E-dalab online market

E-dalab online market Welcome

29/03/2021

Welcome

TAXANAHA  CAAFIMAADKA1. Difaaca jirkaagu in uu yaraaday calaamada ugu h**eysa ee aad ku ogaan karto waa hargab soo noqno...
04/02/2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA

1. Difaaca jirkaagu in uu yaraaday calaamada ugu h**eysa ee aad ku ogaan karto waa hargab soo noqnoqda. Si difaaca jirkaagu u siyaado, cudurada uga nabad gasho quraaco halka saac subaxnimo ka hor, quraacada oo la dahaiyo waa halis caafimaad

2. Biyo baxa dagdaga ah marka aad isku aragto sida ugu fudud ee aad u joojin karto waa in aad joojisaa neeftuurka zaaidka ah sababtoo ah neefta xioga aad u tuurayso marka jamaaca aad samaynaysi waxay dhiiga ka saartaa xubinta, biya bax dagdaga ahna way keentaa

3. Cudur kasta wuxuu ka dhashaa hurdo yari ama dhafarka inuu kugu bato, waxa ugu badan ee qofka cimrigiisa soo dadajiya waxaa ka mid ah Stress-ka keeno, stressku xita cirro ayuu qofka kasoo saaraa wuxuuna qofka u ekeysiiyaa mid ka wayn ds'diisa.

4. Caruurta waxyaabaha ugu badan ee u keena dhimashada waxaa ugu h**eeya marada wajiga ka saarmaysa marka hooyadu ka dheerato, waalid ama walaal ka taxadar nolosha caruurta kana fogee bac iyo maro wax kasta oo cunugu soo qabsan karo

5. Caajiska iyo walwalka maskaxda sida ugu fiican ee qofku ku yarayn karo waa in uu sameeyo socod badan, fadhiga iyo jiifka badanna yareeyo, kalinimadu wuxu keentaa in qofku ka fakaro naftiisa kadibna isku buuqo

Hadii Aad Ka Faaiidaysatay, U Faaiidee Walaalaha Kale

Qodobkee Aad Kuu Saameeyay
Dr waahin sebriye

Taxanaha   CaafimaadkaHadii Astaamahan Aad Isku Aragto Sokorta/ Macaanka Ayaa Jirkaaga Ku Badanโ–กMarka Aad Dhamayso Akhri...
03/02/2021

Taxanaha Caafimaadka

Hadii Astaamahan Aad Isku Aragto Sokorta/ Macaanka Ayaa Jirkaaga Ku Badan

โ–กMarka Aad Dhamayso Akhrinta Dheh
Si Walaalaha kale Uga Faaidaystaan

1 Xusuusta
Waxyaabaha xusuusta yareeya sokorta iyo macaanka sababtoo ah sokortu waxay dhibaato aan caadi ahayn u gaystaa maskaxda, xididada iyo nerfayaasha

2 Hargabka
Waxyaabaha sababta u ah in Hargab kugu dhaco bishii dhowr mar waxaa ka mid ah sokorta waayo sokorta iyo macaanku waxay yarayaan awooda difaaca jirka

3 Dhaawacyada
Dhaawac, nabar ama boog in ay dhakhsi bogsan wayso waxyaabaha sababta u ah waxaa ka mid ah sokorta sababtoo ah sokortu waxay siyaadisaa caabuqa iyo infakshanka

4. Caloosha
Xeyrta Caloosha waxyaabaha sababta u ah waxaa ka mid ah isticmaalka sokorta iyo macaanka zaaidka ah. Inta badan dadka aadka u isticmaalka macaanka caloosha ayay u wayn yihiin, lugahana way u dhuuban yihiin

5. Daalka
Astaamaha dadka sokorta aadka u isticmaala lagu garto waxaa ka mid ah daal, hurdo iyo caajis inay dareemaan mar kasta oo ay wax cunaan sababto ah sokortu waxay khatar ku tahay xidida, murqaha iyo lafaha qofka

โ–กJooji ama Yaree Isticmaalka Sokorta iyo Waxyaabaha Macmacaanka Zaaidka Ah Si Aad Uga Caafimado Astaamaha Aan Soo Sheegnay

