16/02/2024
Bisha Soon waxa ay leedahay Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aad iyo aad ayay u karaameysay waxayna diinta ay geesay Bishaan boos aad uweyn.
Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun sidoo kale waa bil Dulqaad maxaa yeelay, qofka inta uu soomanyahay waxa uu dareemayaa Oon iyo Gaajo sidaas darteed, oonka waxa uu qofka uu barayaa Dulqaadka oo wixii nafsaddiisa oo jecleyd oo dhan ayuu ka tagayaa isagoo aaminsan inuu ilaahey dartiis u soomanyahay ajarna xisaabsanayo, sidoo kale gaajada waxay qofka ay bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.
Waa Maxay Fadliga uu leeyahay Soonka:
Soonka waxa uu leeyahay fadli aad iyo aad uweyn fadligaasi oo uu helayo qofkii Sooma waxaana ka mida fadliga uu leeyahay Soonka:
1 . qofkii Sooma bisha Ramadaan isagoo rumeysan ajarna xisaabsanayo qofkaasi waa loo dhaafay dambigiisii h**e.
2 . qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo.
3 . Soonka iyo qur’aanka Aakhiro way u shafeeco qaadaan qofka.
4 . Soonka waxa uu caafimaad u yahay Jirka.
5 . Soonka waxaa lagu dhaafaa dambiyada .
6 . Soonka qofka waxa uu siiyaa awood.
7 . Soonka waa gaashaan uu qofka uga gaashaanto Naarta.
8 . Soonka waa kafaaro gud, waxaa laguugu dhaafaa dhaaraha aad dhaarato.
Waa Maxay Faa’idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan
Faa’idooyinka Caafimaad uu soonka leeyahay waxaa ka mida:
1 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.
Soonka waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka bani’aadamka.
3 . Soonka waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaco Maqaarka.
4 . Soonka waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhaco saableyda.
5 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.
6 . Soonka waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo sidoo kale xanuunada kala gowsyada.
7 . Soonka waxa uu yareeyaa dufanta tirada badan oo ku jirta jirka qofka taasi oo dhibaysa caafimaadka jirka.
Waa Maxay Astaamaha Ay Leedahay Bisha Ramadaan
Bisha Ramadaan waxa ay leedahay Astaamo badan oo lagu yaqaano waxaana ka mida Astaamahaas.
Bisha Ramadaan: waxaa la soo dajiyay Qur’aanka Kariimka.
Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Janada iyo Cirka.
Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Naxariista.
Bisha Ramadaan: waxaa la xiraa Al-baabada Naarta.
Bisha Ramadaan: waxaa la xirxiraa Shayaadiinta .
Bisha Ramadaan: Dad ayuu Alle Naarta ka xoriyaa habeen walba.
Bisha Ramadaan: waxaa ku jira habeen ka qeyr badan kun bil