Royal Designs

Royal Designs Royal Designs is a full service digital advertising company located in Mogadishu, Somalia with a str

Royal Designs is a full service digital advertising company located in Mogadishu, Somalia with a strong focus on responsive digital designs and marketing.

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo! Waa Royal Designs oo idin leh Ciid wanaagsan dhamaan umadda muslimiinta meel weliba aad jo...
15/06/2018

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo! Waa Royal Designs oo idin leh Ciid wanaagsan dhamaan umadda muslimiinta meel weliba aad joogtaan.

https://youtu.be/c_ExDQwQiGE
03/06/2018

https://youtu.be/c_ExDQwQiGE

Royal Designs is a full service digital advertising company located in Mogadishu, Somalia with a strong focus on responsive digital designs, video ads, web a...

28/05/2018

Nagula soo biir shirkadda naqshadaha ee Royal si sare loogu qaado badeecadaada ama adeegaaga.

25/05/2018
24/05/2018

Ramadaan kareem

Royal Designs is a full service digital advertising company located in Mogadishu, Somalia with a str

Ramadan kareem
21/05/2018

Ramadan kareem

Ganacsiga maanta ee Online ka, waa u muhiim naqshad qurxoon.Si aad u hesho macaamiil badan. .
11/04/2018

Ganacsiga maanta ee Online ka, waa u muhiim naqshad qurxoon.

Si aad u hesho macaamiil badan.

.

U doono jiifaf ku raaligeliya oo qiimo jaban carwada Al-muftaax Furniture. Carwada waxay ku taallaa suuqa Bakaaraha, wax...
29/03/2018

U doono jiifaf ku raaligeliya oo qiimo jaban carwada Al-muftaax Furniture. Carwada waxay ku taallaa suuqa Bakaaraha, waxayna dhabarka ku heysaa suuqa Khaliifa.

Wixii faahfaahin dheeri ah ka wac nambar-ada hoos ku xusan:
0612222824 ama 0615522261

SIDEED U HORMARIN KARTAA GANACSIGAAGA?Ganacsiga Soomaaliya  wuxuu leeyahay  fursado  badan oo hormar leh, waase hadii la...
27/03/2018

SIDEED U HORMARIN KARTAA GANACSIGAAGA?

Ganacsiga Soomaaliya wuxuu leeyahay fursado badan oo hormar leh, waase hadii lagu kabo aqoon. Qoraalkan waxaan ugu talo galnay in ganacsatadu ay ka faa’iidaystaan casharkan hadii ganacsigaaga uu mudo shaqaynayay ogow wali fursad baad u haysataa inaad wax ku hormariso.

Hadaba waxaan halkaan kusoo gudbinaynaa in uu qaato ganacsi kasta tobanka tallaabo ee soo socda waxeey kaa caawin doonaan inaad cilmiyayso ganacsigaaga.

TALLAABADA 1AAD: FIKRAD

Ganacsi kasta wuxuu ka bilawdaa aragti, ama fikrad meel kasta oo aad ka heshaba, ganacsigu wuxuu ka bilowdaa fikrad kugu dhalata .

TALLAABADA 2AAD: SAMEE CILMI BAARIS.

Hadii ay fikrad wanaagsan kugu soo dhacday waa inaad ku dheelli- tirtaa xaqiiqada. Fikradaada ganacsi waa inay xallinayso dhibaato jirta, ama ay daboolayso baahi jirta, ama ay keeneyso wax uu suuqu doonayo, si aad u ogaato baahidaas waxaad sameyn kartaa cilmi-baaris, sida kulan aad la yeelato dad kooban oo khubaro ah ama inaad suuqa ku tijaabiso si kooban.

Intaad daraasadda sameyneyso waa inaad isweydiiso su’aalahan: Baahi ma loo qabaa badeecaddan /adeeggan? Yaa u baahan? ma jiraan shirkado kale oo badeecaddan /adeeggan bixiya? Waa side heerka tartanka? Halkuu ganacsigan ka gali doonaa suuqa?

TALAABADA 3AAD: QORSHE SAMEYN

Waa inaad qorshe sameyso si aad ganacsiga uga dhigto mid run ah, qorshe qoran wuxuu khasab yahay marka aad maalgalin ka dooneyso dad ama banki wax maalgeliya .

Xitaa haddii aad filaneyn maalgelin dhaqaale , haddana qorshe ganacsi oo aad sameysato wuxuu kaa caawin doonaa inay kuu caddaadaan waxa aad rajeyneyso inaad ku guuleysato iyo sida aad u qorsheyneyso inaad hadafkaaga ku gaarto.

4) TALLAABDA 4AAD: QORSHAHA MAALIYADA GANACSIGAAGA.

Khasab ma ahan in ganacsiga aad billaabeyso uu u baahan yahay lacag badan, laakin waa muhiim maalgelin billow ah, intay doontaba ha la ekaatee.

