Azhar Digital

Azhar Digital 🎯Our mission is to help businesses grow with professional design, smart marketing, and strong brand identity.

Follow us our Tiktok Acc👇
tiktok.com/

Sawirro qeybta 2aad:𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜 ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaddib markii uu mudd...
31/08/2026

Sawirro qeybta 2aad:

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜 ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaddib markii uu muddo laba maalmood ah ka socday Beerta Banaadir. 🎓✨

Labada maalmood, ardaydu waxay heleen fursad ay ku ogaadaan Jaamacado, Xirfado, Isbitaallo iyo fursado kala duwan oo ku saabsan waxbarashada iyo mustaqbalkooda.

Waxay ahayd laba maalmood oo ay ka buuxeen aqoon, is-dhexgal, fursado iyo dhiirrigelin, kuwaas oo ardayda ka caawinaya inay si wanaagsan u qorsheystaan mustaqbalkooda. 📚🚀

🎥 𝐀𝐳𝐡𝐚𝐫 𝐃𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 | 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐚 𝐂𝐨𝐯𝐞𝐫𝐚𝐠𝐞
Azhar Digital
KOBAC Tababaridda La-Talinta & Wacyigelinta

Sawirro qeybta 1aad:𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜 ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaddib markii uu mudd...
31/08/2026

Sawirro qeybta 1aad:

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐨𝐛𝐚𝐜 ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaddib markii uu muddo laba maalmood ah ka socday Beerta Banaadir. 🎓✨

Labada maalmood, ardaydu waxay heleen fursad ay ku ogaadaan Jaamacado, Xirfado, Isbitaallo iyo fursado kala duwan oo ku saabsan waxbarashada iyo mustaqbalkooda.

Waxay ahayd laba maalmood oo ay ka buuxeen aqoon, is-dhexgal, fursado iyo dhiirrigelin, kuwaas oo ardayda ka caawinaya inay si wanaagsan u qorsheystaan mustaqbalkooda. 📚🚀

🎥 𝐀𝐳𝐡𝐚𝐫 𝐃𝐢𝐠𝐢𝐭𝐚𝐥 | 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐚 𝐂𝐨𝐯𝐞𝐫𝐚𝐠𝐞
Azhar Digital
KOBAC Tababaridda La-Talinta & Wacyigelinta

Aqoontu waa bilowga fursadda. Fursadduna waa bilowga guusha. 🌟Bandhigga Waxbarashada ee Kobac ayaa maanta si rasmi ah ug...
30/08/2026

Aqoontu waa bilowga fursadda. Fursadduna waa bilowga guusha. 🌟
Bandhigga Waxbarashada ee Kobac ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Beerta Banaadir, iyadoo ay kasoo qeyb galeen arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maalinta 1-aad, ardaydu waxay fursad u heleen inay si dhow uga bartaan Jaamacado, Xirfado, Isbitaallo iyo fursado kala duwan oo ka caawin kara qorsheynta mustaqbalkooda waxbarasho iyo xirfadeed.

Explore. Learn. Choose your future. 🚀

Azhar Digital
KOBAC Tababaridda La-Talinta & Wacyigelinta

𝐍𝐚𝐪𝐬𝐡𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐦𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐪𝐮𝐫𝐮𝐱 𝐨𝐨 𝐤𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚; 𝐰𝐚𝐚 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐢 𝐬𝐚𝐱 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐚𝐡.Ma u baahan tahay 𝐒𝐨𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐌𝐞𝐝...
29/08/2026

𝐍𝐚𝐪𝐬𝐡𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐦𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐪𝐮𝐫𝐮𝐱 𝐨𝐨 𝐤𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚; 𝐰𝐚𝐚 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐢 𝐬𝐚𝐱 𝐚𝐡 𝐥𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐚𝐡.

Ma u baahan tahay 𝐒𝐨𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐌𝐞𝐝𝐢𝐚 𝐏𝐨𝐬𝐭 𝐃𝐞𝐬𝐢𝐠𝐧 oo si xirfad leh u soo bandhigaya fikradaada? 🚀

✨ 𝗡𝗮𝗾𝘀𝗵𝗮𝗱 𝘀𝗼𝗼 𝗷𝗶𝗶𝗱𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗹𝗲𝗵
📱 𝗞𝘂 𝗵𝗮𝗯𝗯𝗼𝗼𝗻 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮
💡 𝗖𝗿𝗲𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲 & 𝗣𝗿𝗼𝗳𝗲𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗗𝗲𝘀𝗶𝗴𝗻
🔥 𝟯𝟬% 𝗢𝗙𝗙 𝗦𝗼𝗰𝗶𝗮𝗹 𝗠𝗲𝗱𝗶𝗮 𝗣𝗼𝘀𝘁 𝗗𝗲𝘀𝗶𝗴𝗻

Brand-kaaga ha ahaado mid la xasuusto — Let your design speak for you!

