10/05/2025
Roobabkii Culus ee Lama Filaanka Ahaa ee Sababay Fatahaadda Muqdisho
9-kii May 2025, magaalada Muqdisho waxaa ku dhuftay roob aad u xooggan oo socday muddo 6 ilaa 7 saacadood, iyadoo roobkaasi lagu qiyaasay 95mm ilaa 120mm. Tani waxay sababtay fatahaad ba’an oo saameysay qaybo badan oo magaalada ah.
Roobkaasi wuxuu ka badnaa celceliska caadiga ah ee bisha May oo dhan roobki Guga ee da,i lahaa, taasoo tilmaamaysa dhacdo cimilo oo aan caadi ahayn.
Roobkaa waxuu galaaftay naf iyo maal intuba waxaa ku dhintay inka badan 11 ruux waxaa hoy la,aan noqday inka badan 200 oo qooys waxaana ku dumay ugu yaraan 9 gaal guri waxaana ku bur burtay 6 wado Roobkaa waxuu si cad u qeexayaa dhacdooyinka isbadalka cimilada ay ku yesheen gudaha somaliya waxaan ka war qabnaa in sanad kasta ay fatahado ka dhacaan dhulalka uu maro wabiga sida Beledweyne oo kale.
Waxaan noqonay kuwa udhaxeeya abaaro sababay roobab la,aan iyo fatahaado sababeen roobabkii la filayay in lagu doogsan doono
Soo lama orankaro waxaa nahay 2 dhib udhaxeyayaal? oo haduu roob da,ana waa dhibaato fatahado Keenan, haduuna da,ina waa abaaro iyo qaleel
Maxaa inoo xal ah? maxaysa tahay sidaan ula jaan qadi karno isbadlka cimilada ee ku yimid koonkan eeynu ku nool nahay?