Abdullahi Guure

Abdullahi Guure “Wixii Eebbahay kuu cayimo kii cunaad tahay”.
—Khaliif Sh Maxamuud.

[لن تموت حتى تستكمل رزقها] صححه الألباني.

21/10/2024

Adduunyadan ninkii door ahaa uu dad qalatoobay!

Octoobareey adaa lahaa!
21/10/2024

Octoobareey adaa lahaa!

Inta badan waxaa lagu doodaa in awoodda dawladda aan hal meel lagu ururin ee la daadejiyo ama la baahiyo. Haddaba, awood...
12/10/2024

Inta badan waxaa lagu doodaa in awoodda dawladda aan hal meel lagu ururin ee la daadejiyo ama la baahiyo. Haddaba, awoodda oo baahda ayaa marar badan horseedi karta in dalku galo qalalaaso siyaadeed [political crisis], oo ugu dambeyn ku biyo shubta in qaranku burburo ama fashilmo[failed state].

Waa in la helaa awood dhexe [centralized power] oo maamusha ama maaraysa maamullada dalka. Haddii la waayo, oo awooddaasi meesha ka baxdo waxa xiga waa in cid walba wixii ay doonto samayso. Ganacsudu wuxuu doono ka ganacsado, siyaasigu siduu doono u socdo, kadibna ay meesha ka baxdo sharcigii iyo kala dambeyntii [law and order].

Qodobkaas innaga [Soomaali] ayaa tusaale fiican u ah. Muddo 30 sano ka badan ayeynu la'nahay dawlad dhexe oo si buuxda dalka uga arrimisa, Waana mid ka mid ah sababaha ay dawladnimadeennu u hanaqaadi la'dahay.

Dhanka kale, dad badan ayaa ku dooda in aan loo baahnayn dawlad dhexe oo xoog leh, taas beddelkeeda maamullada gobollada awood dheeri ah la siiyo. Malahayga, dadkaasi dantooda ayey ka dhex arkeen, laakiin inta laga helayo dawlad dhexe oo xoog leh [powerful state] xaaladdaas ayeynu ku jiri doonaa.

Waxa uu ku dhashay miyiga fog. Awoowihiis wuxuu sababsaday [cuntay] abeeso, oo uu u geeryooday. Markii uu miyiga joogay ...
09/10/2024

Waxa uu ku dhashay miyiga fog. Awoowihiis wuxuu sababsaday [cuntay] abeeso, oo uu u geeryooday.
Markii uu miyiga joogay cadowga ay reerkoodu lahaayeen waxaa ka mid ahaa bahala hoose, ee abeesadu ka mid tahay. Laakiin, hadda waa aqoonyahan bartay cilmiga beeraha iyo ilaalinta deegaanka. Waa kaas, waxaa murugo iyo uur-ku-taallo reebtay abeeso la dilay. Wuxuu u doodayaa, oo ka xunyahay dabar-jarka lagu hayo abeesada!

Haddii aad maqli jiray human rights activist markan waa Abeeso's right activist😃
Belo ku ciyaadhay muxuu waxbartay!

Dhaqaalaha iyo siyaasaddu waa isku sidkanyihiin, iyada oo aysan siyaasaddu [politics]hagaagin dhaqaaluhu ma hana qaadi k...
09/10/2024

Dhaqaalaha iyo siyaasaddu waa isku sidkanyihiin, iyada oo aysan siyaasaddu [politics]hagaagin dhaqaaluhu ma hana qaadi karo.

Dhanka kale, saboolnimadu waa doorasho, oo qolada hoggaanka haya ayaa si ula kac ah u hagardaameeya dadkooda iyo dalkooda. Iyagoo keliya fiirsanaya danohooda gaarka ah [self-interest].

Waa doodda ay qabaan labada nin ee qoray buugga caanka ah ee "Why Nations Fail."

05/10/2024

The true measure of our leadership is how we perform in volatile conditions versus in time of ease.

Nin baa laga sheegay inuu yidhi, when the fucts change, I change my mind. What do you do, mudane? Hadda ninkaasi waa Axm...
04/10/2024

Nin baa laga sheegay inuu yidhi, when the fucts change, I change my mind. What do you do, mudane?

Hadda ninkaasi waa Axmed e, markasta oo uu muuqaalka wajigiisa beddelo, aragtidiisa iyo qorshihiisa siyaadeedba wuu bedelaa.
Jaah [waji] cusub iyo jid cusub ayaa hal-ku-dhig u ah.

Axmed-kaasi waa nin wajiyo badan [multi-faceted]😃

03/10/2024

People can alter[change] their lives by altering their attitudes of mind.

06/09/2024

{ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَاذَا تَكْسِبُ غَدًا }.

“Waxaad goortan goorteeda mudan garanba maysaan."___Khaliif Sh. Maxamuud.

Sheeko beri la ii galay! Khaliif Sheikh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa abwaannadii foolaadka ahaa xilligiisii. Waxa lagu til...
31/08/2024

Sheeko beri la ii galay!

Khaliif Sheikh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa abwaannadii foolaadka ahaa xilligiisii. Waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa nin aan aragtidiisa la gabban, oo hadal cad.

