Sahan Radio & TV

Sahan Radio & TV Sahan Radio and TV are subsidiary companies of Sahan Media.

11/07/2026
30/06/2026

1-da Luulyo 1960 waa maalinta ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur si ay u dhistaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhacdadan ayaa soo gabagabeysay halgan dheer oo lagula jiray gumeystihii reer Yurub ee xukumayay Soomaaliya.

lix bilood ka dib markii xoriyadda la qaatay waxaa soo baxay Xeer aasaas u ahaa midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Midnimada Somaliya Wuxuu ku dhisan yahay xeer lambar 5 oo soo baxay 31-dii bishii Jannaayo sannadkii 1961, lix bilood kaddibna si sharci ah ayuu u dhacay midnimada Soomaaliya. Qodobkiisa 1-aad wuxuu tilmaamayaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya caasimadduna ay tahay Muqdisho xeerkaas waxaa aasaas iyo asal u ah midnimada Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Xeerkii qeexayay midnimada Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ansixiyay baarlamaankii labada dhinac,

Maxaa ku qoran xeerka midnimada, xeerkaas oo ka koobnaa illaa 10 qodob ayaa sharraxaad ka bixinayay dhaqan gelinta israaca Koonfurta iyo Waqooyiga markii xoriyadda la qaatay.

Xeerka Midnimada (Act of Union) wuxuu ahaa heshiiskii lagu midoobay labadii gobol ee waqooyi (British Somaliland) iyo koonfur (Italian Somaliland) sannadkii 1960. Sharcigan oo ka koobnaa qodobo aasaasi ah, wuxuu sharraxaad ka bixinayay nidaamka dawliga ah ee labada dhinac isugu biireen. [1, 2, 3, 4]

Qodobada ugu muhiimsan ee xeerkaasi waxaa ka mid ahaa:

1—Dhismaha Jamhuuriyadda: In la dhiso dawlad keliya oo la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliya, caasimaddeedana laga dhigo Muqdisho. [1, 2]
2—Baarlamaanka iyo Hay’adaha: In la isku daro xubnihii baarlamaanka ee labada dhinac iyo hay’adihii kala duwanaa ee fulinta iyo garsoorka. [1]
3—Dastuurka iyo Shuruucda: In Dastuurkii Koonfurta loo aqoonsado midka guud ee dalka, isla markaana sharciyadii kale ee ka shaqaynayay labada dhinac la isku dayo in la mideeyo. [1, 2]
4—Muwaadinimada: In dhammaan dadkii ku kala noolaa Waqooyiga iyo Koonfurta ay si otomaatig ah u noqdaan muwaadiniin Jamhuuriyadda Soomaaliya ah. [1, 2]
5—Lama-taabtaanka Midnimada: In midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay tahay arrin rasmi ah oo aan marnaba la beddeli karin. [1, 2]

Si loo dhammaystiro isku-darka shuruucda labada gobol, waxaa dowladdii xilligaas ay dhistay Guddi ka shaqeeya mideynta shuruucda maamulka, canshuuraha, iyo garsoorka labada dhinac. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dukumiintiga rasmiga ah waxaad ka akhrisan kartaa Union of Somaliland and Somalia Law No.1 of 1960 ama warbixinta lagu qoray Somaliland Law.

Maxaa ka jira in Cirro dhaqaale ka qaatay Dowladda Federaalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer la fariisat...
17/06/2026

Maxaa ka jira in Cirro dhaqaale ka qaatay Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer la fariisatay Cabdiraxmaan Cirro ka hor doorashadiisa. Waxa uu ka qaatay dhaqaale badan oo uu ku galay doorashada, isagoo u ballan qaaday in uu kala shaqeynayo midnimo, isla markaana haddii uu xafiis tago la dhameynayo wax walba oo khilaaf ah.