๐Ÿ˜ฎ Woow Saar Si Aan Messengerka Uga Wada Xiriirno Waa Hadii Ay Jirto Suaal Aad Na Waydiinayso

LIKE Saar Una Garee Walaalaha Kale Si Uga Faaiidaystaan. Mahadsan
Dr waahin sebriye

HALISTA MARAQ-DIGAAGAWaxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxu...
03/02/2021

HALISTA MARAQ-DIGAAGA

Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu h**eyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe,
MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"

Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Lawadaag Asxaabtaada oo u SHARE garee gaarsiina Qoyskaada isticmaala Maraq-Digaaga qataryiisa ama halkaan ugu wac mid ama labo qof oo aad u isticmaala.

Somalidoc

SHARE SHARE SHARE SHARE

Taxanaha CaafimaadkaMarka Aad Dhamayso Akhrinta.   Dheh Si Walaalaha Kale Uga Faaiidaystaan1. Waxyaabaha ilkaha caruurta...
03/02/2021

Taxanaha Caafimaadka

Marka Aad Dhamayso Akhrinta. Dheh
Si Walaalaha Kale Uga Faaiidaystaan

1. Waxyaabaha ilkaha caruurta saamaynta ku yeesha ama inay ilkuhu is gaari waayaan sababta u ah waxaa ka mid ah Suul Nuugida

2. Dadka Infakshanku uusan ku badneen waxaa ka mid ah dadka Sooma sidaa darteed qofku isbuucii labo maalin waa inuu soomo si jirku u sameeyo qashin saar

3. Waxyaabaha dheefshiidka qofka aan u wanaagsaneen dhakhaatiirtuna ka digaan in si xad dhaaf ah loo isticmaalo waxaa ka mida kafeega iyo shaaha caleentu ku badan tahay

4. Dhimashada qofka waxyaabaha sababta u noqon kara waxaa ka mid ah in Vitamin D-ga qofka yaraado 15. Sidaa darteed waa muhiim in Cadceedu jirkaaga ku dhacdo madama Cadceedu tahay meesha ugu badan ee Vitamin D laga helo

5. Timaha in ay cirro kasoo baxdo wax dhib ah ma lahan hadii aad da' tahay balse qof dhalinyar in madaxu cadaado waxyaabaha sababta u ah waxaa ka mid ah Vitamin B12 ayaa jirkiisa ku yar

Qodobkee Dareenkaaaga Soo Jiitay

๐Ÿ˜ฎ Wow Waxaa Saari Kara Qofka Suaal Caafimaadka La Xiriirta Na Waydiinaya Si An Messengerka Uga Wada Xiriirno.

โ–กWaxaan Rajaynayaa Inay Talooyinku Ku Anfaceen. Uga Faaiidee Walaalaha Kale
Dr waahin sebriye

Taxanaha CaafimaadkaCun Hal Qajaar Maalin Kasta, Kadibna Arag Waxa Jirkaaga Kusoo Siyaada1. CuduradaCudurada waxyaabaha ...
03/02/2021

Taxanaha Caafimaadka

Cun Hal Qajaar Maalin Kasta, Kadibna Arag Waxa Jirkaaga Kusoo Siyaada

1. Cudurada
Cudurada waxyaabaha jirka ka difaaca waxaa ka mid ah qajaarka sababtoo ah jirka wuxuu u sameeyaa difaac ay adag tahay in jeermisyadu kasoo gudbaa

2. Miisaanka
Miisaanka waxyaabaha dheelitira waxaa ka mid ah qajaarka sababtoo ah wuxuu shiilaa ama burbiyaa xeyrta dheeraadka ku ah jirka gaar ahaan xeyrta caloosha

3. Wadnaha
Wadnuhu waa mid ka mid ah jirkeena xubnaha ugu muhiimsan wuxuuna nooga masuul yahay dhiiga. Qajaarku wuxuu wasaqda ka saaraa dhiiha sidoo kale wuxyu ka qayb qaaataa in caafimaadka wadnaha

4. Maqaarka
Maqaarka in liishe uu noqdo, xarfadka iyo qalaylkana ka baaba'o waxyaabaha sababta i ah waxaa ka mid ah qajaarka. Kareeemyada la mariyo jirka intooda badan waxaa laga sameeyaa waxyaabo dabiici ah oo qajaarku ugu h**eeyo

