31/03/2026
Madaxweynaha xilka xoogga laga qaaday ee maamuulka Koonfur Galbeed ayaa diyaarad ka raacay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo isaga oo ku wajahan magalaada Nayroobi ee caasimadda Kenya.
Lafta Gareen oo maanta lagaga adkaaday Baydhabo ayaa guud ahaanba ka huleelay Koonfur Galbeed oo muddo 7 sano ah uu ka talinayey isaga oo laba maalmood ka hor sheegay in dib loo doortay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in Laftagareen laga dejiyo Muqdisho balse waxa ay u muuqataa in hadda go’aanku noqday in uu Nairobi u duulo.
Gallaydh TV