Lama-filaan

Lama-filaan Hooyo, ardayad, qalin-maal iyo qof Alle u gargaaray.

Aniga oo jikada ku jira ayaa aan maqlay quruxda codkiisa iyo aayadaha qur'aanka uu ku akhrinayay. Isla markiiba waxa aan...
24/04/2026

Aniga oo jikada ku jira ayaa aan maqlay quruxda codkiisa iyo aayadaha qur'aanka uu ku akhrinayay. Isla markiiba waxa aan usoo tallaabo qaaday qolkii uu ku sugnaa, si aan u dhagaysto una dhuuxo macaanida kalmadaha Alle oo ku lagu lagu daray macaanida sowtkiisa suubban.

Markii uu dhowr suuradood si qiimo badan u mariyay ayaa uu gadaal ii soo jaleecay, waxa uu igu yiri; Yaa salaam waxa aan dareemayay neecaawda, udugga, qabow iyo jawiga quruxdiisa ileen nuurkaaga ayaa ifinayay qolka qaaliyeey?.

Intaan yara qajilay oo aan xishood ilqooraansi kaga eegay baa aan ku iri waxkasta oo qurxoon adiga ayaa ugu qurux badan misana qurxiya. Amar la'aan ayaan soo galay qolka ee ii ogoloow in aan sii dhagaysto codkaaga, ilaa laga gaarayo salaadda, maxaa yeelay laabta ayaa iigu xasilaysa, indhaha ayaa ku doogsanaya, qalbiga ayaa ku dararaya, dareenka ayaa ku hannuunaya, damiirta ayaa ku dhaqaaqaysa, guud ahaan oogada ayaa quudanaysa. Fadlan ii raaci oo iigu dar waanooyinkii iyo wacdigii aad waayo badan kusoo ababisay naftayda, si aan ugu sii raaxaysto nolosheenna qoysnimo.

Xayaati wanaagga iyo qiimaha Alle kugu galaday waxa aan ugu duceeyaa gabar walba, si wiilkasta oo dunida joogo u helo xaas raalliyo ninkeed u roon ah, sida adiga oo kale. Ma ogtahay in aan kugu tusaalaysto oo aan asaageey ugu faano qiimahaaga iyo sida aad ii qurxisay qalbi?.

Xabiibi raggimada la sheegaahi waa mid adiga kugu dhan oo aan aan aniga qudhayda niyadda kaga duceeyo hablaha dunida joogo, si ay u helaan halyeeyga ay hamminayaan in uu ugu yaraan meel uun kaa shaabaho, hadda waa meel uun.

Waxaa yar in la helo ixtiraamka, naxariista, daryeelka, caawinta, macaanida, soo dhawaynta iyo sida aan agtaada Dhayman uga ahay nin ay xaaskiisa uga tahay, waana sababta aan kuu lee yahay meel uun hakaaga ekaadaan ragga dunida joogo.

La'aantaa ragganimadu macno ma yeelateen macaan ee sidaada iigu sii roonoow Hodan hooyadeedeey.

Aniguba aawgaa ayaa aan u ahay marwo laga haybaysto, ee sidaada hoggaanka iigu haay Hanad aabbihiisoow.

Waanku jeclahay xabiibti, kaama maarmo.❣

Wadnahayga ayaa kuu jawaabay gacaliye.❣

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
23/04/2026

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: Daarul Maqaam.

21/04/2026

Waxaan ahay Lama-ilaawaan, kaliya maahi Lama-filaan.🙈🤣

19/04/2026

Dumarku waa mid ka mida awoodaha dunida ugu sarreeya, waxa ay karaan wax ay adag tahay in la wada haleelo, taasina waa deeq Alle ku manaystay.
Hablaha Soomaaliyeed badankood waxaa u dheer naxariis, axsaan, karti, naf hurid, deeqsinimo, jacayl, dhego nugayl, aqlaaq, dhowrsani, adkaysi, isku tashi, nadaafad, dulqaad iyo dhiifoonaan.❣

Raggeennu waa in gartaan oo garwaaqsadaan qiimaheenna iyo qaali ahaanshaha nafteenna.💯

Nimcada aan idiin nahay ku shukriya oo Alle uga baqa xuquuqaha iyo xurmada aan idinka mudannahay.👈

FG: Dad xuni xisaab malahane, aan xeerinno wixii nagu xeeran xaqiiqooyinkooda.

Codadka shimbiraha, qosolka carruurta, jabaqda dhirta, codka hoose ee uu ku ooyo, aabbaha xalka u waayay xaalka carruurt...
19/04/2026

Codadka shimbiraha, qosolka carruurta, jabaqda dhirta, codka hoose ee uu ku ooyo, aabbaha xalka u waayay xaalka carruurtiisa.

Ilmaha uurka hooyadii ku jira, odayga sariirta dhimashada saaran, ninka naagtiisa khiyaamaya, naagta soo noqoshada ninkeeda sugaysa rajada ay qabto.