Markii uu guuleystay, waxa uu u sheegay in aan si degdeg ah loo aqoonsan Waqooyi Bari, iyo in la sii daayo maxaabiista, sidoo kalena la fasaxo mashaariic loo qorsheeyay Somaliland. Cirro wuxuu dowladda Federaalka u sheegay in uusan diidanayn midnimo, balse shacabka ay ku adag tahay in hal mar loo sheego midnimo, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo wax kasta oo bulshada Somaliland lagu soo jiidan karo, si horumar tartiib tartiib ah loo gaaro.

Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday oo dooda ku jiray waxaa ka mid eheed in Somaliland qaab Confederal ah ahaanayso ilaa Somalia dowlad dalka hanata ka hanaqaadayso.

Iyadoo arrimuhu halkaas marayaan, madaxweyne Cirro ayaa safar ku tegay Imaaraadka, ka dibna waxa uu la soo laabtay mowqif adag, isagoo diiday wax is faham cusub. Dowladda ayaa markaas arrinta u gudbisay Jabuuti, halkaas oo lagu casuumay Cirro, balse waxa uu ku adkeystay mowqifkiisii h**e.

Dowladda Federaalka ayaa markaas isku dayday cadaadis siyaasadeed, iyadoo adeegsatay arrimo ay ka mid yihiin e-visa iyo xannibaado yar yar, isla markaana ay qorsheysay in ay saameyso duulimaadyada qaar iyo Dekedda Berbera, iyo sidoo kale dhoofinta xoolaha. Hase yeeshee, waxaa looga digay falcelinta shacabka ka imaan karta, waxaana dib looga noqday tallaabooyinkaas.

"Diyaaradaha in aan joojino maalin nagu qaadan mayso, Dekadaha Imaaraadku waxa ay ku doodeen waa shirkad ganacsi ma ahan siyaasad dowladu leedahay balse waa joojin karnaa dhoofinta iyo soo dajinta. Balse laba dhinac khilaafkoodu halkaas ma gaarin. Tilaabtii la qaado shacabka ayay toos u saamahnee mana rabno caro adag oo shacabka ka timaada."

Qofka aan xiganayno oo ka mid madaxda ugu saraysa ee dowladda ayaa intaas ku daray in aysan isku mar socon karin in madaxweyne Cirro cadaadis la saaro iyo in laga fogaado caro shacabka. Waxa uu sheegay in aan dowladu doonayn in ay Imaaraadka meel adag isla gaaraan kana fogaanayso halis kale balse Imaaraadku toos uga shaqeeyay in Somaliland Israel gaarto sidoo kale ay qayb ka ehayd MoUgii 2024.

"Imaaraadka hada wax badan ayay xeeriyaan noolama dhaqmaan sida ay Suudaan ay iskugu qaawiyeen oo kale. Tusaale hada Suudaan waa ay ka hor istaagaan shirarka Caalamiga ah waxa ayna dhahaan dowlad k**a jirto dalkaas ee madaxda RSF haka qaybgalaan shirarka. Hadana wali anaka mana dhahaan dalkas dowlad k**a jirto ee shirarka caalamiga ah Deni, Axmed Madoobe iyo Ciro haka qaybgalaan"

Muxuu doonayaa Imaaraadku?

Imaaraadku waxaa uu ka shaqeeyaa dhaqaalo iyo ganacsi waxa uuna qatar u arkaa Dekadaha bada Cas iyo kuwa kuwa u dhaw in ay halis ku yihiin ganacsigiisa iyo Dekadooda. "Waa noo gacan furnaayeen marka dhaqaalaha laga hadlaayo oo taageero xoogan ayaan ka helnay balse dowlada waxa ay ka jecel yihiin la macaamilka maamuladda".

"Hadii aad ogtihiin marka la gaaray wareegii 2aad doorashada 2022, waxa ay Xasan Sheekh, Khayre, Sheekh Shariif iyo CC Warsame ku cadaadiyeen dhisa Deni oo codkiina iskugu geeya: balse lama aqbalin midaas. Arrinta Cajiibka ah waxa ay eheed in markii Xasan la doortay isla markiiba ay u soo direen Casuumaadii 1aad.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii ku dhawaaqay in la dhameystiray heshiiskii Iran, wuxuuna sheegay inuu ...
15/06/2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii ku dhawaaqay in la dhameystiray heshiiskii Iran, wuxuuna sheegay inuu fasaxayo dib u furista marin biyoodka Hormuz iyo in meesha laga saaro go’doominta ciidamada badda Mareykanka.

