04/06/2024
48-DA SHARCI EE AWOODA
- [ ] 1. Haka ficnaan macalinkaga / hogamiyahaaga / qofka kaa sareya .ka dhig mid dareema kalsooni hana soo bandhigin awoodahaga si una ka kaa sareeya u dareemin awood la,aan kadibna uu bilaabin inu kula xifaaltamo.
- [ ] 2. Saxibada inbadan haku kalsoonan. Baro sida loo isticmaalo cadawgaga ,saxibada way ku qiyaami karaan laakin cadawgaga isticmaal .
- [ ] 3. Qari daremahaga .badana ka daremahaga kuwa aan la aqoonsan karin oo ay adagtay in la fahmo.
- [ ] 4. Badana hadalkagu yaanu badan . hadalkagu yaanu ka badan intii loo baahna .inta badan uu hadalkagu yaryahy waa inta badan aad awood yeelanayso.
- [ ] 5. Dadku waxay kaa aminsanyihiin micno malaha. waxa aad naftada ka aaminsantay ayaa ah waxa macnaha samaynaya kaana dhigaya mid guulaysta.
- [ ] 6. Wax-walba aragtida ayaa lagu qiimeya naftada ka dhig mid soo jiidasho leh si ay aqbaaladu u badato.
- [ ] 7. Waxba ha u qaban naftada ama juhdi haku bixin taaso ay cid kale kuu qaban karto. Hadii hawsha uu qofka ku qaban karo waa inad qofka u daysaa Kaligaa hadad is dhahdo meel ba gaadhaysa waxba ma qabanysid.
- [ ] 8. Ka dhig kuwa kale kuwo kuu imaada. Soo jidasho muuji kadib marka ay shabaqaqa kuso dhacaan weerar.
- [ ] 9. Guulayso adigo ficil samaynaya .haku guulaysan adigo murmaya ,muranka iyo cadho muujinta waxay badbaadin karaan cadawgaga badal fikradahaga ficilkaguna ha hadlo.
- [ ] 10.Ka fagaw caabuqa farxad la,aanta iyo nasiib darada.dareenada xun-xun waxay noqon karaan xanuuno waxay kaa luminayaan iyo awoodahaga.
- [ ] 11.Baro sidii ay dadku kugu tirsanan lahaayeen. waa inaad dadka dhigtaa kuw0 ku baahan ,isla marka ay noqdan kuwo kugu tiirsan waxay soo galayaan shaqabaqaaqa waxa aad rabtana way ku qabanayan.
- [ ] 12.Isticmaal daacidnimo xadidan si aad hubka uga dhigto cadawgaaga .baro in aad bixiso ka hor inta aanad qaadan ,waa hab aad cadawgaaga ku hanan karto.
- [ ] 13.Marka aad wax waydisanayso ka dhig waxa aad waydisanayso mid iyaguna dan ugu jirto.
- [ ] 14.U muuqo saaxib una dhaqan sidii sirdoon .markaad saaaxib iskaga dhigto adigoo ka faaidaysanaya oo hawshaada ka fushanaya waa guul.
- [ ] 15.Cadawgaga jabi guud ahaanba .tani waxay ka hor tagaysaa inu soo kabsado oo dib usoo laba kacleeyo cadawgagu.
- [ ] 16.Isticmaal maqnaansho si ay u korodho tixgalin iyo qadarin. Inta badan eed mid muuqda waa inta badan ee caadi lagu arki doono .iska dhig mid ay adagtay in la helo .
- [ ] 17.U nuuqo mid aan la qeexi karin ka dhig go,amada aad qadanayso kuwo aan lasii sheegi karin .
- [ ] 18.Kali ha uga bixin dadka .kali ahaanshuhu waa qatar hadad ka dhax baxdo aduunka waxad waayi dontaa fursado badan iyo xog badan oo faaido ku lahaa.
- [ ] 19.Ogow qofka aad la tacaamulayso . qof qaldan ha eedayn taa macnaheedu waa inad kala barata adigo eegaya xaga dabeecada muuqoda sare waxba ma sheegayo laakin u fiirso ficiladiisa iyo dhaqamadiisa.
- [ ] 20.Cidna ha doonan .hubi inaad dagaalka aan waxba tarayn ,haku dhax dhiman meel kugu haboonayn .
- [ ] 21.U muuqo doqon hana moodaan inay kaa fiican yihiin.marka ay aqoonsadaan inay wacanyihin k**a shakin doonan ficiladada iyo qorshayaashada.
- [ ] 22.Isdhiib inta aan gabi ahaanba lagu burburin kana faaidyso awooda lagu siiyo marka aad is dhiibto ,
- [ ] 23.Xooga saar awoodada .kordhi oo awood iyo lacag hel si ay qorshayashaadu kuugu shaqeeyaan.
- [ ] 24.Naftaada dib u habee ha aqbalin doorka ay dadku kaa aminayaan naftaada baro halkii ay dadku ku samayn lahaayen wajiyo badan waa inaad yelataa dareemahaga waa inaad xak**aysaa
- [ ] 25.Noqo xukume ama qaadi fiican oo hadii wax la isku qabsado dadku u yimaadaan.
- [ ] 26.Waa inaad gacmahaagu nadiifisa. Iska ilaali cadooyinka xun-xun.sida laguu arko waxay ku xidhantay waxad samayso isticmaal in aad eeda iska duwdo oo aan danbi lagugu qaban.
- [ ] 27.Samee dad ku taabacsan si aad ugu ciyaarto dadka baahiyadohoda.dadku waxay ku aaminayaan marka ay arkaan waxa aad tahay si aad u noqoto mid la aamino intan samee.