Saaxiibada is waayay, deriska cusub ee is baranaya, ilmaha iskuulka bilaabaya, askariga dagaalka u baxaya dhiirranaanta uu dareemayo.

Sanqadha siiriga booliiska taraafikada, quruxda jacaylka ugub, qeylada kuwa is qaba, codka dheer ee xaakimku ku kala furayo lammaanaha, nolol cusub naawilidooda.

Dhiirranaanta kuwa guuldarraystay, rajada kuwa soo kabanaya, quusta kuwa ku daalay dhawrista wax khayr leh iyo ka quusadkayga in aan dib u helo xasiloonidaydii, waa qeyb yar oo kamid ah nolosha koonka ee iska soo horjeedda.

Fadumo Alimaad

31/03/2026

Salaam walaalayaal 💞
Inta badan dhallinyarada is doonaysaa waxa ay waalidiinta ama qoysaska labada dhinac is bartaan kolka ay sheekadooda soo gabagabowdo oo ay is guursan rabaan, taas oo qofkii ka dhigaysa in uusan waxbadan ka ogayn ama ka aqoonin dhaqammada qoyska uu rabi in uu ku biiro ama uu la xidido....

Qoysas badan oo is jeclaa ayaa ka dhaqmi waayay oo kasii jiri waayay, saamaynta xididku leeyahay daraadeed, sidaa awgeed SIDA AAD QOFKA ISKAGA FIIRINAYSO OO AAD ISKAGA BAARAYSO AYAA LA DOONAYAA IN AAD ISKAGA FIIRISO QOYSKA AAD RABTO IN AAD LA XIDIDDO...

Sidoo kale sida aad ilaahay uga baryayso in uu kugu beego qof wanaagsan oo hagaagsan, ilaahay u waydiiso in uu kugu aaddiyo qoys iyo xidid wanaagsan oo aan caqabad ku noqon noloshaada guur.. .

Mahadsanidiin walaalayaal......

Dr Zahra Mohammed

02/03/2026

In haweenkeennu ragga jecel yihiin waxaa tusaale kuugu filan, sida bisha soonka beerka u haro, miisaska hillibka iyo malaaygana ay u faaruqaan casar ka hor.🙈

Wixii iskaabulo ah ee aan haysan daris iyo qoys ka warqaba, gasacooda kalluunka iyo nuskiilada baastada ah, Alle ha u maceeyo.

Nin wayni, waa kii go'aan guur lahaadaa.

27/02/2026

-Waraa boollo warka isii

-Nabad, maxaa haysaa?

-Beello wallaahi, naag la'aan lee.

-Kuwii aad shabinaysay aaway?

-Filimkaas eey baa cunay, waana lagu kala baxay.

-Waxaas ma danbaa kuugu jirta, maalin waliba qof cusub iyo quraamis, ma daashid miyaa horta?

-War waxaas iga daaye qoftii maalin h**e war iga sii.

-Saaxiib gabadhaas waa qof isku tashtay, ciyaal suuq adiga camal ahna laguma aamino karo.

-Heey igadaa ciyaarta, anaa garteeda galayee adi ii salax uun.

-Aniga maa ku baraa gabar mustaqbal leh, dullinimadaada kala tag dumarka masaakiinta ah.

-Fiiri, aniga ha isaga key dhigin nin masjid ka addimee, caadi iska dhig. Midda kale adaa guursadee, ka warran nolosha buuqa iyo dabagalka badan.

-Saaxiib guurku waa nimco iyo naxariis haddii Alle ku waafajiyo qof wanaagsan, adigana lagaa helo ixtiraam iyo gudashada waajibaadka.

-Niyahow cid la aaminaba maleh, dumarkana suuqeey ku wada jiraan oo waa kuwaas innagab naga horreeya.

-Ina-adeer haku rafan hablaha islaameed, ma jiro dumar wada xun, sida aysan u jirin rag wada fiican.

-U maleynaa sanadkaan in la helaayo gabar nadiif ah, calashaan aan lagu xadgudbin.

-Haddii adiga aad dhabaq ku jirto, micnaheeda maaha in dadku wada dhooqaysteen. Boqolaal aan xitaa rag la hadal baa la helayaa, se sugaya nimankii saxda ahaa. Midda kale ma adaa isku wada maray se ku ogaatay cilmi-baaristaan?

-Haddii aan arki lahaa waaban guursan lahaa sow maaha?

-Xeyndaabka aad ku jirto, maaha mid ay u soo tallaabi karaan oo isku xudduudba ma tihiin.

-Maxaa ka waddaa?

-Wanaagga waxa uu soo jiitaa waxa wanaagsan, halka xummaantuna soo jiidato waxa ugu xun-xun.

-Nin wax haystaan ahay, dabcan diidmo ma jireyso.

-Dhaqaaluhu qof waa kuu soo jiidi karaa, se kuuma dhaqi karo, kuuma dhowri karo kumana dhaxalsiin karo. Maalku waxa uu qiimo yeeshaa marka uu qalbi, qurux, hibayn iyo qanaaco la socdaan.

