04/07/2020
W/Q: Cayuuni Qurux oo ka hadashay Muuqaalkii ayada ku saabsana ee sida aadka ah looga hayay maalmahaan Baraha Bulshada❗
Asc
Ugu horeen ilaahey ayaa mahad leh oo ah cida kaliya ee mudan mahadnaq xilliga farxada iyo mida murugadaba, Sidoo kale waxaan rabaa in aan u mahad celiyo cid walba oo I garab istaagtay.
Qoraalkan waxa aan idinkugu soo qoray in aan runta idiin cadeeyo vedio-ga aniga igu saabsan ee meelaha la wareejinayay, horta aniga waxaan ahay ani iyo ilaaheey ayaa is og oo cidna maanta aragtidiisa waxba igama badalayso lkn vedio-gaas wuxuu ahaa Sanad iyo bar ka hor ( 1 Sanno iyo bar kahor).
Waxaa jiray Wiil aan wada soconay oo aan moodayay qof rag ah oo qiimo leh lkn alle ayaa og cid walba waxa ay tahay iyo waxa u qarsan, markii aan muddo wada soconay waxaan go’aansaday in aan kala harno, kadib muddo ayuu I daba socday oo uu raadinayay in xiriikii soo celiyo markii uu iga quustay ka dib ayuu maalin maalmaha ka mid ah ii soo diray vedio-gaan wuxuuna isku dayay in uu si qasab ah xiriirkeena u soo celiyo Ana waxaan ka fakaray in aan wadadaas xun sii qaado anigoo ka baqanaya vedio-gaas in uu faafo iyo in aan caqabadaan waajaho oo aan ku iraahdo waxaad doonto samee, waayo qofka maalin ayuu dhashaaa maalina wuu dhintaa in aan anigoo danbi qarinaya aan danbiyaalo nolashayda la haro sameeyo, waxaan ka doorbiday in nabarka uu hal mar igu dhaco ka dibna aan xor noqdo Sidaa darteed maanta wixii uu awooday wuu sameeyay.
Balse aniga waxaan rabaa in aysan I niyad jabin sababo ah waxaan ahay aniga iyo alle ayaa is og cabsi iyo cisina asaga ayaa iga mudan oo ay tahay in aan u wada laabano, lkn waxaa ila qaldanaatay in aan dambiyo kale sii galo inta aan ka fakarayo oo aan ka cabsanayo waxa bulshadu ku falcelin doonto.
Ugu danabayn codsi
Walaalayaal waxaa jira warar been abuur oo dad magacayga ku qortay iyo kuwa kaleba ay is dhex wadaan kuwaas oo dad aanan danbi lahayn sawiradooda meelaha soo dhigaya oo, balse waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo wararkaas Waa been abauur oo ma jecli in qof Bari ka ah been laga faafiyo sidaa darteed arinta qusaysa falcelinta iyo waxa aan ka yeeli lahaa qofka waxaas igu Sameyay waxaan rabaa in aan uga dambeeyo family gayga sidaa darteed waxaan si xushmad iyo qadarin leh idnkaga codsnayaa in arintaas aad joojisaan ka hadalkeeda oo aan u madax baneeyo qoyskayga.
Mahad sanidiin🥰🙏🏻
Walal share garee