📩 Nala soo xiriir maanta
whatsapp: 61 8005322

JUMCO WANAAGSAN﴾لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ﴿Suuradda Ibraahim: 7Nimc...
14/08/2026

JUMCO WANAAGSAN

﴾لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ﴿
Suuradda Ibraahim: 7

Nimco kasta oo aynu haysanno waxay mudan tahay mahadnaq. Shukrigu ma aha oo keliya in carrabku yiraahdo Alxamdulillaah, balse waa in qalbiga, hadalka iyo ficilkuba ku muujinayaan mahadnaqa Alle.

Alle ha inaga dhigo kuwa nimcooyinka ku shukriya, si uu inoogu kordhiyo kheyrka iyo barakada. Aamiin. 🤲🏽

09/08/2026

🎥 HIGHLIGHT VIDEO | SOBFITS 2026

Qaybihii ugu xusuusta badnaa ee SOBFITS 2026! ✨

Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya wuxuu isu keenay bangiyada, hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada, khubarada iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo wadaago aqoon, fursado iyo adeegyo cusub oo maaliyadeed.

🎬 Daawo muuqaalka oo dib u milicso qaar ka mid ah daqiiqadihii ugu muhiimsanaa ee SOBFITS 2026.

📸 PHOTO RECAP | SOBFITS 2026Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya – SOBFITS 2026SOBFITS 2026 wuxuu...
08/08/2026

📸 PHOTO RECAP | SOBFITS 2026

Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya – SOBFITS 2026

SOBFITS 2026 wuxuu ahaa madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’adaha maaliyadeed, bangiyada, ganacsatada, khubarada iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo fahamka iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed ee dalka.

05/08/2026

🎯 Farriin kasta oo saameyn leh waxay ku dhisan tahay 3 tiir oo muhiim ah.

Muuqaalkaan waxaan ku sharxeynaa sida loo gudbiyo sheeko ama farriin suuq-geyn oo si dhab ah u soo jiidata macaamiisha, iyadoo la adeegsanayo:

🔹 𝗛𝗼𝗼𝗸 – Waa waxa ugu horreeya ee qabta dareenka dadka. Waxay noqon kartaa su'aal, xaqiiqo layaab leh, ama hadal xiiso leh oo qofka ku dhiirrigeliya inuu sii daawado ama akhriyo.

🔹 𝗠𝗲𝘀𝘀𝗮𝗴𝗲 – Waa nuxurka ugu weyn ee aad rabto inaad gaarsiiso dhagaystaha. Farriintu waa inay noqotaa mid cad, qiimo leh, oo si fudud loo fahmi karo.

🔹 𝗧𝗼𝗻𝗲 – Waa qaabka ama codka aad farriinta u gudbinayso. Tone-ku wuxuu noqon karaa mid saaxiibtinimo leh, xirfad leh, dhiirrigelin leh, ama madadaalo leh, iyadoo ku xiran cidda aad la hadlayso.

💡 Marka Hook-ku soo jiito dareenka, Message-ku bixiyo qiimaha, Tone-kuna abuuro kalsooni iyo xiriir, farriintaadu waxay noqotaa mid saameyn leh oo si fudud maskaxda ugu sii jirta dhagaystayaasha.

Hussein Abdulle

04/08/2026

💡 Ma ogtahay in iibka badan uusan mar walba ku xirnayn helitaanka macaamiil cusub?

Muuqaalkaan waxaan ku sharxeynaa 3-𝐝𝐚 𝐱𝐞𝐞𝐥𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐞𝐞 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐢𝐛𝐤𝐚:

🔹 𝗨𝗽𝘀𝗲𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 – Macmiilka ku dhiirrigeli inuu doorto nooc ama adeeg ka tayo iyo qiimo sarreeya kan uu qorsheynayay, si uu u helo faa'iidooyin dheeraad ah.

🔹 𝗖𝗿𝗼𝘀𝘀-𝘀𝗲𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 – Macmiilka u soo jeedi alaabo ama adeegyo kale oo la xiriira waxa uu iibsanayo, si uu u helo xal dhammaystiran isla markaana uu kordho qiimaha iibku.

🔹 𝗗𝗼𝘄𝗻𝘀𝗲𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 – Haddii macmiilku ka waabto qiimaha ama dalabka, u bandhig xulasho ka jaban ama adeeg kale oo ku habboon miisaaniyaddiisa halkii uu gabi ahaanba ka tegi lahaa.

🎯 Fahamka saddexdan farsamo waxay kaa caawinayaan inaad:
✔️ Kordhiso dakhliga ganacsiga.
✔️ Sare u qaaddo qanacsanaanta macaamiisha.
✔️ Yareyso macaamiisha kaa tagaysa iyagoo aan wax iibsan.

Daawo muuqaalka oo baro sida xeeladahan loogu dabaqo ganacsigaaga si xirfad leh.

Hussein Abdulle

01/08/2026

Nuxur ka mid ah tababarka, muhiimadda ay leedahay doorashada niche-ka saxda ah, fahamka baahida suuqa, qiimeynta tartanka, iyo aqoonsiga macaamiisha bartilmaameedka si loo dhiso ganacsi leh jiho cad, koboc waara, iyo fursado guul oo sare.

Trainer
Eng.Hussein Abdulle

Address

Benadir
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Azhar Digital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share