5. Sokorta iyo caloosha fadhisa
Dadka sokorta qaba khudaarta loo ogol yahay dhakhaatiirtuna ku taliso wxaa ugu h**eeya qajaarka sababtoo wuxuu sokorta kala dagaalamaa in ay kacdo. Qajaarku wuxuu sidoo kale saxarada ka dhigaa mid aad u jilcan

Cun Maalin Kasta Qajaarka Si Aad U Hesho Faaiidoyinka Aan Soo Sheegnay

๐Ÿ˜ฎ Woow Saar Si Aan Messengerka Uga Wada Xiriirno Waa Hadii Ay Jirto Suaal Aad Na Waydiinayso

LIKE Saar Una Garee Walaalaha Kale Si Uga Faaiidaystaan. Mahadsanid
Dr waahin sebriye

"  Gabadh dhalinyaro ah ayaa tiri "  Waxaan maqlay cod Aadan ah  Heestii ayaan iska joojiyay Anigoo sugayo inta uu ka dh...
03/02/2021

" Gabadh dhalinyaro ah ayaa tiri " Waxaan maqlay cod Aadan ah Heestii ayaan iska joojiyay
Anigoo sugayo inta uu ka dhamaanayo ร€adanka.
Lkn intaan dhagaysanayay Aadanka Waxaan dareemay in sowdka Aadanku yahay Wax layaab igu noqday !!.

Markuu dhamaaday Aadankii Heestii ayaan markale iska sh*tay
Hase ahaatee Waxaa qalbigeyga ka sii guuxaya Nuucii dareen Aan ka qaaday Aadankii Aan maqlay.

20daqiiqo ka dib waxaan maqlay Axad [Qof]. qeylinaya lkn codkiisu Aad buu u sareeyay
Waan soo baxay anigoo is leh jidka Wax uun ka eeg.
Waxaan la kulmay dadkii oo Wada argagaxsan dhmaantoodna dibada u soo Wada baxeen Aadne U yaaban yihiin " Samada Wada eegayaan
Waxaan Weeydiiyay maxaa dhacay.?
Cid ii jawaabto waan waayay ilaa Aan ugu danbeeyn Aabaheey u imid.
Isagoo dhahaya " Qoraxdii baa saakay galbeed ka soo baxday " Albaabkii towbada Waa la xiray gabadheydii"๐Ÿ˜ช

Xubin kasto Oo jirkeeyga ka mid ah waxeey joojisay xarakaatkii markan maqlay hadalkaa
` Lkn cid cidkale wax u qaban karto ma jirto
Wiil iyo Aabihii , nin iyo xaaskiisa , gabadh iyo hooyadeed.

Waxaan Aaday hooyadeey Oo si xad dhaaf ah ii jecleed si Aan ula hadlo lkn Waa ka xumahay ilama aysan hadlin.โ˜ Dhulkii Qaraxyo waa weeyn ayaa ka dhacayo Samadii Weey dil dilaaceysa waxaan arkayaa malaa'ig ka hoobaneyso.

" Intaas Waa Un riyo kaliya.

Lkn maalin ayey Xaqiiq noqon doontaa
War hoogeenee maxaan u diyaarsanay maalintaa .?!!

Mid ka mid ah dadkii h**e Ee salixiinta ahaa ayaa soo maray nin hilib dubanaya
Wuu iska ooyay.
Kolkaasu ku yiri maxaa kaa oohinaya hilib maad u baahneed .?

Wuxuu yiri : Maya"
Lkn beni Aadenka ayaan U Ooynayaa
Xayawaanka Waxaa dabka ayaa jirkiisa la geliyaa isagoo dhintay lkn insaanka Isagoo xayi ah ayaa naarta lagu ridaa. Jirkiisa.๐Ÿ˜ญ

" Rabiyow jirkeena naar uma dulqaadan karee naga xureey kuleeylkeeda.Aamin

Allow Naarta ka xureey jirkeeyga iyo inta islaam ah dhamaantood iyo inta soo qortaba ุกุงู…ูŠู†

Walal allaah dartiis Ugu faafi " inta qof Aad Asxaab tihiin.
Dambigaaga iyo kan Waalidkaa
Allaah dhaafo.

