The Somali News

The Somali News The Somali News waa warbaahin dhexdhexaad ah oo xog furan. Facaa caajis ka reebo

09/27/2026
Laba nin ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada New York, kadib markii lagu qabtay iyagoo ka soo baxaya marin bulaacad ...
09/26/2026

Laba nin ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada New York, kadib markii lagu qabtay iyagoo ka soo baxaya marin bulaacad (manhole) oo ku yaalla meel u dhow hotel la qorsheeyay inuu d**o Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xilli magaalada New York ay si gaar ah u adkaysay ammaanka sababo la xiriira kulamada iyo khudbadaha madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Muuqaallo laga helay kaamirooyinka ammaanka ayaa muujinayay ragga oo ka soo baxaya nidaamka bulaacadaha.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Kevin Rodriguez, 26 jir, iyo Samuel Reveron, 25 jir, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira gelitaan sharci-darro ah (criminal trespassing), waxaana la horgeeyay maxkamad ku taalla Manhattan.

Booliska New York ayaa sheegay in baaritaankii h**e uusan muujin wax xiriir ah oo raggan ay la leeyihiin Netanyahu, Qaramada Midoobay ama fal argagixiso. Sida ay boolisku sheegeen, raggu waxay u muuqdeen kuwo galay nidaamka bulaacadaha iyagoo raadinaya waxyaabo qiimo leh iyo biraha dib loo iibin karo.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan dhacdada, iyadoo la raadinayo qof saddexaad oo muuqaalka kaamirooyinka lagu arkay.

Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen markab shidaal ah oo ay afduubteen burcad-...
09/26/2026

Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen markab shidaal ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah, kaddib howlgal ka dhan ah burcad-badeedda oo socday muddo ku dhow 48 saacadood. Markabka oo lagu magacaabo Sibu 1 ayaa lagu soo furtay xeebaha gobolka Mudug.

Markabka ayaa burcad-badeeddu qabsadeen 20-kii Agoosto 2026, xilli uu marayay meel ku dhow xeebaha Yemen. Sida ay sheegtay UKMTO, lix nin oo hubeysan ayaa markii h**e gacanta ku dhigay markabka, kaddibna waxaa loo soo jiheeyay dhanka xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha PMPF, Maxamed Jaamac, ayaa Reuters u sheegay in ciidamada Puntland ay bilaabeen howlgalka ka dhanka ah burcad-badeedda laba maalmood ka hor, waxaana ugu dambeyn la xaqiijiyay in markabkii la xoreeyay, halka burcad-badeeddiina ciidamada gacanta ugu jiraan.

Wararka kale ee kasoo baxay Puntland ayaa sheegaya in 20-ka shaqaale ee markabka saarnaa la badbaadiyay. Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sidoo kale soo tabisay in howlgalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada khasaaraha ay ilo kala duwan si kala duwan u sheegeen

Sibu 1 ayaa sidoo kale h**ey cunaqabateyn uga saarnayd dowladda Mareykanka, taas oo ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay waxa Washington ugu yeerto “shadow fleet” oo lagu gudbiyo shidaal ay saaran yihiin cunaqabateynno.

Qiimaha gaaska cuntada lagu kariyo ee LPG ayaa laga cabsi qabaa inuu sare u kaco dalka Kenya laga bilaabo bisha October,...
09/23/2026

Qiimaha gaaska cuntada lagu kariyo ee LPG ayaa laga cabsi qabaa inuu sare u kaco dalka Kenya laga bilaabo bisha October, kaddib markii uu si weyn u kordhay qiimaha LPG-ga ee suuqyada caalamka.

Wararka laga helayo suuqa ayaa sheegaya in qiimaha butane-ka uu kordhay in ka badan 25%, halka propane-ka uu isna kor u kacay in ka badan 23%. Labadan gaas ayaa qayb muhiim ah ka ah LPG-ga loo isticmaalo karinta.

Kororka qiimaha caalamiga ah ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho suuqa gudaha Kenya, maadaama dalka uu qayb weyn oo gaaska LPG ah ka soo dejiyo dibadda, gaar ahaan dalalka ku yaalla Bariga Dhexe.

Qiimaha gaaska ayaa durba sare u kacay suuqyada qaar. Warbixinnada la daabacay ayaa tilmaamaya in dhululubada 13kg ee LPG-ga shirkadaha qaar ay Nairobi ka marayso in ka badan KSh 3,200, iyadoo qiimaha uu ku kala duwan yahay shirkadda iyo goobta laga iibsanayo.

Haddii qiimaha caalamiga ah uu sii ahaado heerkan, macaamiisha Kenya ayaa laga yaabaa inay la kulmaan kharash dheeraad ah marka ay dib u buuxinayaan gaaska bilaha soo socda. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha cusub ee October weli si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana uu ku xirnaan doonaa xaaladda suuqa iyo qiimaha soo dejinta.

Taxanaha caanka ah ee Turkiga ee Teşkilat ayaa qaybtiisa 185-aad oo ah qaybta furitaanka Season 7 kusoo bandhigay dhacdo...
09/21/2026

Taxanaha caanka ah ee Turkiga ee Teşkilat ayaa qaybtiisa 185-aad oo ah qaybta furitaanka Season 7 kusoo bandhigay dhacdo la xiriirta Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo qayb ka noqotay sheekada cusub ee taxanaha.

Qaybta ayaa muujinaysa in Madaxweynaha Soomaaliya si lama filaan ah loo waayayo, arrintaas oo dhalisay xaalad amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto Kooxda sirdoonka ee Teşkilat ayaa markaas bilaabaysa hawlgal gaar ah oo lagu raadinayo laguna soo badbaadinayo Madaxweynaha.

Hawlgalku wuxuu kooxda gaarsiinayaa dalka Marooko halkaas oo ay ku wajahayaan xaalado adag iyo caqabado amni, iyagoo isku dayaya inay ogaadaan halka Madaxweynaha lagu hayo iyo cidda ka dambeysa qorshaha afduubka.

Dhacdadan ayaa kamid noqotay sheekada Season 7 ee taxanaha kaasoo diiradda saaraya hawlgallo sirdoon oo ka dhacaya meelo kala duwan, iyadoo lagu dhex daray dhacdooyin siyaasadeed iyo kuwo amni oo caalami ah.

Qaybta 185-aad ayaa sidoo kale si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada gaar ahaan kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhex daray sheekada taxanaha. Arrintan ayaa indhaha daawadayaasha u jeedisay sida Soomaaliya loogu soo bandhigay taxanaha caanka ah ee Turkiga.

Address

7790 Old Cedar Avenue S
Bloomington, MN
55426

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Somali News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to The Somali News:

Shortcuts

Share