Mayrac Media

Mayrac Media 🎬 Welcome to Mayrac Media –
Your voice, your vision, your platform!

We bring you powerful stories, inspiring interviews, and bold debates that shape our world.
📡 Mayrac Media – Where truth meets impact.

06/17/2026

Madaxweyne Cirro oo Qudus ku Guddoomay Billadda Caalamiga ah ee Friends of Zion Award

Abdizalan Sultan

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa magacaabay maamulka xisbiga ee laanta dalka...
06/17/2026

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa magacaabay maamulka xisbiga ee laanta dalka Jarmalka.

Somaliland iyo Israa’iil oo Kala Saxeexday Heshiis Istaraatiiji ahMadaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilla...
06/15/2026

Somaliland iyo Israa’iil oo Kala Saxeexday Heshiis Istaraatiiji ah

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa kulan taariikhi ah kadib si rasmi ah u kala saxeexday Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga Labada dhinac.

Heshiiskan ayaa dhigaya aasaaska xidhiidh istaraatiiji ah oo waara, waxaana lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada. Labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskani uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dan-wadaag.

Kulankan ayaa sidoo kale ku soo beegmay kadib aqoonsigii rasmi ahaa ee ay Israa’iil siisay Somaliland, tallaabadaas oo lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa maanta kulamo la yeelanaya Raysal Wasaaraha Isreal, Wasiirka arrimaha Dibedda iyo Wasiirka dhaqaal...
06/15/2026

Madaxweyne Cirro ayaa maanta kulamo la yeelanaya Raysal Wasaaraha Isreal, Wasiirka arrimaha Dibedda iyo Wasiirka dhaqaalaha.

Safiirka Somaliland ee Isreal ayaa sheegay

"Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u noqon doontaa maalin weyn oo ay xaqiijiso mid ka mid ah himilooyinkeeda waaweyn ee istiraatiijiga ah, iyadoo la kaashanaysa saaxiib caalami ah oo mihim ah oo diyaar u ah inuu noqdo lammaane istiraatiiji ah oo dhab ah. Tani waxay muujinaysaa horumar ku dhisan iskaashi, dan-wadaag, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan mihiimadda xasilloonida iyo fursadaha gobolka iyo caalamka.

Maanta Madaxweynu waxa uu kulamo dhaadheer la yeelan doonaa Raysal Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Dhaqaalaha dalka Israa’iil."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gaadhay Israa’iil, isaga oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soma...
06/14/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gaadhay Israa’iil, isaga oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland booqasho rasmi ah oo heer Qaran ku taga dalkaas.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in booqashadani tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa xidhiidhka, iskaashiga iyo saaxiibtinimada Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo uga mahadnaqay Madaxweynaha Israa’iil iyo shacabka dalkaas soo-dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen weftigiisa.

Madaxweynaha Isra11l oo soodhaweeyay Madaxweynaha Cirro.
06/14/2026

Madaxweynaha Isra11l oo soodhaweeyay Madaxweynaha Cirro.

Safiir Dr. Maxammed Xaaji oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxwaynaha Somaliland ee isra11l.Madaxweynaha Jamhuuriyadd...
06/14/2026

Safiir Dr. Maxammed Xaaji oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxwaynaha Somaliland ee isra11l.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa maanta si rasmi ah u imanaya dalka Israa’iil, halkaas oo uu ku bilaabayo booqasho heer qaran ah (State Visit) oo socon doonta shan maalmood. Madaxweynaha waxaa si rasmi ah u soo dhoweyn doona Madaxweynaha Dawladda Israa’iil, waxaana labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulan laba-geesood ah oo rasmi ah, kadibna waxay si wadajir ah u wada qaadan doonaan qado sharafeed heer sare ah iyo war-saxaafadeed ay u jeedin doonaan warbaahinta caalamka.

Inta lagu guda jiro booqashada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si rasmi ah ula kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Difaaca, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Israa’iil, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dhaqaalaha, iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Israa’iil. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan ballaadhan la yeelan doona in ka badan 200 ganacsato iyo maalgashadayaal sare oo Israa’iiliyiin ah, isagoo sidoo kale booqan doona xarumo waaweyn oo tiknoolajiyadeed iyo goobo taariikhi ah oo mihiim ah.

"Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisii dhammaaday, oo xumaan u joog ahi waxa uu noo sheegay go'aammada dhagaraysan ee uu ra...
06/13/2026

"Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisii dhammaaday, oo xumaan u joog ahi waxa uu noo sheegay go'aammada dhagaraysan ee uu rabo in uu ku xalaashado dhiigga shacabka Somaliland"

Barkhad Jaamac Batuun
Wasiirka wasaaradda warfaafinta,
ahna afhayeenka xukuumadda.

Facebook ayaa wajahay cilad wuxuu hawada ka maqnaa  muddo 30 ah Daqiiqado.
06/12/2026

Facebook ayaa wajahay cilad wuxuu hawada ka maqnaa muddo 30 ah Daqiiqado.

Congratulations, Trainer Hafsa Siciid Abdilaahi.Your journey from learner to trainer is truly inspiring. Completing your...
06/11/2026

Congratulations, Trainer Hafsa Siciid Abdilaahi.
Your journey from learner to trainer is truly inspiring. Completing your Training of Trainers (TOT) and successfully delivering a two-day training for 30 media professionals clearly reflects your dedication, skills, and professional growth.
Keep going your consistency and commitment will continue to open new opportunities for you.

— Abdizalan Sultan

Address

Chicago, IL

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mayrac Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mayrac Media:

Share