DOOY Media Production

DOOY Media Production Kala soco wararka Soomaaliya iyo geeska Africa.

CANSUURTA XAD-DHAAFKA AH EE MAAMULKA KOONFUR GALBEED KA QAADO DEGMADA AFGOOYE IYO SAAMEYNTA AY KU YEELATAY BULSHADA😢Degm...
24/12/2025

CANSUURTA XAD-DHAAFKA AH EE MAAMULKA KOONFUR GALBEED KA QAADO DEGMADA AFGOOYE IYO SAAMEYNTA AY KU YEELATAY BULSHADA😢

Degmada Afgooye waa mid ka mid ah degmooyinka ugu wax-soo-saarka badan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan dhanka beeraha, ganacsiga yar-yar iyo suuqyada quudinta ummadda. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay cabashooyin culus oo ka imanaya bulshada degmada, gaar ahaan gacansatada yaryar iyo dadka maasiinka ah, kuwaas oo ka cabanaya canshuur xad-dhaaf ah oo maalin walba laga qaado.
Maamulka Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa inuu hirgeliyay nidaam canshuureed aan la jaanqaadi karin awoodda dhaqaale ee dadka deegaanka. Canshuurtaasi ma aha mid ku kooban ganacsiyada waaweyn ama shirkadaha wax-soo-saarka leh, balse si toos ah ayay u taabanaysaa qof kasta oo suuqa wax yar ka iibinaya ama noloshiisa ku maareynaya ganacsi maalinle ah.
Waxa ugu daran ayaa ah in canshuurta laga qaadayo ay tahay mid joogto ah oo maalinle ah, taas oo aan loo eegin xaaladda ganacsadaha, faa’iidada uu helo iyo duruufaha nololeed ee haysta. Gacansatada yaryar, haweenka suuqa ku iibiya qudaarta, kalluunka, miraha iyo badeecadaha kale ee daruuriga ah, ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadan wajahaya.
Waxaa sidoo kale jira askar noocyo kala duwan ah oo lagu arkayo waddo kasta iyo bar-kontarool walba, kuwaas oo lacago kala duwan ka qaada gaadiidka, ganacsatada iyo xitaa dadka shacab usoo suuq tagaya, suuqa Afgooye, waxaana qofkii shey muuqada soo iibsada laga rabaa canshuur aan rasiid lahayn, (Tusaale hadii ad hal sariir alwaax ah soo iibsato) waxaa lagaa rabaa 1$ oo lacag ah 😢Lacagahaas badankood lama siiyo rasiidh cad, mana jiro nidaam hufan oo lagu hubin karo halka ay ku dambeynayaan.
Sida ay sheegayaan dad badan oo deegaanka ah, lacago badan oo laga qaado shacabka Afgooye ayaa si toos ah loogu shubaa Baydhabo, halkaas oo xarunta maamulka Koonfur Galbeed ku taallo, iyadoo aan dib loogu celin adeegyo bulsho oo la taaban karo sida horumarinta waddooyinka, caafimaadka, waxbarashada ama amniga dhabta ah ee dadka.
Meesha laga rabay in canshuurta lagu saleeyo awoodda ganacsi, laguna wajaho shirkadaha waaweyn iyo kuwa wax-soo-saarka badan, ayaa maanta loo rogay culays lagu saaray dadka danyarta ah. Tani waxay sababtay in ganacsiyo badan xirmaan, shaqo la’aan ay bataan, sicir-barar ka dhasho suuqyada, isla markaana kalsoonidii shacabka iyo maamulka ay hoos u dhacdo.
Canshuurta xad-dhaafka ah ma aha horumar, balse waa dib-u-dhac dhaqaale iyo mid bulsho. Haddii maamulka Koonfur Galbeed uu doonayo horumar waara, waa inuu dib u eego nidaamka canshuuraha, joojiyo askarta sharci-darrada ah ee shacabka dhibaateynaya, isla markaana sameeyo hannaan cadaalad ah oo canshuur uruurinta lagu saleeyo awood, hufnaan iyo isla-xisaabtan.
Ummadda Degmada Afgooye waxay u baahan tahay cadaalad, maamul u danqada, iyo canshuur loo qaado si waafaqsan sharci iyo awood dhaqaale. Haddii kale, culayska maanta jira wuxuu halis ku yahay nolosha, ganacsiga iyo xasilloonida guud ee degmada.

Ummadda Degmada Afgooye alle ha u gargaaro

28/12/2024

Welcome Hon Ibrahim Adan Ali - Najah mahadsanid H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen .

Hambalyo Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali - Najah 🎉 alle hakugu asturo xilkan .
28/12/2024

Hambalyo Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali - Najah 🎉 alle hakugu asturo xilkan .

