27/04/2019
Xamar ayaan ku dhashay oo aan ku koray hooyadey waxay dhashay kiligey waxaana ku soo koray nolol iska caadi ah maalin ma gajoon oo hooyadey.
Waxay aheed qof fir fircoon waxay laheed meherad lagu gado adeega sida yanyada,basasha,baradhada,
mooska,toonta,basbaaska iyo wixii adeeg ah .
Sidoo kale waxay shirko ku aheed suuqa gawaanka ee hilibka lagu qalo maalintii waxay qali jireen 5 ilaa 6 neef oo ari ah habeenkii marka ay guriga timaado waxay noo sameyn jirtay hilib iyo jabaati aad baan u ladaneen.
Waan qaan garay oo waxaan yeeshay reer ,ninka i guursaday wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan oo hooyadey saxiib la noqday
anigna waxaan ka dhigtay wehel iyo walaal ,midna ogsoonow aniga walaal ma laheen kiligay ayaa ahaa Aabahay waxaa lagu dilay Magaaladda bayadho
Anigoo arikin ayaa la dilay aabahay hooyadeyna nin danbe ma aysan guursan waxay isku taxluujisay in ay aniga i koriso alxamdullahi waan koray oo reer ayaan yeeshay
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa hooyadey iyo ninkeyga oo Isla socdo ayaa qarax loo dhigay nin maamulka ka mid ah kula qarxay weyna wada dhinteen 😭
Hooyadey waan wayey ninkeyga waan wayey maanta uur ayaan leeyahay ifka iima saarno aabe,hooyo,walaal hurdo fiican ma helo
habeenkii seexo marka aan is iraado waxaa i hor yimaada hooyadey iyo ninkeyga markaas baan hurdada ka sasaa oo wax aan sameeyo ma aqaan walaal ii ducee in uu ilahay iga qaado wal walka iyo hurdo yarida....
W/Q Dr.Cadceed.
Like saar Page-kan walaal si aad ula socoto qodobo aad u mihiimsan.