“Heshiiska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran hadda wuu dhammaaday, hambalyo dhammaantiin!” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

"Waxaan halkan si buuxda u fasaxayaa in lacag-la'aanta lagu furo marin-biyoodka Hormuz, isla-markaana, waxaan oggolaaday in si degdeg ah meesha looga saaro xannibaadda ciidamada badda ee Mareykanka," ayuu raaciyay.

Trump ayaa sidoo kale tilmaamay dib u soo celinta taraafikada badda iyo shixnadaha tamarta iyada oo loo marayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah. Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan heshiiska iyo fulinta tallaabooyinka la qaaday.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay goor h**e oo isniin ah in Mareykanka iyo Iran ay gaareen heshiis nabadeed ka dib wadahadalo xooggan.

"Kadib wadahadallo xooggan, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in la gaaray heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran," ayuu Shariif ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X.

Waxa uu intaa ku daray in "labada dhinacba ay ku dhawaaqeen in si degdeg ah oo joogto ah loo joojinayo hawlgalada militari ee dhinac walba ah oo ay ku jirto Lubnaan."

Sida uu sheegay Shariif, xafladda saxiixa rasmiga ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 19-ka bishan June dalka Switzerland.

Diyaaraddii ugu horreysay ee Boeing E-7 Wedgetail ee digniinta h**e ee hawada la socota oo loogu talagalay adeegga Ciida...
23/05/2026

Diyaaraddii ugu horreysay ee Boeing E-7 Wedgetail ee digniinta h**e ee hawada la socota oo loogu talagalay adeegga Ciidanka Cirka ee Royal ayaa ku degtay xarunta ciidamada cirka Lossiemouth ee waqooyiga Scotland, iyada oo billaabaysa tijaabada u dambaysa ee ka hor inta aysan diyaaraddu si rasmi ah u gelin adeegga milatariga Ingiriiska.

Diyaaradan oo ku diwaan gashan WT00 waxa ay ka soo duushay xarunta STS Aviation Services ee Madaarka Birmingham, waxaanay ku soo degtay saldhiga ciidamada cirka ee Scotland.

E-7 Wedgetail ma aha naqshad ama diyaarad cusub, laakiin waa mid muhiim ah. Waxaa lagu dhisay Boeing 737, diyaaraddu waxaa ku rakiban radar Elektarooni ah oo Door muhiim ah leh. Dusha sare ee diyaaradda waxaa lagu rakibay rotodome gaar ah (Anteeno) oo ku yaal laf-dhabarkeeda xuubka. Waxay awood u leedahay inay si isku mar ah ula socoto boqolaal bartilmaameedyada hawada ah oo ay ku jiraan aagag ballaaran.

Diyaaraddu waxay isticmaashaa radarka MESA oo dabooli kara qaybo badan hal mar, taasoo siinaysa taliyeyaasha sawir-waqtiga dhabta ah iyo wax kasta oo ku jira gudaha xadka. Noocyo ka mid ah Diyaaraddann waxa ay lasoo shaqasay Ciidanka Cirka ee Australia tan iyo 2009, waxa ay sidoo kale hadda la shaqaysaa Jamhuuriyadda Kuuriya iyo ciidamada cirka ee Turkiga, taas oo siinaysa rikoor hawleed la xaqiijiyay oo ah in RAF ay dhaxli doonto diyaarad tayo leh.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan soo dhaweyno imaatinka diyaaradii ugu h**eysay ee Wedgetail ee RAF Lossiemouth si ay u sii wadato marxaladeeda Imtixaanka iyo Qiimeynta. Tani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarsiinayo jiilka soo socda ee Ciidanka Cirka ee Royal Air Force ee ilaalinta hawada iyo awoodaha xak**aynta kuwaas oo taageeri doona difaaca UK sanadaha soo socda.

