22/07/2023
Ragga iyo Dumarka qaar si ay soo jiidasho u helaan darteedii waxaa ay maalgashi badan ku sameeyaan muuqaalka sare, Haddii aad qiimeyn dhexdhexaad ah ku sameyso 12 Bilood gudahoodii hal gabdh maalgashiga ay muuqaalkeedii sare ku sameysay, Xisaab Afar Number ka badan ayaa kuusoo bixi karto. (1###+). Dadkani waxaa ay rumeysan yihiin muuqaalka sare maalgashiga lagu sameeyo in uu qiimahoodii sare uu qaadi karo, (Mar ay ilko soo xirtaan, Mar ay Sanka soo dheeraystaan, Mar ay, Mar ay........) Fikirkani in ay qaataan aaminaada ugu wayn ee doorka ka qayb qaadaneyso waa kala soocid la'aanta waxa ay dadka Englishka ku hadlo dhahaan ''Herd mentality psychology''. (Psychology-ga, Dadka waxay sameynayaan ayaan kadaba sameynayaa).
Dadka oo dhan maadama ay jecel yihiin waxyaabaha iftiima ee soo jiidasha leh, Dadkani dusha sare maalgashiga ku sameeya, Qaladka ugu wayn halkani ayey ka galaan. Dhaqaale badan marka ay muuqaalkoodii sare ku bixinayaan, Dadka tirada badan ee ka heli doona, Ama hadal hayn doona ayey u maleyaan daliil muujineysa qiimahoodii in uu sare u kacayo. Nasiib daro dadkani badankoodii Xisaabta maadama aysan ku ficneyn qiimeyn kuma sameyn karaan, Waxaa ay dhaqaale-yahanadu dhahaan ''Input–Output model'' = Dhaqaalaha ku baxay muuqaalkaagii - (Laga jaray) - Dadka sidda wayn isbedelkani kadib ku daneeya qiimahoodii = Haddii dhaqaalaha kuugu baxay uuka bato dadkani ku xiiseynayo qiimahoodii, Sidda dhabta ah qofkaa wuu khasaaray. 😂
Sidda waxaa uu u shabahaa ''Qof suuqa lasoo fadhiistay jawaano yaanya ah ee 1,000$ kaga baxday maalgashigoodii, Balse qofkani u bilaabay calaa jawaan weliba 0,5$ Cent in uu iibiyo, Kolkaasina dadkii suuqa oo dhan qofkani dukaankiisa marka ay safaf dhaadheer usoo galeen iyaga oo dhahaya; Dukaankaaga waan ka helnay, Wallaahi adiga oo kale dadka haddi ay noqon lahaayeen iwm''. Sidda Tusaalahani dadka inta badan maalgashiga xagga muuqaalka ku sameeyana maadama ay ku qaldamayaan dadka tirada badan ee cilmu Nafsiga Herd mentality ku socda, Waxaa ay keenaysaa qofka khasaaro joogta ah oo bilaa faa'ido in uu noqdo.
Arrintani haddii LEVELKA guurka ama mustaqbal ay gudubto, Khasaare nooceedii aanan la arag ayaa ka dhalanaayo, Laakiin qoraalka oo dadka ku adag aawadeedii, Waa inoo Qoraal kale 😂
Si kooban ceeb ma aha in qofka maalgashi in uu ku sameeyo muuqaalka sare, Balse Maalgashiga sidda ganacsiga oo kale ee Faa'idada laga sugayo qaasatan midka casrigani jiro ayuu qoraalka uu ka hadlayaa.
Xigasho ustd