Eng-Yalahow

Eng-Yalahow Author | Programmer | Designer

26/02/2026

02-ᴡᴀx ᴋᴀ ʙᴀʀᴏ Qᴜʀᴀɴᴋᴀ | Qᴇʏʙᴛɪɪ 2-ᴀᴀᴅ | ᴇɴɢ-ᴍᴏʜᴀᴍᴇᴅ ᴀʙᴅᴜʟʟᴀʜɪ ʏᴀʟᴀʜᴏᴡ

24/02/2026

01-ᴡᴀx ᴋᴀ ʙᴀʀᴏ Qᴜʀᴀɴᴋᴀ | Qᴇʏʙᴛɪɪ 1-ᴀᴀᴅ | ᴇɴɢ-ᴍᴏʜᴀᴍᴇᴅ ᴀʙᴅᴜʟʟᴀʜɪ ʏᴀʟᴀʜᴏᴡ

𝗟𝗮𝗯𝗮 𝗱𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝘂𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗯𝘂𝘂𝗰𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝗶 – 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗶 𝗮𝗵Jyoti Amge (Hindiya), oo ah...
27/11/2025

𝗟𝗮𝗯𝗮 𝗱𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝘂𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗯𝘂𝘂𝗰𝗮𝗻 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶𝘀𝗶𝗶 – 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗶 𝗮𝗵
Jyoti Amge (Hindiya), oo ah haweeneyda ugu gaaban adduunka ee socon karta (62.8 cm), ayaa kulan la yeelatay Wildine Aumoithe (USA), oo ah haweeneyda ugu gaaban ee aan socon karin (72 cm), kuna sugan Miami, USA.

Kulankooda ayaa ahaa mid farxad leh oo sawirro iyo muuqaallo qurux badan laga qaaday. Wildine, oo sidoo kale ah moodelka ugu gaaban ee xirfadle ah, ayaa barteeda Instagram ku soo qortay:
“Laba dumar oo ugu gaaban adduunka ayaa kulmay!”

Jyoti, oo sidoo kale ah atariishada ugu gaaban ee adduunka, ayaa fadhiday kuraas ay ku qurxan tahay xilli Kirismas ah, halka Wildine ay kursi koronto ku timid.

Waxay is gacan qaadeen, is dhoolla caddeeyeen, waxayna muujiyeen kalgacal iyo is ixtiraam. Rumeysa Gelgi (Turkiga), oo ah ''haweeneyda ugu dheer adduunka'', kuna kulantay Jyoti sanadkii h**e, ayaa ku faraxday sawirkooda, iyadoo ku soo qortay:
“Aww ugu dambeyn way kulmeen!”

Mohamed Abdullahi Yalahow ✍️
Eng-Yalahow ✅️

𝗠𝗮𝘀𝗶𝗶𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗲𝗲 𝗗𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 (𝟭𝟵𝟮𝟵 - 𝟭𝟵𝟯𝟵)Masiibadii Dhaqaale ee ugu xumeyd taariikhda casriga ah waxay bilaabatay sana...
19/10/2025

𝗠𝗮𝘀𝗶𝗶𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗲 𝗲𝗲 𝗗𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 (𝟭𝟵𝟮𝟵 - 𝟭𝟵𝟯𝟵)

Masiibadii Dhaqaale ee ugu xumeyd taariikhda casriga ah waxay bilaabatay sanadkii 1929, kadib burburkii suuqa saamiyada ee Mareykanka, taas oo keentay hoos u dhac weyn oo dhaqaale oo saameeyay dunida oo dhan. Dad badan ayaa waayay shaqooyinkoodii, bangiyo ayaa xirmay, beeraley badan ayaa khasaaray, dadka magaalada waxay galayeen safaf dhaadheer si ay u helaan cunto bilaash ah.

Sanadkii 1931, magaalada New York waxay u dabaaldegtay Kirismaska iyadoo laga damqanayo dadka saboolka ah. In ka badan 10,000 qof ayaa lagu quudiyay xarunta dadka masaakiinta ah ee Magaalada, halkaas oo ay ku madadaaliyeen kooxaha muusikada ee booliska.

Iyadoo mashaakilka dhaqaale ay sii baahayeen, waxaa la qaaday qorshayaal badan oo lagu soo celinayo dhaqaalaha, sida barnaamijyadii New Deal ee uu waday Madaxweyne Franklin D. Roosevelt. Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu dambeyntii soo afjaray Masiibadii Dhaqaale waxay ahayd kororka wax-soo-saarka warshadaha ee la xiriiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.