🧄Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo.💵 Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo.Isagoon tartiib dhaqanin...
16/12/2024

🧄Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo.
💵 Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo.
Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe
Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo.

Abwaan Xasan Xayle (Gabaygii Looma Taag helo)

07/12/2024

Nabadeyn mise maslaxo dhaqaale:
Qoryooley oo in Muddo ah uu dagaal ma socday, ayaa waxaa la isku daayey dhawr jeer in labada dhinac la isku soo dhaweeyo oo la heshiisiiyo.
Dawladda KFG ayaa isku hawshay arintaan waxaana doorkii h**e ee dib u heshiisiinta jebiyey labada beelood mid ka mid ah.
Haatan oo heshiiskii h**e mid la mid la wado waxaana hadda qoryooley la isku keenay labadii beelood oo difaaca ukala xerna.
Blase cabsida ka taagan ee qof walba dareemayo ayaa ah in heshiiskaas la xagal daaciyo.
Sideedaba inta aan 2ba qof la heshiisiin la raadiyaa waxa keenay iska dhacooda.
Qoryooley waxa dagaalka keenay iyadoo aan la abaarina heshiis dhab ah ma muuqan doono.
2da boolood ayaa dagaalkooda salka ku haya awooda Maamul iyo midday ciidan.
Marxuumka Gobolka maamula ayaa isku dayaya in heshiiskan la dedejiyo maamadaan lacag dhaqaale lagu taageerayo ay taalo la rabo in sidaas lagu xalaalteesto lacgataaas.

DOOY Media Production isha wararka

Bismillahi Rahmaani rahiimUpdate Degmada Qoryoley Marka laga hadlaayo heshiiska ama ( islaaxa) waa wax ku qotama dhaqank...
03/12/2024

Bismillahi Rahmaani rahiim
Update
Degmada Qoryoley
Marka laga hadlaayo heshiiska ama ( islaaxa) waa wax ku qotama dhaqankeena suuban ee islaamiga ah iyo kan Somaliyeed .
Wllkei Mohamed Ibrahim Barre waxuu maray dhabada Guuldaradda ayadoo wali aan laga heshiinin Qodabada la isku hayy
Mohamedow (root of problem) ma xalisay si ayno wada arkeyno waa mya
Lkn Mohamed maxaa kugu kalifay heshiis maroorsiga oo la dhoodhobay oo Aad dabka basiin ugu shubtay
Ma waxaad moodaa In aad wax xalisay
Kursiga laguma joogo heshiis benaad hadii aad isleedahay ama lagu sawiray jogitaan aad joogeysid wllhi waad riyootay

DOOY Media Production

21/11/2024

maandhow ixsaan lagama
tago Eed hadaad fali

Hambaliyo General TIMACADDE, Taliyaha Qeybta 6aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Qeybta Konfur Galbeed Somalia....
19/11/2024

Hambaliyo General TIMACADDE, Taliyaha Qeybta 6aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Qeybta Konfur Galbeed Somalia.

Hambaliyo Mar kale.

Taliye Timacadde Horey usoo Noqdey Taliyaha Qeybta 60aad ee CXDS.

Degmada Afgooye waa meel wax laga gurto oo waxba aan loo qaban, Muuqaalka aan aragno waa igu sawir uu Mohamed Ibrahim Ba...
14/11/2024

Degmada Afgooye waa meel wax laga gurto oo waxba aan loo qaban,
Muuqaalka aan aragno waa igu sawir uu Mohamed Ibrahim Barre (marxuumka) u tahay degmada Afgooye taaso dadka Degan Aaga beerta sh Zaa'id ku saaranayaan Interlock waxayna Team qamadi ka dhigeen Mashruuc laso gaarsiyey Degmada Afgooye.
Dadka Degan afgooye oo aad uga war hayaa ayaa Comments kuso karbaashay igu sawirtan
Hoos ka eeg sawirka.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane  H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen  ayaa  la filayaa  marka uu ku laab...
11/11/2024

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa la filayaa marka uu ku laabto Baydhabo in uu sameeyo isku shaandheyntii uga adkeyd ee Golaha waziiradda .
Waziira badan oo hada xili haya
Ayay galaafan dontaa isbadaladaan dhacaya Sido kale
Waxaa uu isbadalka saameyn donaa
Mamuladda Gobolka shabelaha hoose iyo Gobolka bakool

DOOY Media Production

09/11/2024

Maamul xumo abaar ka darran.!!

Address

Hodan-Taleh-Mogadishu-Somalia
Mogadishu

Telephone

+252615009002

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DOOY Media Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DOOY Media Production:

Share