Caafimaad Tv

Caafimaad Tv Ka Daawo Barnamijyo Warar Iyo Doodo Caafimaadka Somalida iyo Caalamka Ku Saabsan.

11/06/2026

Cabista Shaaha Cadeyska Ah Ee Leh sonkorta Faraha Badan Saamayn Intee Ayuu Ku Leeyahay Caafimaadkaaga?
Caafimaad Tv Iyo Dr Ciroobe epidemiologist

Sawiro : Xafladda Soo Dhaweynta Dhakhaatiirta Cusub ee ku Soo Biiray Mogadishu Specialist Hospital🔹 Dr. Abdinur Halane –...
08/06/2026

Sawiro : Xafladda Soo Dhaweynta Dhakhaatiirta Cusub ee ku Soo Biiray Mogadishu Specialist Hospital

🔹 Dr. Abdinur Halane – ENT Specialist
🔹 Dr. Abdullahi Ali Mohamed – Pediatrician & Neonatology Specialist
🔹 Dr. Amir Muse Mohamud – Dhaqtarka Cudurrada Guud
Ku soo dhowaada bahda Mogadishu Specialist Hospital.

Hooyooyinku  waa inaysan marnaba  ka xishoon inay nuujiyaan carruurtooda.waxaan ka qayb qaadan karnaa ixtiraamka xuquuqd...
07/06/2026

Hooyooyinku waa inaysan marnaba ka xishoon inay nuujiyaan carruurtooda.

waxaan ka qayb qaadan karnaa ixtiraamka xuquuqda hooyooyinka ee ah inay nuujiyaan carruurtooda waqti kasta iyo meel kasta.

Hantavirus-yadu waa fayrasyo ka yimaada xayawaanka una gudba dadka (zoonotic viruses). Fayrasyadani si dabiici ah waxay ...
07/06/2026

Hantavirus-yadu waa fayrasyo ka yimaada xayawaanka una gudba dadka (zoonotic viruses). Fayrasyadani si dabiici ah waxay ugu nool yihiin jiirka iyo noocyada kale ee qoyska jiirka, mararka qaarkoodna waxay ku faafi karaan dadka.

Hadaba waa maxay Waxyaabaha muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad ogaato waqtigaan .

Waa maxay hantavirus-yadu?
Sidee ayay u faafaan?
Maxay yihiin calaamadaha iyo astaamaha cudurka?
Sidee looga hortagi karaa caabuqa?

DHAWAAN LASOCO MUUQAAL KU SAABSAN
Caafimaad Tv

Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ...
07/06/2026

Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Golaha Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay (SNAPH), kaas oo ka dhacay xarunta xafiiska.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada, sidii isbitaallada gaarka loo leeyahay uga qayb qaadan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha caafimaadka Qaranka ee NTP, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga iyo isku xirka ka dhexeeya isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu tayada adeegyada caafimaadka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana gaara dhammaan qaybaha bulshada.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Waaxda Caafimaadka ee Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Golaha Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay (SNAPH).

17/05/2026

Maanta Oo Kale 17 may Waxaa Dunida Laga Xusayaa Maalinta Dhiig karka aduunka Hadaba Muxuu Yahay Hypertention

Maxaa Looga Baahanyahay Qofka Leh xanunka Dhiigkarka ?

Dr Mohamed Abdullahi Gaaladiid

Dhamaan Bahda Caafimaad TV Waxaan Idin leenahay Jumca Mubaarak
15/05/2026

Dhamaan Bahda Caafimaad TV Waxaan Idin leenahay Jumca Mubaarak

Maalinta Kalkaaliyeyaasha Adduunka waxaa loo yaqaan International Nurses Day. Waxaa sanad walba la xusaa 12-ka May, waan...
12/05/2026

Maalinta Kalkaaliyeyaasha Adduunka

waxaa loo yaqaan International Nurses Day.
Waxaa sanad walba la xusaa 12-ka May,
waana maalinta dhalashada Florence Nightingale oo loo aqoonsan yahay hooyada xirfadda nursing-ka casriga ah.

Ujeeddada maalintan waa:

In la qadariyo shaqada adag ee

kalkaaliyeyaasha

In la muujiyo doorka muhiimka ah ee ay ku
leeyihiin badbaadinta nolosha dadka

In kor loo qaado wacyiga caafimaadka bulshada

In la dhiirrigeliyo xirfadlayaasha nursing-ka

Kalkaaliyeyaashu waxay laf-dhabar u yihiin adeegyada caafimaadka, iyagoo ka shaqeeya:
Isbitaallada

Xarumaha caafimaadka

Gurmadka degdegga ah

Daryeelka hooyada iyo carruurta

Wacyigelinta caafimaadka bulshada

Hal-ku-dhig kooban oo ku habboon maalintan:
“Nursing waa qalbi naxariis leh, aqoon, iyo adeeg naf-badbaadin ah.”

10/11/2025

Maxaad Ka Taqaana Xanuunada Lagu Kala Qaado Dhunkashada
Caafimaad Tv Like and share

06/11/2025

Jubba Hospital Ayaa Dhawaan laga Hirgaliyey Isgoyska Juba Ee Magaalada Muqdishu Waa isbitaal Kulansaday Dhaqaatiir Aqoon Durugsan Iyo Deegaan Looga Baahna Sare Uqaadida Baahiyaha Caafimaad

CAAFIMAAD Tv

Address

Dabka
Mogadishu

Opening Hours

Monday 10:00 - 22:00
Tuesday 10:00 - 22:00
Wednesday 10:00 - 22:00
Thursday 10:00 - 22:00
Friday 15:00 - 22:00
Saturday 10:00 - 22:00
Sunday 10:00 - 22:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caafimaad Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share