Like page jzklh kheyra.
Daaci sacid cusmaan xaaji xasan
DrAazanAadam

TAXANAHA CAAFIMAADKA1. Koostada waxaa ku jirta maadada Oxalate, hadii Oxalate jirka ay ku badato kilyaha waxaa ku dhaca ...
01/02/2021

TAXANAHA CAAFIMAADKA

1. Koostada waxaa ku jirta maadada Oxalate, hadii Oxalate jirka ay ku badato kilyaha waxaa ku dhaca infakshan ama dhagax ayaa ku samaysma

2. Yaanyada waxaa ku jirta maadooyinka sodium iyo oxalate, hadii labaduba jirka ku bataan kilyaha waxaa ku dhaca infakshan ama dhagax ayaa ku samaysma

3. Qanjirka Prostate hadii uu bararo waxa uu soo ciriiriyaa kaadi haysta, hadii kaadi haysta ay ciriiri gashana waxay dhibaatadu dib ugu noqonysa kilyaha taas oo keeni karta infakshan

4. Daangada cusbada badan lagu dubo waxaa ku jirta maadadan Sodium, hadii sodium jirka ku bato waxaa kilyaha gaara dhaawac ama waxaa ku samaysma dhagax

5. Sigaarka waxaa laga sameeya maadada cadmium, hadii cadmium qofka jirkiisa ku badato kan sigaarka caba ama mar kasta lagu ag cabo kilyaha waxaa gaara dhaawac ama waxaa ku samaysma dhagax

6. Qorraxda kuleylkeedu badan yahay waxaa ku badan Vitamin D hadii qofku mar kasta socdo xilliyada qoraxdu aadka u kulushahay jirka waxaa ku bata vitamin D. Hadii vitamin D jirka ku bata kilyaha waxaa ku samayma dhagaxaan

7. Vitamin C waxaa ku jirta maadada oxalate hadii caruurta jirkoodu ku badato oxalate kilyaha waxaa ku dhaca infakshan sidookale dhagaxaan ayaa ku samaysma

๐Ÿ˜ฎ Woow Saar Haday Jirto Suaal Aad Na Waydiinayso ama Talo Aad Nala Wadaagayso Si Aan U Wada Xiriirno.

Hadii Aad U Aragto Talooyinkaan Waxtar U Leeyihiin Bulshada Fadlan Dheh Si Walaalaha Kale Uga Faaiidaystaan
Dr waahin sebriye

31/01/2021

KASOOBAXA AMA BAXDINTA DAAWO MALOO ISTICMAALI KARAA ?

Su'aashaan ayaa la isoo waydiiyey dhowr jeer.

Soomaalida qayb kamid ah waxa ay aaminsanyihiin hadey kaniini ama daawo kale u isticmaalaan kasoobaxa in ay isla markiiba dhimanayaan! Adigu saas ma aaminsantahay?

Hadaba maxaa ka jira aragtidaas?

Sidaad ogtihiin kasoobaxan waxaa keena nooc bakteeriyada ka tirsan oo jirka soogala

Loona yaqaano Staphylococcus aureus, sababna u ah in baxdintu ay soo baxdo.

caadi ahaana bakteeriyadaan waxaa laga helaa maqaarka iyo sanka gudihiisa. Mararka qaarkood bakteeriyadaas waxa ay jirka kasoo gashaa marka dhaawac ama dilaac uu gaaro maqaarka ama uu kaa qaniino cayayaanada yar-yar taas oo siineysa bakteeriyada in ay si sahlan usoo gasho jirka.

Waxaa jirta nooc kamid ah kasoobaxa/baxdinta oo halis ah loona dhinto waqti gaaban hadaan daawo loo qaadan,

Waana midka kasoo baxda wajiga gaar ahaan sajuuda sanka ama qaybta kore oo dhan ee wajiga baxdintaasi waxay sahlaysaa in bakteeriyadu ay ku fido maskaxda maadaama ay isku daloolan wajiga iyo maskaxda,

Marhadey gaarto maskaxda bakteeriyadan si dhokhso ayey u bur-burinaysa unugyada maskaxda taaso keeneysa ugu danbeen in ay maskaxdu dhimato dabadeed qofku uu sidaas ugu dhinto xanuun sahalan oo hadii dawadiisa la qaadan lahaa uu ka buskoon lahaa.

