14/10/2018
Abaal Marinta Caalamiga ah ee Wariyaha Ugu Adkeysiga ama Dhabar-Adeyga Badan 2018.
Waxa sharif weyn ii ah in aan ka mid noqdo sadax wariye oo sanadkan 2018-ka loo magacaabay in ay u tartamaan abaal marinta caalamiga ah ee Most Reselient Journalist .
Abaal marintan oo ay sanad walba bixiso hey'adda Free Press Unlimited ayaa sanadkan waxaa ku tartamay in ka badan 50 wariye oo ku kala nool daafaha caalamka ,balse sida lagu shaaciyay bogga Free Press ,aniga oo ah Maxamed Ibrahim Macalimuu ayaa ka mid ah sadaxda wariye ee loo magacaabay si k**a danbeys ah in ay abaal marintan ugu tartamaan taas oo ay go'aan k**a danbeys ah ay oo lagu shaacinayo guuleystaha ay gaari doonaan guddi xeerbeegti ah madax banaan .
Labada wariye ee kale ee iyaguna murashaxa u ah abaal marinta ayaa kala ah Abdulmonam Eassa oo u dhashay dalka Siiriya iyo Rana Ayyub oo ah saxafiyad u dhalatay dalka Hindiya.
Waxa jira wariyayaal Soomaaliyeed oo abaal marino kale oo caalami ah horey ugu guueystay balse ma jirin wariye Soomaaliyeed oo heerkan ka soo galay abaal marintan caalamiga ee sida weyn loogu loolamo.
Dabcan qof uun baa ku guuleysan doona oo si rasmi ah loo shaacin doonaa 2da bisha November.
https://www.freepressunlimited.org/en/nominees-free-press-awards-2018