Meelaha aad dhaqaalaha ka heli karto waxaa kamid ah: saamiley ama mid kamid ah bankiyada dalka ka jira.

TALLAABADA 5AAD: QAAB DHISMEEDKA GANACSIGA

Ganacsigaaga wuxuu noqon karaa mid aad kaligaa leedahay, mid ay dad tiro ah kula leeyihiin, ama shirkad saamileey ah, qaabka aad doorato wuxuu saameyn ku yeelan doonaa magaca, deymaha lagu leeyahay ganacsiga iyo qaabka aad canshuraha u bixiso.

Waxaa suurtogal ah inaad marka h**e doorato qaab-dhismeed, adigoo dib u qiimeynaya oo beddelaya qaab-dhismeedka marka uu ganacsigaaga kobco, isla markaana ay baahidu timaaddo.

TALLAABADA 6AAD: XULASHADA IYO DIINWAAN GELINTA MAGACA GANACSIGA

Magac-bixinta ganacsigaaga waxay kaalin muhiim ah ka ciyaari doontaa qeyb kasta oo kamid ah ganacsigaaga, adigoo arrintaas maanka ku haya, ka feker oo xulo magac ku habboon ganacsigaaga.

Soomaalidu arintaan tixgelin weyn ma siiso, waana wax caadi ah inaad aragto magacyo aan munaasab ku ahayn ganacsiyada loo bixiyay. Marka aad magaca xulato ku dadaal inaad diiwaangeliso, sidoo kale ku diiwaangeli magacaaga barta internet-ka.

TALLAABADA 7AAD: OGOLAANSHAHA IYO RUKHSADDA.

Waa inaad qaadato oggolaanshada iyo rukhsadaha ganacsiga aad ka shaqeyneyso, tasoo ku xiran hadba nooca ganacsi aad ka shaqeyneyso , waxaadna ogolaanshahaa iyo rukhsaddaas ka heli kartaa Rugaha ganacsiga iyo warshadaha, Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dowladaha Hoose.

TALLAABADA 8AAD: XARUNTA GANACSIGA

Waa muhiim inaad go’aan ka gaarto xarunta ganacsi ee aad ku shaqeyn doonto, waa inaad ka fekertaa goobta , qalabka iyo guud ahaan qaabka shaqo, iyadoo arrimahasina ay ku xirnaan doonaan hadba ganacsiga aad ka shaqeyneyso.

TALAABADA 9AAD: QAAB XISAABEEDKA

Ganacsigu ma shaqeyn karo nidaam la’aan, mid ka mid ah nidaamyada ugu muhiimsan ee ganacsiga waa nidaamka xisaabta maaliyadeed ee shirkadaha. Nidaamka xisaabta wuxuu muhiim u yahay inaad sameyso oo aad maamusho miisaaniyaddaada , aad dajiso qiimayaal , aad ganacsi la sameyso shirkado kale ama aad caanshuur ku bixiso.

Khasab ma aha inaad isticmaasho nidaam xisaabeed oo ku shaqeeya kombuyuutar(Computer) ee waxaad adeegsan kartaa qaabka ugu habboon ee hadba la jaanqaadi kara awoodda shirkaddaada , waxaana ugu yar buug diiwaan ah , waxaana ku soo xiga barnaamijka Excel ama wixii la mid ah.

TALLAABADA 10AAD: SUUQ-GEYNTA GANACSIGAAGA

Marka ganacsigaaga uu shaqo billaabo waxad u baahan doontaa inaad caan bixiso

Waxaad u bahan tahay inaad ogaato waxa dadka ku dhiirrigelinaya inay badeecaddaada ama adeeggaaga ay iibsadaan, Waa inaad sameysaa xayeysiin adigoo ka fekera qaabka ugu habboon Ee aad dadka kugaari kartid. Marka aad xayeysiinta sameyneyso waa inaad ka fekertaa farriinta aad Dadweynaha gaarsiineyso iyo warbaahinta aad u mareysid

XIGASHO: Mohamed Sharif

Royal Designs: 'Rumeeyaha riyadaada'.

Address

Jaale Siyaad Road, Wadajir District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252 618 476390

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Royal Designs posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Royal Designs:

Share

Royal Designs

Royal Designs is a ‘wall-to-wall digital services partner’ for all your requirements related to Digital Marketing solution. Our young passionate team of digital marketing enthusiasts comprising of specialists in insights and analytics, strategy and planning, search marketing, social media, content development, web ads are always motivated to do world class work.

We create better customer experience by combining the use of technology, creativity, insights and analytical expertise to improve marketing of your products and services.

Royal Designs has grown in reputation as an Integrated Digital Marketing Solution & service provider in a short period of time. The organization was founded in 2018.

Why Royal Designs?