Abdirizak ali nor

Abdirizak ali nor waa hoyga arimaha bulshadda

 Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada.....Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedi...
08/02/2026


Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada.....
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa si rasmi ah u qirtay in dowladda Eritrea ay la wareegtay, welina ay gacanta ku hayso, dhul ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay in Eritrea aysan ku ekeyn qabsashada dhulkaasi, balse ay sidoo kale taageerto kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama gudaha Itoobiya, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda federaalka.....
Gedion Timothewos wuxuu xusay in dhaqdhaqaaqyada ciidamada Eritrea ee ka socda gudaha dhulka Itoobiya, iyo xiriirka ay la leeyihiin kooxaha hubeysan, ay yihiin gardarro cad oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Itoobiya...
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay weli u furan tahay wadahadallo dhammaystiran oo lala galo Eritrea, si xal waara loogu helo khilaafaadka taagan. Wuxuu sheegay in wadahadalladaasi ay ku jiri karaan arrimo muhiim ah, oo ay ka mid tahay helitaanka marin badeed iyo arrimaha amniga xuduudaha...
Hadalka kasoo yeeray Addis Ababa ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo walaaca laga qabo xiriirka labada dal, iyadoo beesha caalamkuna ay si dhow ula socoto xaaladda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea....
W/Q Risaala Media Corporation

14/01/2026

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa sheegay in dawladnimadii Soomaaliya ay jid halis ah kusocoto, isagoo ku eedeeyey Madaxda DFS in ay nidaamka burburinayaan,wuxuu sheegay in dawladnimadii ku koobantay Muqdisho...
1- Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay arrinta Somaliland ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin gartooda, laakiin ay ka raadiyeen meel fog oo ay jiri kartay meel ka dhaw, isagoo sheegay in jidka ay Soomaaliya ku socoto ay halisyo cusub ka dhalan karaan.
2- Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan gacmaha la qaban Xassan Sheikh, ay dhici karaan Puntland & Jubbaland ay qaadan dhabo ay gaar iskugu tashanayaan, kana durugsanaan karta halka hadda Somaliland laga hadlayo...
3- Madaxweynaha JL ayaa sheegay in haddii laga hadli jiray diyaarad saaran Hargeysa, balse ay arkeen in diyaarad Drone ah oo Soomaaliya caalam siiyey lagu weeraray ciidanka Jubbaland ee Raskambooni, oo ay taas muujinayso masuuliyad daradda Hoggaanka DFS, sida uu sheegay...
4- Go'aanka dekedaha saameynaya ee kasoo baxay dawladda Faderaalka ayuu sheegay in aysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada dhulka taala, isagoo tilmaamay in DFS kufashilantay maamulida Hawada oo ay siyaadeysay, isku dayga dekeduhuna yahay mid aan suuragal aheyn...
5- Haddii uu madaxweyne Xassan Sh 20-ka maalin ku jawaabi waayo ayuu sheegay in ay Jubbaland doorasho bilaaban doonto, oo doorashadu aysan ahaan doonin 15ka May, ee kahor la sameyn Doono.....

Khaalid Foodhaadhi
29/12/2025

Khaalid Foodhaadhi

War Deg Deg : Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabtay in ay beegsan doonaan goob kasta oo dhulka Somaliland kamid ah oo Israa11L ay dagto.....
Waa bartilmaameed Militari ayey yiraahdeen......

29/12/2025

War Deg Deg : Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabtay in ay beegsan doonaan goob kasta oo dhulka Somaliland kamid ah oo Israa11L ay dagto.....
Waa bartilmaameed Militari ayey yiraahdeen......

Sawirka caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo Body Language laga eegi karo inuu ...
28/12/2025

Sawirka caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo Body Language laga eegi karo inuu aad u carreeysan yahay, kadib aqoonsiga Israa11L ee Somaliland........

Ma ogtahay sirta qarsoon ee xataa Mareykanka iibsan waayay ee TikTok? Macluumaad sirdoon iyo sida Shiinaha u baaraan deg...
27/12/2025

Ma ogtahay sirta qarsoon ee xataa Mareykanka iibsan waayay ee

TikTok? Macluumaad sirdoon iyo sida Shiinaha u baaraan degay 10

sano ka hor, hadaad kamid tahay dadka ku waalan...??????

27/12/2025

Dalka 2aad ee Somaliland aqoonsan kara waa South Sudan.

Xigasho : Fox News

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252616253509

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak ali nor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirizak ali nor:

Share