Ibrahim macalin "Jeylani"

Ibrahim macalin "Jeylani" hayaanka noolasha waa dheeryahey

30/09/2022
26/06/2022

𝘚𝘢𝘳𝘣𝘦𝘦𝘣𝘢𝘩𝘢 𝘈𝘧-𝘚𝘰𝘰𝘮𝘢𝘢𝘭𝘪𝘨𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘹𝘶𝘣𝘯𝘢𝘩𝘢 𝘫𝘪𝘳𝘬𝘢 𝘉𝘪𝘯𝘪 𝘈𝘢𝘥𝘢𝘮𝘬𝘢:

𝗚𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮:
- Wuu gacan adag yahay = Waa bakheyl
- Wuu gacan fudud yahay = Waa qof dagaal badan
- Wuu gacan dheer yahay = Waa tuug ama qof shaxaad badan.

𝐀𝐟𝐤𝐚:
- Wuu af dheer yahay = Waa rufyaan dad isku dira
- Wuu af gaaban yahay = Waa qof degan
- Wuu af macaan yahay = Waa qof been badan ama hadal un wax ku maareeya.
- Wuu af xun yahay = Waa qof caay badan
- Wuu af adag yahay = Waa qof aanan hadalka la gabban qof walbuu la hadlayaba, wax laga gaabsadana ku hadli kara.

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗮:
- Wuu madax adag yahay = Waa qof fahan yar ama talo & tusaale diid ah.
- Wuu madax yar yahay = Waa qof fud fudud ama qof aanan wax badan ogeyn, wixii loo sheegana horay ka qaadanaya.

𝙌𝙚𝙮𝙗𝙩𝙖 𝙭𝙞𝙜𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙡𝙖𝙨𝙤𝙘𝙤𝙙 𝙬𝙖𝙣𝙖𝙜𝙨𝙖𝙣

28/05/2022

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri" قال تعالى : { تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas: Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad: Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :
(ويطوف عليهم ولدان مخلدون إذا رأيتهم حسبتهم لؤلؤا منثورا} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan Waxaad soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy الرحمن " الرحيم ا

Ama Nabiga Ku Salli scw Ducadana Raaci.scw scw scw scw scw scw💗👇.

Ustaad Saciid Cusman Xaaji Xassan......✍

Software development life cycle
18/05/2022

Software development life cycle

09/12/2021

Sodoh diid hooya diid sooma ahan?

Muqdishay muuq wanaagMuuqaada wuu wuxuu iga fican yaheyQaradaha oo dhan Rabbi heybadaadi hasoo celiya
15/08/2017

Muqdishay muuq wanaag
Muuqaada wuu wuxuu iga fican yahey
Qaradaha oo dhan
Rabbi heybadaadi hasoo celiya

Boondheera meel jirta iga dheh
04/08/2017

Boondheera meel jirta iga dheh

some  time luqa ya punda  faidey leedahey aleen
13/06/2017

some time luqa ya punda faidey leedahey aleen

12/06/2017

Rabbi nabad iyo noolal wanaagsan hainasiiyo

Address

Mogadishu

Telephone

+252627113114

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim macalin "Jeylani" posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category