20/11/2025
: UK oo u sheegtay muwaadiniinteeda go'aan ku saabsan E-Visaha Soomaaliya.
Dowladda UK ayaa sheegtay dadka haysta dhalashada dalkeeda marka ay u safrayaan Soomaaliya in ay haystaan - . Dadka ayaa loo sheegay in ay qasab tahay in ay haystaan dalku galka ah marka ay u safryaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay UK sheegtay in looga baahan yahay dal ku gal dadka aadaya magaalada Hargeysa.
Waxaa lagu weydiin karaa in aad haysato dal ku gal xitaa haddii aad Hargeysa u safreyso si aad diyaarada u raacdo, marka aad tagto Hargeyso fiisahaas looma tixgelinayo mid sax ah.
Marka aad Hargeysa gaarto waxaad iibsaneysaa Fiiso aad ku gasho Hargeysa kaas oo ku eg muddo bil ah.
Arrintan ayaa u muuqata in qof kasta ee ka baxaya UK ee tagaya meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya in looga baahan yahay Fiiso xitaa hadii uu qofka u safrayo Somaliland.
Somaliland lagama aqoonsano E-visaha ay soo saartay dowladda federaalka. Wasiirka Duulista, Fu'aad Axmed Nuux, waxa uu BBC-da u sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Soomaaliya, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba.
Hay'adda Socdaalka ee Somaliland ayaa sheegtay in ay amar ka soo saartay E-visaha kaas oo dhigaya in aan lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana la la diidi doono in ay Somaliland soo galaan, waxeyna ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunku ku leedahay, markaa E-visa k**a shaqaynayo Somaliland ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay la wadaageen amarka shirkaddaha diyaaraddaha, safaaraddaha iyo dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofayaa.
Nidaamka E-vsaha ayey dowlada federalka Soomaaliya dhaqangelisay kowdii bishii Sabtambar ee sanadkan taas oo ku qasbeysay qofkasta oo dalka galaya in uu soo dalbado fiiso ka hor inta uusan dalka imaan. Ujeedka loo soo saaray ayey dowladda ku sheegtay in ay tahay mid lagu casriyeynayo habka dalka lagu soo galo.