24/09/2026
Degdeg: Howlgalka culus oo ka dhan ah AS ayaa Caawa ka dhacay gooba badan oo ka Mida Somalia .
Shabeellaha Hoose
Bar tilmaameedka Wuxuu ahaa dhowr xarumood iyo hanti ay la xiriirto koox hubeysan, oo ku kala yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobaha la sheegay in la weeraray:
Kuunyo Barrow – xarun ciidan, lagu sheegay inay ku jireen qalab ciidan iyo haraadi h**e
Sablaale xarun lala xiriirinayo jabhadaha"Fursaanta" ee jawaab celinta degdegga ah
Xarunta walxaha qarxa – goob lagu hayay agab la xiriira qarxinta, lana tilmaamay mid muhiim u ah howlaha kooxa
Hawaay xarun lagu sheegay inay deganaayeen dagaalyahanno iyo saraakiil
Dayaanleey goob kayd ah oo la sheegay in la weeraray
Eeriile gaadiid loo qorsheeyay in loo adeegsado walxaha qarxa
Qiimeynta hordhaca ah: Weerarradu waxay saameeyeen qaybo kala duwan oo kaabayaasha kooxda ah meelaha shaqaalaha iyo dagaalyahannadu joogaan, xarumaha militariga, goobaha kaydka, iyo xarumaha walxaha qarxa.
Weli lama xaqiijin: Tirada khasaaraha (dhimasho/dhaawac), burburka hantida, iyo saameynta guud ee howlgalka – warar dheeraad ah ayaa la filayaa.