Banadir Cable Tv

Banadir Cable Tv Banadir Cable Tv waxuu dunida u soo bandhigayaa sawirka qurxoon ee dalka

25/12/2023

Muwaadin haddii aad cabasho ka qabto hanaanka waajib gudashada Ciidanka NISA ama aad heyso xog amni, fadlan la xariir Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee NISA oo aad ka waci karto adeega 199.

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 18/11/2023 magacaabay guddiga saax...
24/12/2023

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 18/11/2023 magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Isutaga imaaraadka Carabta, waxaana xubnaha guddigu ay 26/11/2023 guddoomiye u doorteen xildhibaan Mustaf Sh. Cali Dhuxulow.

Maanta oo maalintii la magacaabay laga joogo 36 maalmood waxaa la daah-furay xafiiska guddiga, waxaana dardar ku socda shaqada guddiga loo xil-saaray.

Guddigaan sida dardarta leh u shaqo galay ayaa lala magacaabay guddiyada saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha iyo Ciraaq, sidoo kale waxaa jira guddiyo kale oo xillilaya kala duwan la magacaabay, qaarkoodna magacaabistooda waqti dheer ayaa laga joogaa.

06/06/2021

Qaar kamid ah qurbajoogta Beesha Murusade ayaa 5 neef oo geel ah oo ay ku dhiirri gelinayaan Ciidamada amniga iyo howsha ay ka wadaan Degmada.

29/03/2021

Musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay kulan Midowga Musharaxiinta iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ku dhexmaray Hotel Jazeera. Is-aragan waxaa lagu xoojinayaa cadaadiska lagu doonayo in dalka dalka ka dhacdo doorasho hufan.

20/03/2021

yaa ka mas’uul ah weerarkii 19ka February?

11/03/2021

Xasan Cali Khayre: Waxaan maanta gurigooda ugu tegay qoyska Alle ha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed si aan uga tacsiyeeyo geerida naxdinta leh, quluubteenana taabatay ee ku timid Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo shaley ku geeriyooday magaalada Nairobi. Madaxweynuhu waxuu ka baxay dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maalinta jimcaha ah la hadlaya 5000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo kala j...
03/03/2021

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maalinta jimcaha ah la hadlaya 5000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo kala jooga daafaha caalamka.

Si aad uga qeyb gasho madasha ku dhufo
Linkigaan: https://t.co/ACEvEsrJn4, App Store-kana kasoo degsato Application-ka

21/02/2021

Farmaajo oo lagu sheegay madaxweynihii igu liitay ee dalka loo doorto. Daawo 10 astaamood oo lagu soo koobay xumaantiisa

21/02/2021

Midawga musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka ay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal, waxayna intaa ku dareen in hadii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Warqaddooda ayey ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.

Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole kumeelgaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka.

“Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku majaxaabiyo dimuqraadiyadda, una adeegsado xoogag milatari si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, sidoo kalana ay Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. Ficiladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in Farmaajo uu Muqdisho ku aruursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.

Midawga Murashixiinta ayaa si xushmad leh uga codsanay golaha Amniga inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.

Waxay amaaneen go'aanka beesha caalamka ay sanadadaha badan ku waday siyaasadaha sii xoojinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, inkasta oo ay tilmaameen dhibaatooyinkii dhawaanahaan dhacayay ay wiiqayaan dadaalladaas. Ficillada maamulka waqtigiisu dhmaadaya ayey sheegeen inay kiciyeen khilaafaadka qabiilka, qalqal geliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladeed ee kale ee jilicsan, ayna dhiirri galiyeen kooxaha argagaxisada sida Al Shabaab oo doonaya inay ka faa’iideystaan xasilooni darrada. Waxayan rajeeyeen go'aan degdeg ah oo Golaha Amaanku qaato, uu dhabbaha u xaarayo doorashooyinka dimoqoraadiyadda ee soo socda.

Qoraalka loo diray Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha, Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arimaha Dibadda iyo Siyaasada Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga, Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC, Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.

07/02/2021

Soomaaliya ayaa kaalinta 34-aad ka gashay kala horreynta awoodda ciidamada ee qaaradda Afrika. Khayre ayaa intii uu xafiiska joogay dadaal dheer ku bixiyay dib u soo nooleynta libaaxyadii Afrika

28/01/2021

Gaadiid leh qaboojiyaal oo qorshuhu yahay in kalluunka looga soo daabulo xeebaha fog, magaalooyinkana si dhaqsa ah loogu gaarsiiyo ayaa maanta lagu wareejiyay dowladda FS oo ay u guddoontay wasaaradda kalluumeysiga dalka. Gaadiidka oo ay bixiyeen midawga Yurub iyo FAO Somalia ayaa loo qeybinayaa dowlad gobaleedyada. Shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha ayey muhiim u yihiin gaadiidku

25/01/2021

Xasan Khayre waxaa u buuxsantahay lix bilood oo bannaanka uu talada ka joogo, wax badan oo uu ka digayayna wali waa taaganyihiin, maxay kula tahay inay gadaashii hallaaween, maxaase qabsoomay

Address

Howl-wadag District
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banadir Cable Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Banadir Cable Tv:

Share