29/05/2024
Akhriska iyo Adduunka ganacsiga
Ma rumeysaneysaa in 85% milyaneerada iyo bilyaneerrada Adduunka ay yihiin jiilkii kowaad (first-generation) ,halka15% kaliya ay yihiin kuwa hantidaas ku helay hab dhaxal ah (inheritance way). Haddaba waxaa maalqabeenadaas lawaydiiyay sideed ku gaarteen guulo dhaqaale oo intaas leβeg waliba mudo yar gudaheed? waxayna jawaabtu noqotay in ay akhriyaan buugaagta.
Su'aashu waxaa weeye imisa buug ayay akhriyaan? Qiyaastii 50 buug ayay sanadkii akhriyaan, Tasoo macnaheedu yahay in todobaadkiiba ay akhriyaan 1 buug. Sidoo kale Waxa la waydiiyay buugaag noocee ah ayaad akhrisaan? Waxayna yiraahdeen "waxaan akhrinaa buugagta naf dhiska ah (self-help books). Waa maxay sababta ayaa la weydiiyay. Waxeyna ku jawaabeen. "waxay buugaagtaas kuu qaabaynayaan inaad noqoto qof ka horumarsan qofkii uu shalay ahaa ,sidoo kale waxaad ka heli kartaa hal fikrad oo wanaagsan oo qiimaheedu yahay hal milyan oo dollar ama fikrad qiimo wayn kuu soo saari karaysa markii la maalgaliyo.
Su'aashuse waxay tahay, imisa fikradood ayaan u baahanahay, si aan nolosha ugu guulaysano. Dabcan waa inaan fikrado ama hal fikrad oo dahabi ah helno taasoo fursad fiican ina siin karaysa.
Soo Taasi ku tusinmeyso inuu jiro xiriir Qoto dheer oo ka dhaxeeya barashada iyo kasbashada maaliyadeed. dabcan haa oo waa tii oraahdii Elon musk ahayd "Learn more, Earn more" Wax badan baro, wax badan kasbo.
Xiriirka akhriska iyo horumarka ka dhaxeeya ee dhanka hal-abuurka ganacsi waxaa tusaale qadiimi ah iyo mid casri ahba u ah oo dhiiragalin inoogu filan madax weynta ganacsiyada guuleystay ee Warren Buffett iyo Elon musk . Tusaale ninka lagu naaneyso aabbaha samafalka casriga ah( father of modern philanthropy) waa Buffet' e wuxuu ka hor da'diisii labaatanka ama inta uusan ganacsiga guulo waa wayn ka gaarin uu akhriyay 50kii buug ee ugu fiicnaa majaalka ganacsiga , halka elon musk uu fikradaha shirkadihiisii guulaystay kasoo helay bad weynta akhriska.
Ugu dambeyn: Wax badan akhri si aad wax badan u kasbato oo fahanka adduun aragaagu uu u balaarato, waa tii uu garyaqaankii jaynaska ahaa lahaa "reading increases the level of personal understanding". akhrisku waxa uu siyaadiyaa heerka fahamka qofka.