Khaliif wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee taliskii Maxamed Siyaad ka horyimid ama diiday aragtidii iyo sidii ay dalka u maamulayeen madaxweyne Siyaad iyo xertiisu. Waxaa loogu xasuustaa gabayadiisii guubaadada u badnaa ee reeraha soomaalida kula hadlayey. Sida uu sheegay Abwaan Gaarriye, Khaliif gabaygiisu guubaabo iyo in taliska layska celiyo ayuu ahaa ee muusan ahayn inuu cid ama qabiillo si gaar ah u durayey, walow, dadka qaarkiis u fahmeen dhanka kale.

Aan usoo noqdo ujeedka qoraalkayga e, Khaliif wuxuu ka mid yahay ragga aan magacooda ugu hor maqlay marka laga hadlayo abwaannada ama suugaanyahanka Soomaaliyeed.
Malahayga, sababtuna waa in aan ku barbaaray deegaan abwaanka aad looga yaqaan. Haaheey.

Haddaba, waxa jirta sheeko uu iiga sheekeeyey in aan saaxiibbo ahayn, oo aannu isku deegaan, dugsi iyo malaha da'ba ahayn. Wuxuu iiga warramay waayihii iyo suugaantii Khaliif. Wuxuu kaloo ii sheegay dilkii iyo geeridiisii iyo weliba saamayntii ay yeelatay.

Arrinta xiisa leh ee uu ii sheegay ayaa ahayd in Madaxweyne Maxamed Siyaad uu aad uga xumaaday markii loo sheegay in Khaliif geeryooday. Dabcan, markaas la dilayo wuxuu ka mid ahaa mucaaradka hubaysan ee Maxamed Siyaad ee taliskiisa dagaalka kula jira.

Sheekadii uu saaxiibkay iiga sheekeeyey ayaan arkay iyadoo buug ku qoran, oo dib ii xasuusisay warkii saaxiibkay oo hadda la joogo muddo dheer.

"Haddaanay astaan lahaynAbbaar iyo nuxur lahaynAroor iyo raad lahaynAmmaaniyo qawl lahaynAsluub iyo dhaqan lahaynHadday ...
31/08/2024

"Haddaanay astaan lahayn
Abbaar iyo nuxur lahayn
Aroor iyo raad lahayn
Ammaaniyo qawl lahayn
Asluub iyo dhaqan lahayn
Hadday wada eexo tahay
Hadday wada "ANIGA" tahay
Siyaasadi Aabbe maleh"_____Hadraawi.

Siyaasadda soomaaliya waxaa go'aamiya hadba qofka kursiga ku fadhiya. Cidda lala saaxiibayo, cidda la soo dhoweynayo, cidda la dayrinayo kan lala dirirayo, iyo kan la doonayaba waxa ay ku xidhantahay ninka markaas kursiga ku fadhiya.

Ma jirto qorshe qaran, siyaasad iyo dano-qaran oo lagu sargooyo siyaasadaha isdiiddan iyo loollanka dunida iyo hareereheenna ka socda.

Dalka kastaa wuxuu leeyahay dano qaran [National Interest] oo uu ilaashado. Danaha qaranka laguma jaangooyo caaddifad iyo doonista hal ruux amaba koox gaar ah. Waa siyaasad iyo qorshe cad oo aan cidna ka gudbi karin. Hoggaamiye kasta oo yimaadaa wuxuu ku khasbanyahay inuu ilaaliyo danahaas qaran.

Soomaaliya marka la joogo ninka talada haya ayaa danihiisa iyo doonistiisa ku jaangooya danaha dalka oo idil.
Dhanka kale, wacyiga bulshada oo hooseeya, kala-qoqobnaanta bulshada oo inba meel lagu ooday, iyo weliba bulshada oo ah kuwo caadifaddu cirka marayso ayaa sabab u ah in ay gurdan-raac noqdaan, iyagoo aan garan karin halka laga jiro iyo jihada saxda ah.

Meel fog haka raadin qodobkan, keliya u fiirso maamulkii h**e [xilligii Farmaajo] iyo kan hadda jooga!
Farmaajo wuxuu siyaasadda ku jaangooyey cidda uu markaas dantiisa iyo doonistiisa ka dhex arkayey. Shacabkuna intii badnayd waa ay u riyaaqeen waana ku raaceen. Dad shalay Itoobiya u sacabtumayey, oo marka la weydiiyo: war Itoobiya saw tii cadowga koowaad inoo ahayd? "Mayee waxaas waa laga heshiiyey" kuugu jawaabayey, ayaa maanta qiiraysan, oo cadho iyo ciil in ay dillaacaan qarka h saaraan!

Ku darsoo, dalalkii dawladdii h**e [Farmaajo] shacabka cadowga uga dhigtay dhammaantood maanta waa xabiibka iyo xigtada koowaad ee aynnu haysanno!
Tusaale ahaan: Kenya, Jabuuti, Masar, UAE iyo qaar kale shalay cadow ayey ahaayeen maantase qaarkood ayaa la sheegayaa in ay inoo soo gurmanayaan si ay cid kale inooka ilaaliyaan!

Dhanka kale, kuwii shalay saaxiibka iyo sokeeyaha lagu sheegay, caawa waa cadowgeenna koowaad iyo cidda dalka laga difaacayo. Haaheey, waa sidaas.

Address

S
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullahi Guure posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share