Liibaan Axmad Xasan ayaa noqonaya Musharraxa Ururka JSP ku matali doona tartanka doorashada madaxweynaha maamul goboleed...
23/05/2026

Liibaan Axmad Xasan ayaa noqonaya Musharraxa Ururka JSP ku matali doona tartanka doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, sidaas waxaa laga soo xigtay fadhi xubnaha golaha fulintu JSP maanta ku yeeshay Muqdisho.

Musharrax Liibaan waa siyaasi iyo ganacsade si wayn looga yaqaan Soomaaliya, waxa uu waqti baddan ku bixiyay nabadaynta Soomaalida qaasatan dadka daga dawlad goboleedka Galmudug.

Musharrax Liibaan wuxuu si mug leh uga qayb qaatay taakulayntii dadkii ay abaaruhu saameeyeen, wuxuu sidoo kale qayb wayn ku leeyahay horumarinta iyo mashaariicsa ka socota Soomaaliya khaasatan dowlad goleedka Galmudug.

Waxaan ka rajaynaynaa in uu labalaabo waxqabadkii uu horay u muujiyay iyo in uu isbadalwayn ku soo kordhiyo Maamul-goboleedka Galmudug.

23/05/2026

Gabadha waardiyaha lagu dilay masaajidka San diego USA Amin Abdullah ayaa u xasuusanaysa inuu yahay "aabaha ugu fiican aduunka." Qoyska iyo xubnaha bulshada ayaa isugu soo baxay si ay u sharfaan Abdullah, kaas oo la dilay isaga oo ka hortagaya rag hubaysan intii uu socday weerarka masaajidka San Diego.

Laba nin oo hubeysan oo da’doodu u dhaxayso 17 iyo 18 ayaa weerar toogasho ah ku qaaday masaajidka magaalada San Diego ee koonfurta California, iyagoo dilay saddex nin ka dibna istoogtay.

Toogashadu waxay dhacday subaxnimadii Isniinta, laba saacadood kadib markii hooyada mid ka mid ah eedeesanayaasha ay booliiska wacday iyadoo u sheegtay in wiilkeedu isla soo baxsadeyn saaxiibkiis isla markaana ay uga shakisan tahay inuu irabo inuu isdilo.

Intii ay socday baadi-goobka wiilasha ayuu bilowday weerarka ka dhacay masaajikda, waxayna bannaanka h**e ee dhismaha ka heleen booliiska saddex qof oo dhaawacyo rasaas qaba.

Saraakiisha booliska ayaa gaari yaallay meel cabbaar u jirta masjidka ka helay eedeesanayaasha oo meyd ah, kuwaas oo da’ dooda lagu sheegay 17 iyo 18 sano.

Dadka dhintay waxaa ku jiray mid kamid ah waardiyeeyshii masjikda, kaas oo masuuliyiintu sheegeen inuu “door muhiim ah” ka qaatay sidii loo xak**ayn lahaa weerarka”.

Duqa magaalada San Diego Todd Gloria ayaa cambaareeyay toogashadii ka dhacday masaajidka ugu weyn magaalada San Diego, isagoo ku tilmaamay “fal uu ku dheehan yahay muslim nacayb.”

Hambalyo 15-ka May, Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo halgamayaashii geesiyada ahaa ee Ururka SYL oo horseeday xor...
15/05/2026

Hambalyo 15-ka May, Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo halgamayaashii geesiyada ahaa ee Ururka SYL oo horseeday xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Maalintani waa xusuus qaran oo dhiirrigelin u ah dhallinyarada maanta si ay dalkooda ugu adeegaan si waddaniyad, aqoon iyo horumar leh.

Sahan Media waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Address

Mogadishu
99

Opening Hours

09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahan Radio & TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category