24/02/2026
Geesigii Soomaaliyeed ee Jebiyey Qorshihii Lagu Weerari Lahaa Xaramka iyo Qabriga Rasuulka ﷺ?
Qarnigii 16aad, xilligii ay awoodaha Yurub badda ku xoogeysanayeen, Boqortooyadii Portuguese Empire waxay damacday inay weerar ku qaaddo Madiina, isla markaana ay waxyeello u geysato Qabriga Nabi Maxamed ﷺ, si ay cadaadis ugu saarto Muslimiinta kadib markii Salah ad-Din al-Ayyubi uu Qudus ka xoreeyay Saliibiyiintii.
Qorshahaasi wuxuu ku xirnaa in xeebaha Geeska Afrika laga dhigto saldhigyo militari.
Laakiin Alle wuxuu u soo saaray hoggaamiye Muslim ah oo ka soo jeeda dhulka Soomaalida Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi (Axmed Gurey), hoggaamiyihii Adal Sultanate kaas oo si adag uga hortagay isbahaysigii Bortuqiiska iyo Xabashida.
Sanadkii 1542, waxaa dhacay dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii uu hoggaaminayay Cristovao da Gama, wiilkii Vasco da Gama. Ugu dambayn, ciidamadii Bortuqiiska waa la kala jebiyey, hoggaamiyahoodiina waa la qabtay.
Taasi waxay ka dhigtay dhulka Soomaalida in uu yahay mid ka mid ah difaacyadii ugu horreeyey ee ka hortagay faragelintii shisheeye ee ku wajahnayd dhulka barakeysan.