Wacan Media

Wacan Media Media Production | Events & Publicity | Digital Marketing

28/10/2025

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in ujeeddada shirka maanta lagu qabtay Muqdisho ay tahay in la helo dhaqaale ku filan oo lagu hirgeliyo dhismaha Biyo-xireenka Saabuuni ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

28/10/2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay Qorshaha Horumarinta iyo Dhismaha Biyo-xireenka Saabuuni ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muqdisho, 28 Oktoobar 2025Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir heer sare ah ku qabatay Hotelka Decale Airport si kor...
28/10/2025

Muqdisho, 28 Oktoobar 2025
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir heer sare ah ku qabatay Hotelka Decale Airport si kor loogu qaado Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar (JOSP) — oo ah hindise muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga biyaha iyo adkeysiga cimilada ee webiga Shabeelle.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyo Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin dowladeed, bahwadaag horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo wakiillo ka socday bulshada.

Kulanku wuxuu diiradda saaray dib u eegista horumarka mashruuca, xalinta caqabadaha jira, iyo xoojinta taageerada farsamo iyo dhaqaale ee wejiyada xiga ee barnaamijka.

16/10/2025

Axmed Cumar,
Agaasime Ku-xigeenka U-doodista iyo Isdhexgalka Dibadda ee World Vision International – Soomaaliya.

wuxuu xusay muhiimadda weyn ee ay maalintani u leedahay Umadda Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in xuska Maalinta Cuntada Adduunka uu yahay fursad lagu dhiirrigeliyo iskaashiga, hal-abuurka iyo horumarinta nidaamyada cuntada ee dalka.



16/10/2025

Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda SARIS – Mudane Liibaan Cabdi Xassan (Shaadiro)

Muhim ma aha oo keliya in la helo cuno, balse waxaa ka muhiimsan waa in laga shaqeeyo badqabka cuntada iyo tayadeeda.

Hadalkan waxaa ka mid ahaa fariimaha dhiirrigelinta ee lagu xusay Maalinta cunada Adduunka iyo Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed isagoo ku booriyay dhammaan hay’adaha iyo bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha nidaam cuno oo waara



16/10/2025

Ms. Michele Kiermeier, Deputy Head of Programmes at WFP, highlighted the importance of working together to advance food security, stressing that progress in the country is achieved through strong collaboration between the Ministry, international organizations, and private sector companies.




16/10/2025

Mr. Ezana, Acting Head of FAO Somalia and Head of Programmes, spoke about the great importance of World Food Day and Somali Farmers’ Day, highlighting the significant role of the Hand-in-Hand Programme in Somalia.

He emphasized that FAO is always committed to promoting, supporting, and developing initiatives that ensure food security and sustainable development, from which Somali farmers can benefit.







Panel-ka maanta wuxuu ka dooday Isbedelka Nidaamyada Cuntada ee Soomaaliya fursadaha, caqabadaha, iyo doorka dowlada, be...
16/10/2025

Panel-ka maanta wuxuu ka dooday Isbedelka Nidaamyada Cuntada ee Soomaaliya fursadaha, caqabadaha, iyo doorka dowlada, beeraleyda, iyo ganacsatada ee gaarista isku filnaansho iyo horumar waara.

Marti sharaf iyo khubaro ayaa la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wax-soosaarka, tayada cuntada, iyo hal-abuurka beeralayda Soomaaliyeed.



16/10/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda, isagoo xusay muhiimadda maalintan iyo doorka beeralayda Soomaaliyeed ee lagu xaqiijinayo amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.







Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS iyo martida sharafta kale ee xuska ka soo qeyb-gashay ayaa kormee...
16/10/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS iyo martida sharafta kale ee xuska ka soo qeyb-gashay ayaa kormeeray bandhigga Beeralayda Soomaaliyeed, iyagoo ku bogaadiyay dadaalka, hal-abuurka iyo horumarka muuqda ee ay sameeyeen beeralayda iyo shirkadaha soo bandhigay qalabka casriga ah ee lagu horumarinayo wax-soosaarka iyo tayada cuntada dalka.

Munaasabaddan waxay muujineysaa sida ay muhiimka u tahay iskaashiga dowlad, beeraley iyo ganacsato si loo gaaro isku filnaansho dhinaca cuntada iyo horumar waara.







 Xuska Maalinta Cuntada Adduunka iyo Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed oo si heer sare ah uga socota xarunta Wasaaradda B...
16/10/2025


Xuska Maalinta Cuntada Adduunka iyo Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed oo si heer sare ah uga socota xarunta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.





Wacan Media waxay maanta ka qeyb qaadaneysaa xuska Maalinta Cuntada Adduunka 2025 ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Bee...
16/10/2025

Wacan Media waxay maanta ka qeyb qaadaneysaa xuska Maalinta Cuntada Adduunka 2025 ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya 🌿

Maalin lagu xusayo beeraleyda, hal-abuurka iyo dadaalka lagu dhisayo cunto waarta iyo nolol waarta 💚

La soco sawirrada iyo muuqaalada aan maanta idiin soo qabanay! 🎥📸

Address

Maka-Al Mukarama Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wacan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wacan Media:

Share

Category