13/12/2015
Cashirka Labaad:
Waxaa rabaa in halkaan idin kugu soo gudbiyo cashirka labaad ee Barashada ganacsiga iyo maamulka.
Ayadoo h**e aan u bilaabay cashiradaan ayay hakad galeen maadaama aad aan u mashquulay, kadib soo jeedin aan ka helay dad kamid ah dadka aqristay qayb h**e ee Hordhaca ahaa ayaa waxaa rabaa in aan kasii wado meeshiisii.
Waxaa qayb teena labaad kaga hadli doonaa:
(Qorshe ganacsi oo caadi ah waxa ku jira waxyaabahan soo socda):
1. Bayaan Waxqabasho & Hadaf
Bayaan waxqabasho waa sharaxaad gaaban oo sheegaysa waxa aad qaban doontid. Waxa uu adiga iyo dadka kula shaqeynaya ka gargaarayaa in diirada la saaro waxa muhiim ah. Bayaan hadaf waxa uu ka jawaabaya su’aasha ah “Maxaa aynu rabnaa inaan noqono?” Waxa uu ku siinaya tilmaan marka aad sameynaysid go’aanno saameyn doona mustaqbalka ganacsigaaga.
2. Sharaxaad Ganacsi
Sharaxaaddaada ganacsi waxay ka jawaabaysa su’aalaha ah “kuma, maxay, goorma, iyo halkee” ee ku saabsan ganacsigaaga, waxana ku jira lahaanshaha, nooca ganacsi, taariikhda bilaabista, iyo goobta.
Hab-dhiskaaga lahaanshaha ganacsiga waxa lagu dari doonaa qaybtan. Ganacsi waa unug sharci. Waxa uu yeelan karaa mulki, lahaan kartaa xisaabo bangi, waxana laga rabaa inuu bixiyo cashuuro. Waxa jira dhawr nooc oo ah hab-dhis ganacsi, oo mid kasta leeyahay faa’iidooyin iyo xadad u gaar ah. Inkasta oo hab-dhiska ganacsigaaga goor dambe la beddeli karo, waxa si weyn u fudud in marka h**eba la doorto ikhtiyaarka ugu fiican. Dhab ahaantii, ma “beddeli” kartid hab-dhiska ganacsigaaga; taas beddelkeeda waxa aad joojin doontaa ganacsigii h**e oo waxa aad bilaabi doontaa mid cusub, inkasta oo laga yaabo in dadka dibaddu aanay ka warqabin isbeddelka.
Doorashada adiga “sax” kugu ah waxay ku xidhan tahay danahaaga iyo baahiyahaaga. Baro ikhtiyaarada hab-dhiska ganacsi oo kala hadal la-taliyeyaashaada si loo go’aamiyo midka kuugu fiican. Raadso la-taliyeyaal sharci, cashuur iyo ganacsi (SCORE, Small Business Development Centers) (SCORE, Small Business Development Centers). Waxyaabaha ay tahay inaad ka fiirsatid marka aad gaadhaysid go’aankaaga waxa ku jira:
Tirada mulkiileyaasha hadda iyo mustaqbalka.
Noocyada mulkiileyaasha - sida shakhsiyaad ama unugyo (shirkado, wakaalado, iwm.).
Arrimaha mas’uuliyadda sharci.
Waajibaadka cashuurta Federalka - IRS.
Diiwaangalinta iyo shuruudaha xereynta cashuurta iyo kharashyada.
Arrimaha waraaqaha iyo maamulka.
Hoos waxa ku taxan hab-dhisyo ganacsi oo mid kasta leeyahay sharaxaad gaaban:
A. Mulkiile Kali ah (Sole Proprietorships) waa ganaci uu leeyahay qof kaliya ama lamaane is qaba. Ganacsiyada noocan ah ma kharash badna sameyntoodu mana jiraan shuruudo warbixin oo gaar ah oo laga rabo. Mulkiilaha ayaa shakhsi ahaan mas’uul ka ah (laga rabaa) dhamaan deymaha ganacsi iyo cashuuraha federalka.