-Maxaa talo ah marka?

-Is daahira, dawada kugu habboonna raadso.

SHEEKO RAGGEED

Muhiimadda Dhiirri gelinta Markii la xiray Imaam Axmed Bin Xanbal ayaa waxaa xabsiga lala geliyay tuug weyn oo caan ah, ...
26/02/2026

Muhiimadda Dhiirri gelinta

Markii la xiray Imaam Axmed Bin Xanbal ayaa waxaa xabsiga lala geliyay tuug weyn oo caan ah, tuuggan aad ayuu u ixtiraami jiray imaamka, cunto fiican oo banaanka looga keeno ayuuna wax ka siin jiray, maalin ayuu tuuggi dareemay in Imaam Axmed uu aad u xanuunsanayo, ciqaabtana laga badiyay, inta usoo dhawaaday ayuu ku yiri: Aaad ayey kuu ciqaabeen sax? Aniga xataa aad ayey ii ciqaabeen si aan u qirto xatooyada aan sameeyay weligeeyna ma qiran, waan u dulqaataa garaacooda oo ku sabraa anigoo xaq darro ku taagan, ka waran adigoo xaqqa ku taagan? Waa qalad in qof xaq darro ku taagan uu ka sabar bato qof xaqqa ku taagan, mowlaana iska jir in aad daciifto!

Imaam Axmed mar walbuu daciifnimo dareemo wuxuu xasuusan jiray hadaladi tuuggaas, adkeysi ayuuna ka sii qaadi jiray illaa sanado kadib uu dulmigi istaagay oo la sii daayay.

Muddo uu gurigiisa joogay oo daaweyn ku socotay kadib wuxuu raadiyay saaxiibkiis xabsiga kula jiray ee dhiirri gelin jiray balse waxaa loo sheegay inuu dhintay, wuxuu booqday qabrigiisa waana usoo duceeyay... habeenki ayuu riyo ku arkay isagoo jannada ku jiro wuxuuna weydiiyay: Jannada sidee ku gashay? Wuxuu yiri: Ilaahey wuu iga towbad aqbalay kadib markii aan kugula taliyay in aad dulqaadato oo kalimada xaqqa kor u qaaddo!

Dhiirri gelinta farqi weyn ayey sameysaa, in badan ayaa gaaray meelo aysan filaneyn kadib markii ay heleen qof dhiirri geliyo oo aaminsan.

Nasri Juka

25/02/2026

Gabarbaa ii soo qortay ragga ooyinta kuma qurxoona.

Koley cid ay labis u noqotay lama sheegin.🤣

23/02/2026

Ragga qaar, waxay yaqaanaan kaarto la yaab leh oo xaasidnimo ah oo xididkii naxariista iyo bini'aadannimada laga siibay.

Gabar wanaagsan ayaa u dhaxda oo laga yaabo in ay ilmo u heyso, ama ay markaas isku cusub yihiin oo ay uur u leedahay, ama weyba wada sheekeystaan oo wali qorshe guur ayaa u socda. Mid kale ayuu damac ka galayaa oo hoosta ku wataa.

Maalintaas ayuu miskiintii wuxuu ku billaabayaa eedeyn joogto ah, maseyr been ah, xariir la'aan, qeylo aan dhammaan, kiisa iska waal iyo xummaan oo dhan.

Intaas dhan wuxuu u sameynayaa si uu u niyad-jabiyo miskiinta oo ay ugu dambeyn ka codsato furriin, waana sidii uu awalba rabay oo qorshihiisu ahaa.

Gabadhii waxaa u bilaabaneysa nolol adag oo mugdi ah, feker, welwel, isla hadal, xanuun iyo dheko-faar. Taas oo laga yaabo in qalbigeeda uu dhaawac weyni soo gaaro, kana soo kabsan weydo oo ay sidaasna ku noqoto bukaan socod.

Hablow idinkuna, haddii uu nin adiga oo aanan waxba ka sameyn uu iska kaa maaggo,, waxba heys murjin ee aayar maskaxda si deggan uga shaqeysii oo ogow in ay arrimo kale jiri karaan.

Arrinkaas Alle SWT ha looga cabsado, waa arrin khatar ah runtii.

Hamda Ibraahim

"Marka aad gaarto da'da 25 sano ee aad wali la noshahay waaliddiintaada oo aad tahay shaqo la'aan iyo guur la'aan"Sawirk...
23/02/2026

"Marka aad gaarto da'da 25 sano ee aad wali la noshahay waaliddiintaada oo aad tahay shaqo la'aan iyo guur la'aan"

Sawirka hoose eeg waa sida ay Waalidintada ula muuqato Marka ay qolkaaga jiifka u so socdan.

25 sano jir " Iskaabulo ah" haddana shaqo la'aan ah Alle ha u gargaaro.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lama-filaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share