04/05/2026
Dadka badanaa waxay u maleynayaan:
Logo-du in ay tahay wa kor uqaada Brand-ka
Laakiin taasi waa khalad.
Apple ma ahan mid ku guuleysatay sababta logo-da.
Waxay ku guuleysteen sababhaan:-:
โ๏ธ Istaraatiijiyad cad
โ๏ธ Faham qoto dheer oo ay macmiilkooda u leeyihiin
โ๏ธ Joogteyn
Logo_du kaliya waa 10% ee brand-ka.
Marka aad rabto inaad dhisto brand, ha u malayn
in haddii aad logo sameysato aad brand dhistay.
โข Logo waa calaamad kaliya
โข Brandku waa Qorshe + khibrad + sumcad iyo Joogtayn laysku lifaaqay
Samee tan:
โข Dhis qorshe qoto dheer
โข La imaw wax ka duwan kuwa kale
โข Ka dhig brand-kaaga mid dadku ka hadlaan xitaa marka aadan la joogin
Laakiin hal shardi: waa in si positive ah looga hadlaa.
Tusaale:
Ka fikir Laba coffee shop:
Coffee shop A:
โข Logo qurux badan
โข Adeeg xun
โข Dadka lama xushmeeyo
Coffee shop B:
โข Logo fudud
โข Adeeg aad u fiican
โข Macmiilka si gaar ah ayaa loogu adeegaa
Dadku waxay dooranayaan Coffee shop B
Waxayna u sheegayaan saaxiibadooda
Taasi waa brand-ka dhabta ah.