Kaah Post

Kaah Post Dhacdooyinka Soomaalida & Caalamka
Waqti walba & Meel walba

90 bari ayaa ka haray muda xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.Dalkuna wali uma jihaysan doorasho heshiis lagu yahay.15 May...
15/02/2026

90 bari ayaa ka haray muda xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dalkuna wali uma jihaysan doorasho heshiis lagu yahay.

15 May 2026… maxaa dhici doona?

Kaah Post

Siyaasi Guuleed Saalax ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaraabadiisa inay si nidaamsan...
05/02/2026

Siyaasi Guuleed Saalax ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaraabadiisa inay si nidaamsan u boobayaan khayraadka guud ee Puntland, isla markaana ay dawladnimadii u bedeleen mid ay si gaar ah uga faa’iideystaan isaga iyo kooxdiisu.

Guuleed Saalax wuxuu sheegay in arrintan ay muddo dheer ka digayeen, balse maanta ay si cad u soo baxday, kadib markii warbixin rasmi ah oo caalami ah ay xaqiijisay eedeymahaas.

Warbixinta oo ay soo saartay Global Initiative Against Transnational Organized Crime ayaa muujisay sida awoodda dawladnimo loogu takri-falay looguna boobay khayraadka Puntland.

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka reer Puntland ay la daalaa-dhacayaan abaar, dhaqaale xumo iyo adeegyo dowladeed oo liita, halka hoggaanka jira uusan ka damqayn xaaladdaas, balse uu ka faa’iidaysanayo dhibaatada shacabka.

Ugu dambayn, Siyaasi Guuleed Saalax wuxuu ugu baaqay shacabka reer Puntland inay indhaha furaan, xaqiiqada wajahaan, kana hortagaan boobka iyo ku takri-falka lagu hayo khayraadkooda iyo mustaqbalkooda.

Kaah Post

Address

Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaah Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaah Post:

Share