• Hadalada cad-cad iska ilaali ka dhig kuwo fudud balanqadkana badi
• Facelinta badi ama reactionka
• Kooxdada samayso adoo egaya siday u midaysanyihiin
• Qari daqligaga ama meesha wax kaso galan.
- [ ] 28.Ficiladada ku salee dhiiranan .waa caado aad u baahantay inaad barato dhiranantu.noqo qof dhiirsn oo wax walba qaban kara si aad u yeeato dadka dhaxdooda.
- [ ] 29.Qorshee ilaa dhamaadka .waa in hadafkaagu ku cadaado ,wax-walbo kaa hor iman kara qorshee tani waxay ka hor tagaysa wax walboo ka jojin lahaa guushaa qorhsee ilaa dhamaadka gusha.
- [ ] 30.Ka dhig guulahaga kuwo fudud .cidna ha iskaga sida aad ku gaadhay guulaha iyo siraha aad isticmaashay ,waxay ka dhigaysa inad haysato awood qarsoon oon cidi haysan.
- [ ] 31.Kantarool ama xakamee dookhoda . cadawgaga wax kala doransii laakin iyagu waxay moodi donan inay dookha leyihin balse ma oga inaad adigu labada dookh ba uso jeedisay aad adigu keentayba,isla markaa aad wax kala doran siiso waxad haysataa awooda.
- [ ] 32.Ku ciyaar dadka qiyaaligoda. Dadka runta hadad u sheegto kuma jeclan doonan ,samee sheeekoyin xiiso leh oo so jita si aad u hesho attentionkoda dareensi in aad shekoyinka qaar aad iskaga mid tihiin.
- [ ] 33.Raadi cadawgaga meesha ay ku liitan ,waxay ay ka xanaqan dhibta ay soo mareen,darenadooda.
- [ ] 34.U dhaqan sidii boqor si aad u noqoto adna boqor Sida aad adunka iskugu soo bandhigto ayaa ay dadkuna kuula dhaqmayaan ,naftada qiime baryada ama waydiintana yaree si aad u hesho qadarin.
- [ ] 35.Baro dulqaadka ha u ekaan mid degdeg badan baro sida loo sugo waqtiga saxda ah .
- [ ] 36.Iska indho tirida waa argosashada ugu wanaagsan inta badan ee anad danayn wa inta badan aad awodadu kordhayso .marka aad wax u danayso waxay ka dhigaysa inad waydo waxaas ama kaa baxsadaan,markaa waxa wanaagsan inad waxyaabaha qaar iskaga tagto.
- [ ] 37.Muqaalkagu waa inu muqda .muuji awood si laguu garto waxad tahay iyo waxa aad u socoto dadku waxay wax ku qiimeyan aragtida marwalba ogsonow intan.
- [ ] 38.U fikir sida aad jeceshay laakin u dhaqan sida dadka kale.hadad dadka kasoo horjesato dadku cadaw ayay kuu arki donaan laakin marka aad kasbato dadka ayaad ujedkaagana faafin kartaa.
- [ ] 39.Marka cadawgaagu xanaaqsanyahy waa inaad daganataa .hadad isdajiso waxad heli dontaa melaha ay ku liitan inta ay buqayan ama ay cadhaysanyihiin.inta badan ay xanaqsanyihiin waa inta badan ay awoododu hoos u dhacayso.
- [ ] 40.Ha aaminin wax walboo bilaash ah.wax-walba qiimo ayu leeyahay . inaad lacagtada wax ku bixisa waxay kaa badbadin karta shabaqyo badan oo laguu dhigi lahaa, ama danbi iyo eed lagu saari lahaa.
- [ ] 41.Ka fogow inad qof kaa wayn ama kaa h**eyay aad isku daydo inad la dagalanto . marna qof mesha kaaga so h**eyay hala ficiltamin adu sidada isku soo saar oo halagu barto ,magacagana kor u qaad.
- [ ] 42.Weerar adhi jirka ,adhigu wuu kala yaaci doonaa.waxa wanaagsan inad ogaato kooxda hogaankeda si aad awoododa u wiiqdo koox walba waxay ledahay hal qof ama laba maamule,waxadna joojin karta awooda ay kooxda ku mamumalayaan.
- [ ] 43.Ku shaqee qalbiyada dadka kale iyo maskaxahooda hano dadka qalbiyadoda adigoo ogaanaya meesha ay liitaan iyo daremahoda. Daacad ayay ku noqon donan kaamana so hor jeeesan donan marka waxa aad rabto ayay ku qaban karaan.
- [ ] 44.Samee waxa ay sameeyan ,waxayna kaa dhigaysa inay u arkaa inad la tartamayso sidaadana way u shaqayn donaan.waanad ku dul shaqayn san karta adigoo waxoodana la cunaya.
- [ ] 45.Gaadhsi baahida isbadalka laakin mar kaliya ha is badalin.hadii aad awood ama xil aad qabato xuahmee sida ay dadku u noolayeenuna sheeg iyaga in isbadal loo baahanyahay ka dhig isbadalkaga inu ka fiicanyahy kii ka h**eyay ama waqtiyadii h**e.
- [ ] 46.Ha u muuqan mid dhamaystiran iska dhigida mid aan gafaf iyo qaladad lahayn waa khatar iska dhig mid loo soo dhawaan karo adigoo ogolaanaya inay dadku kuso dhawaadan xasidnimada iska saar iyo inaad dhamays tahay .
- [ ] 47.Guusha hadad gaadho ha is raacraacin.kasii gudub oo qorshe kale samee.
- [ ] 48.Bilaa qaab noqo isbadalka noloshu yaanay daciif kaa dhigin noqo sda biyaha kuwaso aan lahayn qaab si walboo noloshu isku badasho adna waa inaad isla badali kartaa.