04/09/2026
Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo warsaxfaaded kasoo saaray weerarkii drone-ka ee guriga Jeneraal SHUB.
Caafimaad degdeg ah ayaan Alle u weydiinayaa Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ahaana taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhaawac ka soo gaaray weerar duqayn ah oo loo adeegsaday DRONE, kaas oo uu nidaamka muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud ku bartilmaameedsaday hoyga uu degmada Doolow ka deggenaa Jananku.
Weerarkan foosha xun ee lagu qadaay hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo muddo dheer usoo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu dhaawac ku yahay dowlad-dhiska dalka iyo dadaallada dib u heshiinta shacabka Soomaaliyeed, waana fal bahalnimo ah oo ay tahay inaan cod midaysan ku diidno.
Waa dhacdo ugub ah in beegsi noocan ah uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday u adeegsado siyaasiyiinta ka arragtida duwan, waxayna tallaabadan gurracani dalka dib ugu celinaysaa kala irdhowgii siyaadadeed ee dhaawacay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Mashaakilka ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waa mid siyaasadeed oo u baahan in loo maro wadada wadahadalka iyo dib u heshiisiinta, xalkeeduna kuma imaan karo khaarajin siyaasadeed (Political Assassination). Waxaan ku baaqayaa in baaris deg deg ah oo madaxbannaan lagu sameeyo weerarkan lagu bartilmaameedsaday Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
DHAMMAAD