Eng-Yalahow ✍️
Mohamed Abdullahi Yalahow ✅️

𝗛𝗮𝘄𝗲𝗲𝗻𝗲𝘆𝗱𝗶𝗶 𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗜𝗻𝗴𝗶𝗿𝗶𝗶𝘀 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝘂 𝗛𝗼𝗿𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱 𝗡𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗷𝗶𝘀𝗮𝘆𝗻𝗮Tani waa sheekada haweeneydii ugu horreysay ee...
20/09/2025

𝗛𝗮𝘄𝗲𝗲𝗻𝗲𝘆𝗱𝗶𝗶 𝗥𝗲𝗲𝗿 𝗜𝗻𝗴𝗶𝗿𝗶𝗶𝘀 𝗲𝗲 𝗨𝗴𝘂 𝗛𝗼𝗿𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺𝗮𝗱 𝗡𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗷𝗶𝘀𝗮𝘆𝗻𝗮

Tani waa sheekada haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan kasoo jeedda Britain oo Muslimad noqotay una safartay Xajka sanadkii 1933.

Lady Zainab Cobbald waxay ku dhalatay magaalada Edinburgh sanadkii 1867. Waxay lahayd caruurnimo xiiso leh, maadaama qoyskeedu uu sanad walba jiilaalka ku qaadan jiray Waqooyiga Afrika, gaar ahaan magaalooyinka Algiers iyo Qaahira.

Lady Cobbald waxay baratay luqadda Carabiga, waxayna waqti la qaadan jirtay carruurta Muslimiinta ah ee deegaanka, sidoo kale waxaa daryeeli jiray haween Muslimiin ah.

Qoraalkeeda buugga ay qortay ee la yiraahdo “The Pilgrimage to Mecca” (Safaarka Xajka ee Maka), waxay ku tiri:

"Farxaddaydu waxay ahayd inaan ka baxsado macallimaddii igu ilaalinaysay oo aan la booqdo masaajidda saaxiibadayda Aljeeriyaanka ah, si aan la ogaanina qalbigayga yar Muslim ayuu ahaa."

Lady Cobbald waxay si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay Muslimad tahay xilli ay la kulantay Baadari weynaha (Pope-ka). Waxay sidan ku tiri buuggeeda:

"Markii uu I weydiiyay Baadari weynuhu haddii aan Catholic ahay, waxaan ku dhacay amakaag, balse si lama filaan ah ayaan ugu jawaabay inaan Muslimad ahay. Ma garanayo waxa igu kalifay, waayo sanado badan kamaan fikirin Islaamka. Laakiin markaas ayaa iftiin igu dhacay, waxaanan go’aansaday inaan barto oo aan si dhab ah u fahmo diinta."

Haddaba, Lady Zainab Cobbald waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee reer Britain ah oo Muslimad noqota una safarta Xajka, taasoo noqotay dhacdo taariikhi ah oo tusaale wanaagsan u ah geesinimada iyo raadinta runta.

Eng-Yalahow ✍️
Mohamed Abdullahi Yalahow ✅️

𝗠𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗸𝗵𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗺𝗶𝗿𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝟭𝟬𝟬𝟬 𝗦𝗮𝗻𝗼 𝗞𝗮𝗵𝗼𝗿 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺?Aabaha cilmi-baadhista casriga ah ee indhaha, Xasan Ibn al-Hayt...
18/09/2025

𝗠𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗶𝗸𝗵𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗞𝗮𝗮𝗺𝗶𝗿𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝟭𝟬𝟬𝟬 𝗦𝗮𝗻𝗼 𝗞𝗮𝗵𝗼𝗿 𝗠𝘂𝘀𝗹𝗶𝗺?

Aabaha cilmi-baadhista casriga ah ee indhaha, Xasan Ibn al-Haytham, waxa uu dhashay sanadkii 965 magaalada Basra. Waxa uu ahaa Muslim xisaabiye, xiddigis-yahan, iyo saynisyahan noolaa xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka. Waxaa lagu naaneysay “aabaha cilmiga casriga ah ee indhaha”, waxaana uu sameeyay waxyaabo badan oo muhiim u ah nolosheena maanta — oo ay ka mid yihiin kaamirooyinka.

Sidaas darteed, Al-Haytham waxa uu door weyn ku lahaa horumarinta cilmiga indhaha iyo aragga, isaga oo la yimid ikhtiraacyo muhiim u ah nolosha casriga ah.

Wuxuu sidoo kale ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee adeegsada tijaabooyin si ay u xaqiijiyaan fikradahooda sayniska. Waxaa laga weriyay isagoo leh:
“Haddii runta barashadeedu tahay ujeeddada saynisyahanka, waa inuu noqdaa cadowga waxa uu akhriyo oo dhan.”

Tani waxay ka dhigan tahay in uu lagama maarmaan yahay in la sameeyo tijaabooyin si loo xaqiijiyo waxa la akhriyo, halkii si indho la’aan ah loo rumaysan lahaa.

Wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay dalka Masar, halkaas oo loo diray inuu ka shaqeeyo dhisidda biyo-xireen webiga Nile. Markii uu ogaadey in mashruucaasi halis yahay, wuxuu ka baaqsaday inuu sii wado hawshaas, taasoo keentay in lagu hayo xabsi guri. Intii uu halkaas ku jiray ayuu qoray buuggiisii ugu caansanaa: "Kitaabka Al-Manazir", oo loo yaqaanno "Buugga Indhaha".

Eng-Yalahow ✍️
Mohamed Abdullahi Yalahow ✅️

𝗥𝗮𝗮𝗰𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗥𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗶 𝗠𝘂𝘅𝗮𝗺𝗺𝗮𝗱 (𝗦𝗖𝗪)● Booqashada Goobaha Taariikhiga ah ee SiiradaMid ka mid ah farxadaha waaweyn ee ...
17/09/2025

𝗥𝗮𝗮𝗰𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗥𝗮𝗮𝗱𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗶 𝗠𝘂𝘅𝗮𝗺𝗺𝗮𝗱 (𝗦𝗖𝗪)

● Booqashada Goobaha Taariikhiga ah ee Siirada

Mid ka mid ah farxadaha waaweyn ee laga helo booqashada magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Madiinah marka la gudanayo Cumrada, waa in aad fursad u hesho in aad booqato oo aad si toos ah u aragto meelaha aad ka akhriday Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista, iyo goobaha taariikhiga ah ee door weyn ku lahaa Seerada Nebi Muxammad (SCW).

> “Tani waa dhulkii Islaamku ka soo farcamay, waana dhulkii uu salka ku hayay. In aan waqti ku qaato halkan waxay si weyn ii fahamsiisay safarkii ruuxiga ahaa ee uu qaaday Nebi Muxammad (SCW) iyo dhibaatooyinkii adkaa ee isaga iyo Asxaabtiisii (RC) ay la kulmeen xilligii h**e, iyo sida ay rumaysnaanta iyo adkaysigoodu u ahaayeen kuwo layaab leh.”

Ufuk Seçgin, oo ah Sarkaalka Suuq-geynta ee shirkadda HalalBooking, oo ah khuburo ku takhasustay safarrada xalaasha ah, ayaa u sheegay Islam Channel:

> “Wax badan bay ii micno lahayd in aan joogo meelihii uu Nabi Muxammad (SCW) ka socday. In aan istaago meelihii aan h**ey uga akhrisan jiray buugaagta. In aad ku tukato Masjidka Xaramka ama Masjidka Nabawiga waa khibrad ruuxi ah oo nafta lagu kobciyo, balse sidoo kale waxaa jira goobo kale oo badan oo muhiim ah oo taariikhi ah oo mudan in la booqdo.”

Wuxuu nagu dhiirrigeliyay qaar ka mid ah meelaha muhiimka ah ee la booqan karo si aad uga faa’iidaysato booqashadaada Makkah iyo Madinah. Waxaana sahlan in la kala safro labadaas magaalo iyadoo la adeegsanayo tareenka xawaaraha sare leh ee Haramain.

Eng-Yalahow ✍️
Mohamed Abdullahi Yalahow ✅️

14/07/2025

Tala kastaba yeel tilaabo la'aan bay ku dhigtaa.

Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri: "Haddii aad moos iyo lacag hor dhigto daanyeerka, wuxuu dooranayaa mooska sababt...
30/06/2025

Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri:

"Haddii aad moos iyo lacag hor dhigto daanyeerka, wuxuu dooranayaa mooska sababtoo ah ma oga in lacagtu ay iibin karto banana moos.

Sidaas oo kale, haddii aad shaqo iyo ganacsi u bandhigto dadka, intooda badan waxay dooranayaan shaqada, sababtoo ah ma oga in ganacsigu uu keeni karo lacag ka badan mushaharka la qaato.

Mid ka mid ah sababaha ay saboolku u yihiin sabool waa in aan lagu barin sida loo garto fursadaha ganacsi.

Waxay waqti badan ku bixiyaan dugsiyada, halkaasoo lagu baro sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen dadka kale halkii ay iyagu u shaqeysan lahaayeen naftooda.

Faa’iidada ganacsigu waa ka fiican tahay mushaarka, sababtoo ah mushaarka wuxuu kaa caawin karaa nolol maalmeedka, halka faa’iidada ganacsigu ay kuu abuuri karto maal badan oo aad ku hodmido."

Mohamed Abdullahi Yalahow
Eng-Yalahow

Address

Yaqshiid
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng-Yalahow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share