Soomaadan maqlin hebel Fin ayaa kasoo baxay wajiga dabaddeed maalmo kadib waa dhintey isagoon waxba isticmaalin?

Ugu danbeen waxaa kusoo gunaanudayaa baxdinta hadii daawadeeda loo isticmaalo wax dhimasho ah ma keeni karto, waana la isticmaali karaa.
hadii ay wajiga kaasoo baxdana fadlan waa qatar ee ha fududeysan oo gaar dhakhtarka kuugu dhaw ama aniga qaybta fariimaha igala soo xiriir.

U gareeya asxaabtiina haka faaideystaane kuna soo biir Page kaygan

Hadaad Talo caafimaad rabto si khaas ah ayaad iila soo xiriiri kartaa.
Mahadsanidiin

Dr.Amen

Sidee Looga Takhalusaa Baabasiirka1. Waxa kaliya ee yarayn kara ama baabi'in kara Xanuunka iyo bararka meesha saxarada w...
31/01/2021

Sidee Looga Takhalusaa Baabasiirka

1. Waxa kaliya ee yarayn kara ama baabi'in kara Xanuunka iyo bararka meesha saxarada waa in biyo diiran oo aan aad u kulayn lagu dhaqo booska saxarada

2. Talada ugu badan ee dadka la siiyo hadii baabasiir qabo iyo hadii uusan qabin waa in qofka in qofku dhaqo meesha saxarada istanjaha kahor iyo kadibba

3. Waxa ugu badan ee caloosha qofka fariisiya radkuna aysan dareensaneen waa cunusta daawooyinka aan dhakhtarku soo qorin gaar ahaan xanuun baabi'iyaha

4. Qaladka qof kasta oo baabasiir qaba ama caloosha fadhiso uu soo sameeyay waa inaysan saxariin ama kaadin isla marka ay qabato saxarada ama kaadida taas oo sababi karta baabasiirka

5. Cuntada ugu badan caloosha adkaysa waa cuntada saliida lagu kariyo sida bariiska iyo baastada halka cuntada ugu badan ee caloosha jilcisanay tahay cuntada lagu kariyo biyaha sida digirta iyo soorta

6. Waxa ugu badan caloosha jilciya, makiinadaha dheefshiidkana ka saata wasaqda waa cabista biyaha badan, qofkuna salaad kasta waa in uu cabo hal galaas oo biyo ah taas oo noqonaysa 5 galaas maalintii

7. Dadka ugu badan baabasiirku ku dhaco wa dadka fadhigoodu badan yahay, dadka quraacda daahiya iyo dadka casheeya cishaha kadib sida darteed samee ugu yaraan 60 daqiiqo oo socod ah maalintii, xilli h**e quraaco sidoo kale xilli h**e cashee

8. Dharka ugu badan ee sabab u noqda baabasiirka, neerfahana dila waa dharka adag ee hoos gashiga. Haka fiirin dharka aad xiranayso quruxda ee ka fiiri qabow aan jirkaaga ku dhaganeen ma yahay

9. Digniiinta kaliya ee ku siinaya waa in aadan waligaa ku fariisan dhagax ama meel adag. Isku day mar kasta in aad joodari ama meel jilcan aad salka saarato ama ku fariisato, dhagaxa lagu fariisto waa mid ka mida waxyaabaha baabasiirka sababa

Dheh Si Walaalaha Baahida U Qabo Ay Uga Fiiadaystaan adigana aad ajar uga hesho

๐Ÿ˜ฎ Saar Hadii Ay Jirto Sual Aad Na Waydiinayso Ama Talo Aad Nagu Biirinayso
Dr waahin sebriye

Waa Maxay Sababta Uu Allaah U Abuuray Shimbiraha.?  Sanadkii 1958 Hogaamiyihii Xilligaa Ee Shiinaha ayaa Wareegto Madaxw...
31/01/2021

Waa Maxay Sababta Uu Allaah U Abuuray Shimbiraha.?

