04/08/2022
HAMBALYO IYO BOOGAADIN OO U HEERKEDU SAREEYO.
Qalinjabiyaashii h**e ee Banaadir University oo haatan qar ka mid ah yihiin Mas'uuliyiin Xilal sar-sarre oo kala duwan ka haya Xukuumada iyo Baarlamaaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la sheen Madaxda, Maamulka iyo Macalinta wax ka dhiga Jaamacadaasi.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho sacaadihii la soo dhaafay waxa ay si gaar ah ee kaga arrinsaneen mas'uuliyiintan doorka kaga aadan Qalinjabiyaasha Jamacada Banaadir madaama ee ka aflaxeen kal h**e, waxuuna muhiimadiisu ahaa xoojinta xariirkaasi qoto dheer in la joogteeyo si sarre loogu qaado hormarinta tayada waxbarashada isla markaasina talooyinka iyo tusaalayasha ee bixinayaan in ay dhiiragalin iyo kudayasho wanaagsan ee u noqoto Ardayda iminka wax ka barta Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir maamulka Sarre iyo Ardayda ayaa sidiisan ula wadaagay hambalyo iyo Boogaadin ku aadan xilalka loo magacaabay Wasiiraka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS Dr Ali Haji Adam iyo Wasiir ku xigeenka isla wasaaradaasi Dr Mohamed Hasan Mohame Bulaale in uu Alle la garab galo kuna guuleeyo mas'uuliyadaasi loo igmay in ay ugu adeegan Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka De Martino Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Dr Jalaaludiin ayaa guul iyo hormar u rajeeyay Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda waxaa si wada jir ah ee isla garteen in sarre loo qaado diyaar garowga munaasabada ku aadan 20 sanno guuradii ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Jaamacada Banaadir isla markaasina ee ka duwanaan doonto sanadihii h**e Taariikhduna ay ka turjumayso waxqabadkii Jaamacada oo iminka muuqda.