07/04/2024
Mexico ayaa hakisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Ecuador ka dib markii booliska ay weerareen safaarada
Mexico ayaa hakisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Ecuador ka dib markii booliisku ay xoog ku jabsadeen safaarada dalka ee Quito si ay u xidhaan madaxweyne ku xigeenkii h**e ee Ecuador Jorge Glas, taas oo sii xoojisay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.Glas, oo laba jeer lagu xukumay musuqmaasuq, ayaa ku xidhnaa safaaradda Quito tan iyo markii uu magangalyo siyaasadeed dalbaday bishii Diseembar, isaga oo ku dooday in uu silciyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Booliisku waxay si xoog ah u galeen safaaradda Mexico ka hor inta aanay xidhin, madaxwaynaha Mexico, Andrés Manuel López Obrador, ayaa ku soo qoray bartiisa X ee twitter sidan "Ecuador waa qaran madax banaan mana u ogolaanayno qof dambiile ah in ay sii dayso," ayay madaxtooyada Ecuador ku qortay bayaan ka soo baxay habeenkii Jimcaha. López Obrador ayaa shaqada ka eryay, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay mid xiran Glas"maadaama uu xadgudub qaawan uu kula dhaqmay sharciga caalamiga ah iyo madax banaanida Mexico ". Madaxweynaha Mexico López Obrador Waxa uu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mexico in uu hakiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Ecuador.Alicia Bárcena, oo ah xoghayaha xiriirka dibadda ee Mexico, ayaa intaa ku dartay in tiro dublamaasiyiin ah ay dhaawacyo ka soo gaareen dhacdada, waxayna sheegtay in ay jabisay heshiiskii Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed. "Tani macquul maaha, ma noqon karto, tani waa waali," ayuu yiri Roberto Canseco, madaxa qaybta qunsuliyada Mexico ee bannaanka safaaradda Quito.