S24 S24 waa shirkad warbaahineed oo soo tabiso wararka sugan ee siyaasada oo sax ah ee dhaca gudaha dalkeena Soomaliya iyo daafaha Caalamka.

28/03/2026

Xasan shiikh oo si kulul ugu jjawaabay siyaasiyiinta diidan doorashada qof iyo codka ah

 : Xildhibaan Abdirahman Odowa oo hada si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubanimadii uu ka haayay xisbiga JSP ayaa s...
25/03/2026

: Xildhibaan Abdirahman Odowa oo hada si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubanimadii uu ka haayay xisbiga JSP ayaa soo saaray warsaxaafadeedkan:

WAR-SAXAAFADEED:

Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda:

1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

DEG-DEG : Golaha wasiirada ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Asluubta Mahad “Shub “ kaas oo Sidoo kale ahaa sodoga...
25/03/2026

DEG-DEG : Golaha wasiirada ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka Asluubta Mahad “Shub “ kaas oo Sidoo kale ahaa sodoga Mw Koofur Galbeed Laftagareen .

25/03/2026

"Waxaan Cafis u Fidinay Ciidanka qaranka ee Dowladda soomaaliya ay qaladay "

Afhayeenka Maamulka KGS Ugaas Xasan

Wasiirka Dekedaha JFS, Mr.Jaamac: "Farmaajoow Duqa (Laftagareen) Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon ...
24/03/2026

Wasiirka Dekedaha JFS, Mr.Jaamac: "Farmaajoow Duqa (Laftagareen) Xildhibaano uu kaaga soo qorey KGS Madaxweyne ku noqon meysid, waa calaalal tima ka soo baxeen ee carrabku yuu kaa qalalin."

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in DFS bixinayso Mw Laftagareen: " Tiitiinkaad noo abuutey waa iska siibeynaa maalmah soo socdo."

23/03/2026

" Bililiqada aad kula kacdeen Guriyaheena waa la idinka soo celina ma heysan meysaan " Wasiir Xasan Eelaay

17/03/2026

DEG-DEG: Koofur Galbeed "AS cusub ayay Dowladda Federaalka ku beeraysa deegaannadeena Kgs , xiriirka ayaan u jarnay"

Waxaa xiran saddex ka mid ah dhalinyarada u dooda xuquuqda wadayaasha bajaajta ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo kala  Mr. ...
12/03/2026

Waxaa xiran saddex ka mid ah dhalinyarada u dooda xuquuqda wadayaasha bajaajta ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo kala Mr. Saan miyaa, Cabdi Dheere iyo Sacdiyo Bajaj oo iyadana saakay la xiray iyado live tiktok ku jirto.

Xarigooda ayaa yimid ka dib markii ay shalay dhigeen isku soo baxyo ay uga soo horjeedeen ganacsatada shidaalka oo maalinba maalinta ka dambaysa kor u qaadaya qiimaha shidaalka.

Dhalinyaradan ayaa dowladda Federaalka ka dalbaday inay soo farageliso ganacsatada oo iyagu isku bahaystay go’aan ka gaarista qiimaha shidaalka, balse taa bedelkeeda waxaa xabsiga loo taxaabay dhammaan dhalinyaradii ku hadlayay codka wadayaasha bajaajta.

11/03/2026

Daraawalada Mooto Bajaajta ayaa dibad bax ka dhigay Magaalada Muqdisho iyaga oo ka cabanaya qiimaha Shidaalka La iibiyo.

08/03/2026

Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud ayaa saxiixay Dastuurka dhawaan ay xildhibaanada laba aqal ay u codeeyeen wax ka badalkiisa.

07/03/2026

Wasiir Fiqi " Shabaab dhul kaliya k**a qaadan ee diiinta xitaa waan ka qaadanay "

04/03/2026

Halkaan ka aqriso qodobada ogu xiisaha badan Dastuurka cusub ee Soomaaliya:
-----
1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.

2-Xildhibaannada waxaa dooranaya shacabka.

3-Ra’iisul wasaaraha waxaa magacaabaya madaxweynaha.

4-Ra’iisul wasaaraha waxaa xilka ka qaadi kara Baarlamaanka.

5-Qofku labo jeer ayuu dalka madaxweyne ka noqon karaa.

6-Da'ada ugu yar ee qofka noqonaya madaxweyne waa 40 sano, da'ada weynaanta lama xadidin.

7-Madaxweynuhu waa inuu yahay Soomaali iska dhal ah. Micnaha qof hooyadii ajinabi tahay madaxweyne k**a noqon karo Soomaaliya.

8-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, labada gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare waxaa ka mamnuuc ah iney yeeshan jinsiyad labaad. Waa iney celiyan jinsiyadda ajinabiga ah markii la doorto ama la magacaabo.

9-Madaxweyne, ra'iisul wasaare, gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare ma noqon karo qof leh xaas ajinabi ah.

10-Maqaamka Muqdisho wuxuu noqonaya gobal caasimad ah, dadka caasimadda degan ayaa dooranaya Golaha deegaanka oo dooranaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo Golaha caasimadda oo iyaguna dooranaya duqa magaalada. Dowladda Federaalka ah ayaa Muqdisho usoo magacaabeysa masuul sare oo maamulaya amniga iyo siyaasadda Muqdisho, halka duqa magaaladu uu masuul ka noqonayo heer maamul.

11-Hadii uu xildhibaanku wasiir noqdo wuxuu luminaya kursiga xildhibaanimada. Qofka badalaya waxaa la waafajinaya xeerka doorashada.

12-Da’ada qaangaarnimada diiniga ah waa 15 sano, da’ada qaangaarnimada masuuliyadda ama xilkasnimada waa 18 sano.

13-Mudo xilleedka rasmiga ah ee Dowladdu waa 5 sano.

14-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo labada gudoomiye Baarlaman waa iney hantidooda guurtada iyo ma guurtada ah u gudbiyan Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka guusha doorashada ama magacaabista kadib.

15-Da'ada xildhibaanka ugu yaraan waa 25 sano, da'ada ugu yar ee wasiirkana waa 30 sano.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when S24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to S24:

Share