo qabtay dhammaan xafiisyadii xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku gaaray darejada Gaashaanle.

Sanadkii 1960kmarkii ay Soomaliya qaadatay wuxuu u dallacay darejada G/Sare, wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay xarunta dhexe ee ciidankii boliiska Soomaaliyeed Sanadkii 1968kii wuxuu u dallacay Darejada S/Guuto wuxuuna noqday taliye ku xigeenkii ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

S/Guuto Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa saraakiil ka kala socotay qeybaha ciidamada Soomaaliyee ee afgembiga kula wareegay taladii dalka 21kii bishii Oktoobar sanadkii 1969kii, wuxuuna taliye ku xigeennimadii ciidanka boliiska Soomaaliyeed sii hayay

Sanadkii markuu ahaa 1970kii, ka dibna wuxuu u dallacay Darejada S/Gaas waxaana loo magacaabay in uu noqdo wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii ay hoggaaminayeen ciidamadu.

Muddadii uu hayay xilka wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu ku dadaalay sidii wasaaraddaasi looga badeli lahaa wejigii gumeysiga kaga tagay, siyaasad ahaanna loo soo nooleyn lahaa howshii wasaaraddaasi.

Kacaankii wuxuu mideeyay maamulkii dowladaha hoose & degmooyinkaba, waxaana dadweynuhu ugu qeyb galeen talada dalka isla markaana la meel mariyay fidinta maamulka dalka iyadoo uu S/Gaas Xussein Kulmiyelahaa habeynta & iskudabaridka howlahaasi.

Waxaa heer sare la gaarsiiyay garaadka siyaasiga ee ururrada bulshada iyadoo is raaceen maamulkii & dadweynihii aan h**e isu heysan, waxaana meesha ka baxay kala irdhowgii, nabad la’aantii & jeesjeesnimadii.

Waxaa bilowday bilowday mudddii uu Xussein Kulmiye howlwadeenka ka ahaa wasaaraddii arrimaha gudaha, waxayna gobollada & degmooyinka Soomaaliya oo dhan atarsan u galeen barnaamijkii la oran jiray "Iskaa wax u qabso”, waxaa la qaaday tallabooyin ay ka mid ahaayeen dhismeyaasha;-

1.Dugsiyo. 2. Isbitaallo. 3. Goleyaal hanuunin.

4. Ceelal. 5. Xafiisyo. 6. Guryo.

7. Beero. 8. Beero. 9. Koronto.

10. Waddooyin. 11. Iskaashatooyin.

Taas oo dhalisay in ay kororto miisaaniyaddii degmooyinka iyadoo awood buuxda loo siiyay degmooyinkaasi in ay isticmaalaan dakhligooda sida ugu habboon ee waxtar ugu leh.

Sanadkii 1971dii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax waxaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya Sanadkii 1974tii S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu noqday guddoomiyihii guddiga dhaqaalaha ee Golihii Sare ee Kacaanka.

S/Gaas Xussein Kulmiye Afrax wuxuu ka mid ahaa xubnihii Golaha Sare Kacaanka isla markaana hayay jagada madaxweyne ku xigeenkiii 1aad ee Soomaaliya illaa laga soo Gaaro Dhismihii xisbigii Hantiwaadagga Kacaanka Soomaaliyeed sanadkii 1976kii, waqtigaas oo uu jagadii uu hayay loo magacaabay S/Guud Max’ed Cali samatarisna waxaa lloo magcaabay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenkii 2aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Sanadihii xigay wuxuu wasiir ka noqday wasaaradihii Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Gudaha, wuxuuna Sanadkii 1989kii Loo doortay inuu noqdoGuddoomiyihii Golihii Shacbiga Qaranka ee Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay ilaa laga soo gaaray 26kii bishii January sanadkii 1991diiwaqtigaas oo ku began markii la riday xukuumaddii militeriga aheyd Allaha u naxariistee S/Gaas Xussein Kulmiye Afraxwuxuu ku geeriyooday Dalka Mareykanka Sanadkii 1993dii waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho

Diblomaasiyada Iyo Hab-maamuuska madaxda DunidaMarka laga hadlaayo booqashooyinka madaxda dunida kutagaan qaran kale ama...
08/09/2025

