Captain sanuu

Captain sanuu wax walba wakahele

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka S...
31/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyada argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda; biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada, isaga oo dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa caawa ku booqday isbitaallada Madiina...
31/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Mudane Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

30/10/2022

Asc asxabta dhamaan waa idsalaamey 🖐️

Address

Banaadir
Mogadishu
252

Telephone

+252617208424

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Captain sanuu posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Captain sanuu:

Share