B. Shirkado Leh Mas’uuliyad Xadeysan (Limited Liability Companies) (LLCs) waa ganacsi aad u caam ah. Ganacsiga noocan ahi waxa uu leeyahay mas’uuliyad sharci oo xadeysan sida shirkad weyn. Marka la abuurayo ganacsi ah LCC waxa la rabaa in warqad laga xereysto Xoghayaha Gobolka. Marka la fiiriyo cashuuraha federalka, waxa ganacsiyada ah LLC caadi ahaan loola dhaqmaa sida ganacsi ah mulkiile kaliya haddii uu jiro hal mulkiile, ama sida shuraakooyin haddii ay jiraan wax ka badan hal mulkiile. Hase yeeshee, marka IRS laga xereysto warqadda doorasho nooc unug, waxa ganacsiyada ah LLC loola dhaqmi karaa sida shirkado waaweyn marka la eego wixii ku saabsan cashuurta federalka. Inkasta oo sharci ahaan aanay qasab ahayn, marka la sameynayo ganacsi ah LLC, waa in gargaar laga raadso xirfadle sharci oo u qalma. Shuruudaha kale waxa ka mid ah in ganacsiyada ah LCC ay sameeyaan dukumenti xukun (governance document) oo la yidhaahdo Heshiiska Hawlgalka (Operating Agreement).
C. Shuraakooyinka Guud (General Partnerships) waxay la mid yihiin ganacsiyada ah hal mulkiile laakiin waxay leeyihiin wax ka badan hal mulkiile. Shuraakooyinku waxay wadaagaan hawlaha maamulka, faa’iidooyinka iyo khasaaraha, waxana uu mid kasta shakhsiyan mas’uul ka yahay (laga rabaa) dhamaan deymaha ganacsiga. Sababta oo ah falka hal shuraako ayaa kuwa kale u keeni kara mas’uuliyad shakhsiyeed, ganacsiyada ah shuraakooyin waxay noqdeen kuwo aan aad loo jeclayn ilaa markii la soo saaray ganacsiyada ah LLC. Marka la fiiriyo cashuuraha federalka, waxa ganacsiga noocan ah laga rabaa inuu xereeyo waraaq cashuureed shuraako iyada oo dakhliga ama khasaaraha shuraako kasta uu ku saleysan qaybta uu ku leeyahay ganacsiga.
D. Shirkado Waaweyn (Corporations) waa ganacsiyo leh hab-dhisyo ka sii adag kuwo kale. Sida ganacsiga ah LLC, waxa shirkadaha waaweyni leeyihiin mas’uuliyad sharci oo xadeysan. Si aad u sameysid shirkad weyn, waa inaad codsi ka xereysatid Xoghayaha Gobolka Washington oo aad abuurtid dukumenti xukun—kaasoo marka noocan laga hadlayo noqonaya xeer-hoosaadyo (bylaws). Waxa kale oo shirkadaha waaweyn laga rabaa shuruudo kale, sida bixinta shahaadooyin saamiyo (stock certificates), qabashada shirar sannadle ah iyo qorista hadalada shirarka, doorashada maamuleyaal, iwm. Qofka mulkiile ka ah shirkad weyn ee isla markaana ka shaqeeya waa shaqaale waana in mushaharkiisa laga jaro cashuuro oo looga soo warbixiyo sida shaqaalaha kale. Waxay shirkadah waaweyni cashuurta federalka ka xereyaan IRS. Haddii ay u qalmaan oo ay wakhti sax ah ku
codsadaan, waxay shirkadaha waaweyni dooran karaan nooca cashuurta bixinta ee loo yaqaano “ka dhaaf laba jeer cashuuridda” (pass-through taxation) (“S-Corporation”). Inkasta oo aanay qasab ahayn, marka la sameynayo waa in gargaar laga raadsado xirfadle sharci oo u qalma.
E. Shuraakooyinka Xadeysan (Limited Partnerships) (LPs) waa noocyo ganacsi oo aanay badanaa isticmaalin ganacsiyada yaryar, inkasta oo ay caam ka yihiin lahaanshaha hanti ma-guuraan ah (real estate). Ganacsiyada ah LP waxay ka kooban yihiin hal am ka badan oo ah shuraako guud iyo hal ama ka badan oo ah shuraako xadeysan. Shuraakada guud waxay maamulaan unugga ama ganacsiga waxana ay si buuxda wax uga wadaagaan faa’iidooyinkiisa iyo khasaarihiisa. Si ay isaga badbaadiyaan mas’uuliyad sharci, waxay shuraakooyinka guud badanaa yihiin shirkado waaweyn ama ganacsiyo ah LLC halka ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyo. Shuurakada Xadeysan waxay wax ka wadaagaan faa’iidooyinka ganacsiga, laakiin khasaarahoodu waxa uu ku xadeysan ama ku kooban yahay maalgalintooda. Caadi ahaan shuraakada xadeysan lug kuma laha hawlo maalmeedka ganacsiga ama unugga. Raadso la-talin sharci ka hor inta aanad ganacsigaaga u dooran hab-dhis ah LP. Sida ganacsiyada ah LLC iyo shirkadaha waaweyn, marka la abuurayo ganacsi ah LP waxa la rabaa in laga xereeyo Xoghayaha Gobolka Washington.