Sanadkii 1958 Hogaamiyihii Xilligaa Ee Shiinaha ayaa Wareegto Madaxweeyne Ku Soo Saaray in La Xasuuqo Dhaman Nooc Walba Oo Shimbir ah gaar ahaan Shimbirta Lagu Magacaabo " Raanyarta" Ee Dalagga Sabuulada Cunta Marka ay Barooro tahay..

Waxaa Uu Sababta dilkooda U Cuskaday in ay Cunto Dhamaan Dalagyada Wadanka Ka baxa Hoosne U dhigtay Wax Soo Saarka Dalka !

Sidii beey U dhacday Oo Beeraleydii Waxaa ay bilaaben in ay dilaan Shimbir Walba gaar ahaan Cagaarowga Raanyarta jiloowga ilaa heer Maalin gudaheed " Kaw " uga Siiyeen Tobanaan Kun Oo Shimbir ah Taas Oo Markii h**e Cuni jirtay Xasharaadka Beeraha dhiba ...

Waxaa jirtay in Qofka dila tiro badan Oo Shimbir ah Uu Ku Helayo Abaal Marin Waxaana Loo Arkayay Wadani dhab ah !

Lkn Sadax Sano Markii ay Ka Soo Wareegtay isla Markaane Lagawada Takhalusay inta badan Shimbirihii Waxaa Hal Mar dhacday Wax Aan La fileeynin!! Waa Maxay Waxaas dhacay.?

Waxaa Ha Mar Wadankii Cirif ilaa Ka Cirif Ku Habsaday Xasharaad iyo Cayayaano dalaggyadii Baa`biyay , Sida Lawada Ogyahay Xasharaadkaan Waxaa Cuni jiray Shimbirtii La Laayay Waa h**e...

Taasina Waxeey Bilaaw Ka Noqotay Abaartii iyo Macluushii Abid Ka dhacday Shiinaha 1961 Oo Xitaa Somalia ay Ka Mid aheeyd Wadamadii gurmadka la gaaray Shiinaha, Waxaa Abaartaa Shiinaha Kaga dhimatay Tobanaan Malyan Oo Shiineeys ah..

Maxaa Laga Qaadanayaa Dhacdadaan?โ—

Ha Aaminin in Aad Qaar Ka Mid ah Makhluuqaadka Allah Arzaaqada Ka Gooyn Kartid , Ama Adigaba Arzaaqada Kugu Ciriirin Karo , Arzaaqdaada Waad Heli Noloshaada Weey Hagaagi Sidaad U rabto insh allaah

Arzaaqadu Waxeey Ku jirtaa gacanta Allaah Siduu doona ayuu U qeeybiyaa Qaab Xigmadeeysan Waxaa Laga yaabaa In Aad Mid Ka Xarimtay Arzaaqad Uu Cuni lahaa Ka dib gaajo U dhinto

Ogow Kaas dhintay Waxaa dhici Kartay in Uu shar badan Kaa difaaci lahaa Allah Waxaa Uu yiri"
ใ€Šุงู„ู‘ูŽุฐููŠู†ูŽ ูŠูŽุฐู’ูƒูุฑููˆู†ูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ูŽ ู‚ููŠูŽุงู…ุงู‹ ูˆูŽู‚ูุนููˆุฏุงู‹ ูˆูŽุนูŽู„ูŽู‰ูฐ ุฌูู†ููˆุจูู‡ูู…ู’ ูˆูŽูŠูŽุชูŽููŽูƒู‘ูŽุฑููˆู†ูŽ ูููŠ ุฎูŽู„ู’ู‚ู ุงู„ุณู‘ูŽู…ูŽุงูˆูŽุงุชู ูˆูŽุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ุฑูŽุจู‘ูŽู†ูŽุง ู…ูŽุง ุฎูŽู„ูŽู‚ู’ุชูŽ ู‡ูŽูฐุฐูŽุง ุจูŽุงุทูู„ุงู‹ ุณูุจู’ุญูŽุงู†ูŽูƒูŽ ููŽู‚ูู†ูŽุง ุนูŽุฐูŽุงุจูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุงุฑู ใ€‹:
Fadlan Walaal Adiga Oo Mahadsan La Wadaag Asxaabtaada Sharafta leh. ๐Ÿ’”
Daaci saacid cusmaan xaji xasan

Address

Bakaaro Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when E-dalab online market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to E-dalab online market:

Share