Diblomaasiyada Iyo Hab-maamuuska madaxda Dunida
Marka laga hadlaayo booqashooyinka madaxda dunida kutagaan qaran kale ama dal kale Iyo sida Hab-maamuus ahaan loo soo dhaweynaayo waa kala duwanyihiin farqi aad usareeya ayaana udhaxeeya. Badi Soomaalida Waxey arkaan madax isbooqatay balse farqiga Iyo noocyada badan ee la isku booqdo ayaan rabaaa inaan si kooban usoo bandhigo anigoo qoraalka idinku dheereen.
Booqashooyinka Madaxda Dunida waxey ukala baxaan:
1- Booqasho Heer Qaran (state visit)
2- Booqasho Rasmi ah (Official Visit)
3- Booqasho Shaqo (Working Visit)
4- Booqasho gaar ah (Private Visit)
5- Booqasho ku hakasho (Transit Visit)
6- Booqasho Cilad sababtay (Visit due to technical reason)
Intaa nooc oo ay madaxda aduunka isku booqdaan, nooca ay booqashadu asal ahaan aheyd ayey ku xirantahay sida Hab-maamuus ahaan loo soo dhaweynaayo Iyo cidda madaarka kusoo dhaweyneesa. Mararka qaar waa jiraan waxyaabo kale oo dheeri ah oo la isku sameeyo waxey na kuxirantahay xiriirka dowladaha Iyo sida labada xafiis ee Hab-maamuus ka qaran uga sii heshiiyaan kahor socdaalka madaxda qaramada.
Mahad haaji Maxamed muomin

‎Dhul beereedka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 8.5 milyan oo hiktar misna ku haboon in lagu beero dhamaan da...
08/09/2025

‎Dhul beereedka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 8.5 milyan oo hiktar misna ku haboon in lagu beero dhamaan dalagyada kala duwan.

‎Hadaba haddii Soomaaliya 50% dhul beereedkeeda ay howlgeliso:

‎• Waxay ka sameyn kartaa in ka badan $3.5 - $4 bilyan oo faa’iido saafi ah sanadkii.

‎• Waxay shaqo abuur u noqon kartaa
‎3–6 milyan oo qof, taas oo hoos u dhigi lahayd shaqo la’aanta iyo saboolnimada.

‎Tusaale kooban;

‎Waxaan tusaale u soo qaadaneynaa dalagyada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ku habboon:

‎1. Galley & Sarreen: celcelis ahaan hektarkii wuxuu soo saari karaa $800 - $1,200 qiime suuqa ah.

‎2. Khudaar & miro (basal, yaanyo, qare, muus, iwm) : celcelis hektarkii wuxuu soo saari karaaa $2,500 - $4,000.

‎3. Sisinta & digirta : $1,000 - $1,800 hektarkii.


‎📚 The World Bank/FAO


‎* Ogoow miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanad laha ah waa $1.34 bilyan oo 69% ay beesha caalamka bixiso ama lacag ahaan ( $903 milyan ).

‎Soo koobid; In waxaan dhameyn Hal bilyan iyo bar lagaa bixiyo kala bar ka badan adigoo heli kara sadex bilyan iyo bar aad adigu leedahay ayaa ka wanaagsan 100%.

Mahad Haji Mohamed moumin

🚨Squadka Ciyaaryahanada Barca ee seasonkan Champion league uga qayb galaaya:🧤Goalkeepers:1. Marc André ter Stegen.13. Jo...
03/09/2025

🚨Squadka Ciyaaryahanada Barca ee seasonkan Champion league uga qayb galaaya:

🧤Goalkeepers:
1. Marc André ter Stegen.
13. Joan García.
25. Wojciech Szczesny.

💪🏻Defenders
3. Alejandro Balde.
4. Ronald Araujo.
5. Pau Cubarsí.
15. Andreas Christensen.
18. Gerard Martín.
23. Jules Koundé.
24. Eric García.

🧠Midfielders
6. Gavi.
8. Pedri.
16. Fermín López.
17. Marc Casadó.
20. Dani Olmo.
21. Frenkie de Jong.
22. Marc Bernal.

⚽️Attackers
7. Ferran Torres.
9. Robert Lewandowski.
10. Lamine Yamal.
11. Raphinha.
14. Marcus Rashford.
28. Roony Bardghji.

Address

Mogadishu

Telephone

+252612969045

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad haaji Maxamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share